MA DEGTAY WALI/ By:Ceelaabe

0
July 13, 2015 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MA DEGTAY WALI/ By:Ceelaabe

    MA DEGTAY WALI/ By:Ceelaabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MA DEGTAY WALI/ By:Ceelaabe

1.Dhallinta iyo Da'yarta Ayaa inta badan isku Yidhaahda "Horta Hebel Ma Degay".Qof kastaa in uu Dego Ayuu Rabaa,Inkasta oo uu Deggan yahay Meel,Haddana in uu Meel kale u guuro oo u Dego isagu Leeyahay Ayuu ka Fekirayaa.Dhallinyarta iyo Jiilasha Casrigan Qarniga 21-aad,Waxa Maskaxdooda Buux Dhaafiyey oo Shiddaya Aragtiyo iyo Hammi ah,In Waxbarasho la helo oo Deggitaanka dambe wax ka Tareysa,in Adduun sida Lacag la Kasbado,iyo in Guur lagu Dego la Sameysto.Waddamo badan Marka Ma Degtay aad Maqasho Waxa loo Jeeddaa Waxbarasho ma Heshay,Halka kuwo kalena in Qofku Reer Sameysto loogu yeedho.



2.Waxeynu Degnaa Shaqada iyo Guurka,Barbaarinta Waalidkuna waa in ay ku Danbeyso Duriyad Isku Filan,Shaqeysata,Is Jecel,Reero Sameysata,aad baa loogu Farxaa in la arko Qofkii oo Shaqeynaaya isla markaasina Meel gaar ah Degay,Nolosha ku nabadd qaba oo Badbaado ku sugan,saaxiibbo iyo Macaariif Wanaaggsan leh,Dadkiisanna Dhinac ka Raacey,Dunidani Yar ayaa markaa noqoneysa Janno yar,iyo meel Waayo Aragnimo Suuban laga kasbado.Nolosha Maalinlaha ah Ayuu ku Jirayaa Qofku inta uu ka Xijaabannaayo,Shaqada,Guriga,Asxaabta,Masaajidka iwm Ayuu u dhaxeyn doonaa.


3. Maanta in aan Dariiqna la raacin Ayaa dadka u ah Sharci,Tallo kasta Ayey Diiddaan,Tallooyinkoodana kuma Socdaan,Xoriyada Noloshani ayey Dhadhamiyeen oo ay doonayaan.Dhallinyartu Socdaal dheer Ayey noloshani ugu Jiraan oo Fog,Wey Durkiyeen Hankooda hase ahaate Wakhtigii Ayaa ku Socda,Wax kasta marka ay u noqdaan sida uu rabbo ayuu doonnayaa in uu Dego,Wax kastaana ma noqon doonnaan sida uu la wada Rabbo.


4.Da,yar badan iyada oo Lacag loo Hayo iyo Dhaqaale Ayey ka door bideen in ay Degaan in ay ku Jiraan caalamka Raaxada iyo Tumashada ama Sheekada iyo kala badalka Wejiyo badan,Wixii haddii uu Helaayo Marka uu u baahdo,Maxaa Guri iyo Degitaan Kharashkiisa kugu wata Ayuu isku Qancinayaa,Raaxada Sannadaha dhallinyarnimo Ayaa la durkeysa oo la fogaaneysa,Wuxuuna soo hambaabirayaa Amin kale oo Ciilkeeda leh

5.Su,aalo Badan Ayuu Maanta is weydiinayaa Qofka Dhallinyarta ahi,Wuxuu ku Dhex Mashquulayaa Dookhyo iyo Dad kala duwan,Wuxuu iska dhaadhicinayaa in aan cidd u qalantaaba Joogin,Wuxuu Nafta u hibeynayaa Waxbarasho 30 Sanno ah iyo Shaqo 10 Sanno ah ka dib Ayuu arrimaha guurka ka hadli doonnaa.


6.Wax cusub oo ay rabaan ayey ikhtiraacayaan maalin kasta,Socdaalkan ah sida Ay Da,yartu wakhtigani wax u rabbaan ayey Waalidkuna u raaceen.Deg-dega Ayey ka cararayaan,haddana ku carrarayaan oo wax kasta wakhti dhow in ay ku wada helaan ayey rabaan.Riyo ay Jecel yihiin in ay Rumeeyaan ayaa Maskaxdooda la nool.Waxa ay soo Bandhigayaan Qorshaha Noloshani oo ah 8/Dugsi h/Dhexe/4/Sarre/8 Jaamacaddo/5 Sanno Shaqo,Ka dib ayey ka fiirsan Doonaan Arrinta Guurka.


7.Kuwo badan oo Dhallinyarta ka mid ah oo Deg-deg loo dejiyey ama ku deg-degay oo Wadi Kari waayey ama waayo-aragnimo darro isaga bur-buriyey Reerkii Dhisnaa Ayey Kuwo badan oo Caqli lihi Daawanayaan.Waxan Qaaliga laga Dhigay iyo Noloshani Sixir bararka Weheshaneysa iyo Kirada Ayey Cabsi weyn ka Qabaan,Shaqo la,aanta iyo Camalka aan Joogtada aheyn Ayey fikir ugu baxeen saameyn ku Yeeshay in ay tallaabo horre u Qaadaan.


8.Weli waan u yarahay wakhtiga iyo waayahay Ayaa habeeno badan lagu soo cuney,Laba Master iyo PHD aan Diyaariyo ayaa la isku difaacayaa,Hanti iyo Maal ayaan sugayaa,aniga ayaa u madax bannaan Mustaqbalkeyga Ayaa waalidka berri horre lagula doodday.Waalidkuna wuxuu Fahmey rabbitaanka Ubadkoo Halkooda ayey u daayeen.Markii ugu Horreysey,Waan Yarahay,Weli Jaceyl Iguma Dhicin,Ma Hasaawin,Wax badan ayey tahay in aan soo Marko ka hor inta aannan degin ee aannan reer sameysanin,Waddamo waa in aan u socdaala.


9.Kuwo kale Laba reer oo kala duwan Ayey Dejiyeen oo ay Rugg iyo raas ka dhigteen/Geesiyaal


10.Waalidkiina wuxuu ka baqayaa in uu Dego Meel kale iyo Xabaalaha oo Qubuuraha la dejiyo,Wiilkii Yaraana wuxuu Rabaa in uu Adduunyada meel ka dego oo Wuxuu raadinayaa Wixii uu ku Degi lahaa.Ma Degteyna Maaha,Doonto Miyey Degtey ama Markabku.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online