Cabdiraxmaan Cirro Iyo Jabuuti By Mukhtar Cilmi

0
July 10, 2015 in Articles by Shaqaalaha SLL Media
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cirro Iyo Jabuuti By Mukhtar Cilmi

    Cabdiraxmaan Cirro Iyo Jabuuti By Mukhtar Cilmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Cirro Iyo Jabuuti By Mukhtar Cilmi

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga Somalilandlive.com



 

dalka nala jaarka ah ee jabuuti waa dal aanu walaalo nahay oo mar walba taageera horumarka iyo taageerada qaraneemada somaliland iyo xoojinta xidhiidhka laba dal ,waxaana xidhiidhka laba dal waagi xukuumaddi daahir riyaale kaahin wuxuu aha mid adag oo wanaagsan .marke ay xukuumadda silaanyo ku guulaysatay talada dalka xidhiidhka labada dal wuxuu galay xidhiidhku dhowr marxaladood oo hoos u riday cilaqaatka labad dal,waxaana sababta ugu weyn lahayd hoos u dhaca xidhiidhka laba dal waa xukuumadan silaanyo ee ku fashilantay sugida amniga xuduuda iyo iskaashiga aamniyeed .waa ta keentay in xuduuda dhowr jeer la xidho,xafiiski dhamaa ee somaliland oo ay xukuumaddani dayacday .waa ta u  layaab ku noqotay cida xukunkan somaliland u haysa!. madaxweynaha dawlada jabuuti wuxuu ka waayay xukuumaddan wax khibrad dublomaasiyadeed sida darteedna xukuumadda jabuuti iyo shacabkeedu higsadayn cida badbaadin karta xidhiidhka labada dal.


ninka kaliya ee badbaadin kara xidhiidhka labada dal oo ixtraan weyn ku dhex leh jabuuti waa gudoomiyaha barlmaanka somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka WADDANI Md. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi cirro oo fikir siyaasdeed dublumaasiyadeed ku leh wadamada dibada gaar ahaan dalalka dariska ah oo ay ka mid tahay jabuuti.siyaasada iyo fikir C/raxmaan Cirro waa mid aad isku dhow madaxweyne ismaaciil cumar geele hadi noqoto xaga horumarka iyo is fahanka iso socodka labad dal iyo muujinta cilaaqatka , iyadoo Md Cirro ku sugan dalka jabuuti imika oo runti xidhiidhkiisu la leeyahay xukuumadda wa mid ka go’an shacabka somaliland oo u arko Cirro inuu yahay ninka kaliya ee matali kara afkoodana ku hadli kara, waayo maanta xukuumada somaliland waa mid wakhtigeedu dhacay oo kalsooni la’aani haysato,shacabkuna taageersan yahay CIRRO oo ah nin wadani dhab ah ixtiraamana xidhiidhka caalamaiga ah.


somaliland waxay higsanaysa maanta CIRRO inuu noqdo madaxweynaha soo socda ee dalka haybadiisa u soo celin laha,madaxweyne ismaaciil na wuu taageeraya cid walba dalkiisa la wanaag jecel oo qadariya shacabkeeda mudan. xukuumada silaanyo maaha maanta mid somaliland u danaynaysa waayo waad aragtan caalamki odhan aya ka soo wada hor jeestay.shacabku wuxuu higsanaya CIRRO oo ah ninka ka saari kara go’donka ay ku jirto somaliland,badbaadin kara xidhiidhki ay somaliland la lahayd bulshoweynta caalamka.waxaana ka codsanayna xukuumada madaxweyne ismaaciil cumar geele wixi heel iyo hoo in la garab istaagto badbaadintiida somaliland iyo hiigsigooda.Md.C/raxmaan Cirro na waa hiigsiga ay hiigsanayso somaliland.


By Mukhtar Cilmi


mukhtarcilmi@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online