Hargeisa :Hoyga Bunka :Ceelaabe‏

0
July 10, 2015 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa :Hoyga Bunka :Ceelaabe‏

    Hargeisa :Hoyga Bunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa :Hoyga Bunka



1.Caasimaddaha Adduunka iyo Magaalooyinka kala duwan ee Dal ka kooban yahay Ayaa mid kastaaba wax gaar ah ay caan ku tahay,Quruxda,Dalxiiska,Xadaarada,Waxbarashada,Dhaqaallaha,Sameynta Cunntada iwm.

2.Adeegyada iyo Horumarka laga sameynaayo guud ahaan Qeybaha kala duwan ee Nolosha Ayeyna Magaalooyinku ku kala horreeyaan,Waxaanna suurtagal ah in Magaalooyinka qaarkood ay ka Qaadaan kuwo horre Waxyaabo badan oo lagu yaqaanney.



3.Wakhti horre oo tagey waxa bulshaddeena si weyn caan uga dhex ahaa cabida Shaaha iyo Qaxwaha meel kasta sida Magaalo,xaafad,tuulo iyo daabiyad intaba.Dhaqanka Cabbitaanku wuxuu u badnaa mid la xidhiidha Shaaha iyo Qaxwaha.


4.Dadku sida ay shaaha u cabbaan iyo Xaraarada Shaaha sida lagu yahay ayaa aheyd mid si dhow looga war-hayo,Dhinaca kale Dadka ku wanaaggsan sameynta Shaaha iyo Maqaaxiyaha si miisaaman isugu dara Waxyaabaha shaahu ka kooban yahay Ayaa la jeclaa,la fadhiisan jirey,lagu balami Jirey,lana hadal-heyn Jirey.Halka ugu dhow Maqaaxi ee la beegsanaayo ayaa niyadda lagu heyn Jirey.


5.Hargeisa oo ah Caasimmada Somaliland oo aann laheyn wax Deked ah ama badda ah,Ayaa sannadihii ugu danbeeyey waxa si weyn ugu soo kordhaayey Ka ganacsiga iyo sameynta Bunka oo suuqa kula tartamaaya Shaahii,oo shaahi ka dhigey,shaah aan Shaahba aheyn.Waana la odhan karaa in Hargeisa tahay Magaalada ugu Bun iibsiga badan ee Somaliland,


6.Dadka Laajiga ah iyo Kuwa Waddamada kale innooga yimi Ayaa dhiirigeliyey Sameynta Cuntooyin iyo Cabbitaano kala duwan oo ay ka hirgeliyeen Hudheelo cunto oo ay innaga dhex furteen. Ethipoianka iyo Yemaniyiinta Ayaana ugu Horreeya Cidda aynu ka hadleyno ee Sameysey Cabbitaanka Bunka.Xiisaha loo Qabbana Wey ka qeyb qaateen.

7.Saaxiibbo iyo Dad badan oo kale ayaa ku dul sheekeysanaaya,ku Dul fekiraaya Cabbitaanka iyo carafta urta Bunka,dadka qaar iyaga oo dhinacna sigaar ka Qiijinaaya ayey haddana Dhinacna shaah ama bun ka cabbayaan.Kuwo kalena Waxbey ku Dul Akhrisanayaan.


8.Waxyeellada iyo Waxtarka Caafimaad ee ku Jira Bunkuna waa mid inta badan Muddooyinkii ugu danbeeyey siyaabo kala duwan wargeysyadu ay uga hadli Jireen.Haddii Hargeisi ay horre u aheyd Caasimadda Fanka iyo Suugaanta,Maantana waa Caasimadda Cabbitaanka shaaha iyo Bunka,Waa Caasimadda Qaadka iyo Qeylada.

9.Wakhti yar gudaheed Dhaqankii cabbitaanka Shaaha waxa soo labbeeyey Bunka,Tartanka Furitaanka Maqaaxiyo Adeega Bunkuna waa mid si toos ah u muuqda,Caraftiisa iyo Udgoonkiisu waa midka aad ugu Nuglaan doonto,Qiimihiisuna waa Midka ku niyadd jebin doonna,Waxtarkaasina,Waxyeelladiisa ayaad kaga gaabsan doontaa.Hargeisa Coffee House.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online