TACSI MADAXWEYNE .- Marxuum Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib (Diir-qadhaadh

0
July 13, 2015 in Tacsi by somalilandlive Staff
  • Visits: 1211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TACSI MADAXWEYNE .- Marxuum Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib (Diir-qadhaadh

    TACSI MADAXWEYNE .- Marxuum Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib (Diir-qadhaadh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TACSI MADAXWEYNE .- Marxuum Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib (Diir-qadhaadh

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee gudoomiyihii u horeeyey ee loo doortay Baarlamaankii dalkii la isku odhan jiray SoomaaliyaMarxuum Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib (Diir-qadhaadh)oo ku geeriyoodaydalka Zambia magaalo madaxdiisa Lusaka13/07/2015,

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey door muhiimana ka qaatay in aynu ka xorowna boqortooyadii ingiriiska ee wakhigaa ina xukumi jirtay, xornimadana aynu ka qaadanay 26-June-1960kii balse nasiib xumo aynu ula tagnay calankeeni dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka dibna uu marxuumku noqday gudoomiyihii u horeeyey ee loo doortay Baarlamaankii dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, oo aynu ku hungawnay kalana soo noqonay 18-may-1991kii xornimadii inaga khasaartay 1960kii. Marxuumku waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeisa 1930kii, isaga oo ifka kaga tegay 7 caruura.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online