Faallo: Jamaal Cali xuseen aqoonyahan, Diblumaasi, dhaaqaale-yahan, dhalinyaro? Cabdi Casiis Bashiir Nuur

0
July 11, 2015 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 1549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Jamaal Cali xuseen aqoonyahan, Diblumaasi, dhaaqaale-yahan, dhalinyaro? Cabdi Casiis Bashiir Nuur

    Faallo: Jamaal Cali xuseen aqoonyahan, Diblumaasi, dhaaqaale-yahan, dhalinyaro? Cabdi Casiis Bashiir Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo: Jamaal Cali xuseen aqoonyahan, Diblumaasi, dhaaqaale-yahan, dhalinyaro? Cabdi Casiis Bashiir Nuur

Maanta waxan waxyar oo kooban ka soo qaadan doonaa Taariikhda aqoonyahan jamaal cali xuseen oo ah Nin dhalinyaro ah kana soo baxay jaamacadda aduunka ugu qaalisan ee JaamacadaHarvadtaas oo ku taalla dalka maraykanka. Jamaal cali xuseen waxa uu ka soo shaqeeyey tobaneeyo dal oo ku kala yaalla Qaaradaha aduunka kuwaas oo uu mid walba ka soo noqday madaxa Maamula Banaankooda. Jamaal Cali Xuseen waa dhalinyaro ka mid ah ragga Tacabka badan geliyeey wax u tarka shacabka reer S/land iyo cidkasta oo tabaaleysan.

Jamaal waxa uu ka soo jeeda qoys Taariikh fog ku lahaa Bulshada soomaaliyeed dhexdooda. Waxa uu ka mid ahaa abihii ragga ugu magaca weyn geyiga soomaaliyeed. Jamaal waa nin aan bulshada uu kala soocid reer-nimo aqoonin-na maadada intaa badan dadka soomaaliyeed halakeeyey ee qabyaaladda. Waxbarashadaasi ka sekow Jamaal waa nin muddo badan qurbaha ku noolaa. Waa Nin Beesha Caalamka ku leh Saaxiibo aad uu badan.

Hadii maanta oo dhan aynu wadno marna kama gayooneysno aqoontiisa iyo waxtarka uu bulshada geliyey. Balse waxaynu qormadan maanta kusoo qaadan doonaa qaybo kooban oo ma mid ahaa Taariikhdiisa ku Faaftay aduun-weynaha.

Aqoonyahan jamaal waxa uu ku guuleystay Abaal-marinta uu ku mutaystay kadib markii Baankii uu maamulaayey qaybtii sa wadamada Tanzania iyo Ivory Coast uu noqday ka ugu tayo fiicnaaday uguna macaashka batay. Waa markii labaad ee isla sannadkan 2010-ka gudihiisa la guddoonsiiyo abaal-marintaasi (Award), taasi oo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku kasbaday Baankii uu isagu hoggaaminayey oo noqday Baanka ugu fiican "Besta Bank” iyo waliba "Best Investment Bank”.

Hadaba marka loo qabtay xafladdan oo loogu magac daray "African Banking Awards Dinner 2010” ayaa ah mid sannadkiiba mar la qabto, waxaana kasoo qayb gala madaxda caalamka ee dhinacyada Baananka, Dhaqaalaha, Diblo maasiyadda iyo madax ka tirsan dawladaha qaar. Madashaasi oo wadamo kala jaad ah Baanan waaweyn lagu guddoonsiiyey 25 Abaal-gud (Award), Aqoon yahan Jamaal Cali 3 (Saddex) ayuu u kacay, isagoo metalaaya Baanka Caalamiga ah ee City Bank iyo wad amadii uu madaxda uga ahaa sannadkaasi 2010-ka ee Ivory Coast iyo Tanzania waxay uu noqotay Guushaasi uu soo hooyey Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa ay yididiilo ku abuuraytay dhammaan Afr ikaanka iyo Soomaalida iyo gaar ahaan reer Somaliland. Maaha markii ugu horeysay ee Aqoonyahan Jamaal ku guulaysto ama uu helo abaal-marintan, balse tan oo kale waxa uu helay sannadkii kan ka horreeyey ee 2009-ka.

Dhinaca kale, Jamaal Cali xuseen waxa uu Beesha Caalamka ku leeyahay saaxibo aad uu badan kuwaas oo kala duwan, waxanay saaxibo aad iskugu dhow yihiin Madaxweynaha Dalka Maraykanka Brak Obama. Kaas oo ay isku jaamacad ka soo baxeen, walow aynu isku Culum aanay baran hadana waa laba Nin oo dhinacyo badan iska shabaha xagga af-tahanimada Qosolka badan iyo farxaanimada, waxa ay isku aragti ka yihiin xagga dhaqaalaha walow aanu Madaxweyne Obama ahayn dhaqaale yahan hadana waxa uu kor mudo kooban uu qaaday dhaaqalaha dalkiisa La socoo qaybo danbe oo xiiso leh....

Qalinkii

Cabdi Casiis Bashiir Nor

Info@xogreebnews.com

Hargeysa/somaliland .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>