Xafiiska guud ee xusbiga kulmiye dalka holland‏

0
July 10, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiska guud ee xusbiga kulmiye dalka holland‏

    Xafiiska guud ee xusbiga kulmiye dalka holland‏

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska guud ee xusbiga kulmiye dalka holland‏ AFKA SHACABKA SOMALINAD OO MIDAYSAN
SHCABKA SOMALILAND MAANTA WUU KA GUDBEY
XILIYADII SIYAASI DANTIISA WATAA KU GUURI JEREY
WAXAYNA U GUDBEEN XILI MUCAARAD IYO MUXAAFADBA
MIDWALIBA WUXUU U QABTAY AY DUUWAANKA UGU QORAN TAHAY
SICADNA AY U QIIMAN KARAAN HANAAN GEEDI SOCODKA DALKOODA.


Mahad gaar iyo guud ahanba waa mid u sugnaatay CASAA WAJALAHA ina abuurtay.

Salaanta islaamku waa mid ahaatay inaan dhexdeena isku salaano iyadoo aan
leeyahay ASC.wr.WR.

Dhamaan shacabka somaliland meelkasta oo ay aduunka kaga sugan yihiinba debed iyo gudaba.


Sida aad lawada socotaan mudooyinkan danbe waxaa inagu soo kordhay sheeko layaab leh taas
odhaynaysa sir baa fakatay ama lahelay somaliland oo si dadban loogu daray fadaraalka.

arinkaas isaga ah ee la tahriibinayo waxaa aad u buunbuuniya Xusbiyada mucaaradka ah iyadoo
Ujeedda ka danbaysa ay tahay mid cad oo aan madmadow lahayn.

hadaba waxaa isweydiin muhiim ah> xusbiyada mucaarad ka ahi ma intay shaqadii loo igmaday
ka gaabiyeen bay doonayayaan inay shacabka sheeko gaaban oo iqyaali ah ku manjara habaabiyaan?

Waxaa kaloo xusid mudan sidii caado iyo dhaqanba aynu ku ogaan jirey shiqsi masuulka ahi wuxuu hubo
Buu umada horkeenijirey.

Waxaadse moodaa iminka oo aan mar iyo laba ahayn aan odhanka karo waa caadaysteen in
Xusbiyada mucaaradka ahi fudayd badani in uuka muuqdo taas oo aan ku wanaagsanayn soo jiidashada
iyo lahanaqaadka shacabkooda,waxna udhimi karta geedi socodka xusbiyadooda.

waxaa kaloo aynu xusuusanahay cada loolka inay ciyaari jireen dad dhalinyaro ah.
hadaba markaynu qiimayno sida waxay u wadaan miyanaynu odhan karin waa cadaloolkii dadka waaweyn?

haddii aynu kaga hadhno xusbiyada mucaaradka intaas, bal waxaynu yara jaleecaynaa dhanka
Xusbul xaakinka iyo golaha fulinta ee dalka.

Marka ugu horaysa waxaynu sicad u timaamaynaa in hadal xusbi yidhi ka jawaabideedu u taal xusbiga
Dhigiisa ah.haddii mucaaradku wax yidhaahdaan waxaa u taagan xusbul xaakinka taasina waa mid cad
oo aan madmadow lahayn muuse biixina arinkaas wuu sameeyey oo weliba si hufan oo siyaasadaysan
ugu jawaabey xusbiyada mucaaradka ah waana ugu hanbal yaynayaa.

Hadaba bal aan eegno golaha fulinta.
sida aynu ognahay dhaw wasiir baa midba wax yidhi mid hore u ahaan jirey iyo qaar iminka ahba.

Sikastaba arimuhu hawsoo bexeene yaa lahaa ka jawaabideeda iyo qancinta dad weynaha?

Waxaan filayaa inaan arinkaas cida leh dad badani aqoon aanay u lahayn.

Marka hore waxaan eegaynaa sirtan la sheegayaa ee laleeyahay waa la kashifay xagee ka soo baxday
waxaan lawada soconaa in laga soo dheehday ama laga soo xigtey webside debeda laga leeyahay
waxaa cad jariiradani in ay tahay mid uu daraygaraynayaan shiqsi yaal doonaya inay suurto geliyaan
Sidii ay aduunkan roodhidii ay ku noolaan lahayeen iyo magacba uga kasbadaan taasina maaha mid fudud,
waa mid u baahan in jundi badan la geliyo taasina waa ta dalkeenan masaakiinta ah ina keen badka.
waxaadse ogaalkeeda lahaataan maaha mid wax inoo dhimi karta way inoo fiican tahay hadal hayntu
dalkeenuna wuu ku korayaa arimaha noocaas ah iwm.

Waxaan u soo noqonaynaa marka arimahas oo kale debada inaga yimaadaan cid inoo metesha maw
samaysanay? jawaabtu waa haa waxaa arimahas oo kale difaacooda iyo qantoodaba iska leh wasaarada arimaha
Debeda, shaqdaasna waa mid u taal wasiirka arimaha debeda iyo tiimkiisa.

Sidaa awgeed cidii kale ee ka hadasha arinkaas waxaan u aqoon sanahay gola kafuul waana fuday
ina saameeyey ber yahay.
taana waa mid shacabku dusha kala socdo golaha fulintu dib hawga wada hadlaan arinkaas deg dega ah
siday uga waantoobi lahaayeen.

anigoo ah gudoomiayaha xusbiga kulmiye ee dalka holland fadhigiisu yahay
hadana waxyaabaha xaqiiqa ah waxaa lagama maarmaan ah in la cadeeyo
waxaa kaloo cad in dalkani dhabadii horumarka qaadaytaasina waa mid si cad isu muujisay
Oo marqaati madoon ah

aadbanuna ugu faraxsanahay haddaanu nahay qurbajoogta reer soomaliland meel kasta oo aan
kala joognoba. xagoog xume yeelkadiisa.

somaliland guul iyo gobanimo
Gudoomiyaha Xusbiga kulmiye
ee dalka holland xasancade









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online