Daacish (ISIL) ma lagu jebin karaa dalka Ciraaq ?‏

0
July 14, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daacish (ISIL) ma lagu jebin karaa dalka Ciraaq ?‏

    Daacish (ISIL) ma lagu jebin karaa dalka Ciraaq ?‏

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daacish (ISIL) ma lagu jebin karaa dalka Ciraaq ?‏ Waxa uu ra'iisal wasaaraha dalka Ciraaq ku baaqay in dhamaan bulshada reer Ciraaq ay ka qayb qaadato dagaalka lagu qaadi doono gobolka Al-anbaar iyo magaalada Faluuja , waxaanu ciidankan dagaalka ku qaadi doona jabhadda Daacish uu ka kooban yahay ciidamadii xoogga dalka ee Ciraaq oo boqolkii sagaashan ay yihiin Shiico , iyo ciidamadii sida gaarka ah u tababarnaa ee Ciraaq iyo ciidamo police ah oo si gaar ah loo taba baray iyo ciidamada laga soo ururiyay shiicada oo miiliishiyo ah oo aan la garanayn cidda maamusha , oo meelo badan hore uga sameeyay boob iyo dhac iyo xad gudubyo fara badan oo ay u gaysteen meel kasta oo ay ka dagaalamaan , iyaga oo aar goosi iyo gumaad doonaaya in ay u gaystaan dadka sunna ah , waxaana markan la wada socda khubaro Maraykan iyo Faransiis isugu jira oo caawinaaya ciidamadan ay xukuumaddu ku weerarayso jabhadda Daacish .
Waxay hore saddex jeer ku guul daraysteen ciidamada xukuumadda ee uu hogaaminaayo ra'iisal wasaaraha dalka Ciraaq Alcabaadi oo ah wasiirka gaashaandhiga , isla markaana ah abaan duulaha ciidanka qaran ee dalka Ciraaq .
Hadaba markan waxa uu doonayaa ra 'iisal wasaaraha dalka Ciraaq Alcabaadi in uu dadka reer Ciraaq ilaw siiyo dhibaatooyinka ay sameeyeen todobaadkii hore ciidamada miiliishiyada ah ee shiicada ah , wixii ay ka sameeyeen magaalada Bagdaad ee ay boobeen ee ay dhaceen hantidii dadka masiixiyiinta ah ee reer Ciraaq .
Milishiyadan oo lagu soo ururiyay fatwa uu soo saaray ninka shiicada u sareeya ee la yidhaahdo Al-siistaani , oo uu yidhi waa jihaad ee waa inlagu wada biiro , macnaheeduna uu yahay waa in dadka sunnaha ah ee reer CIraawq la laayo .
Hadaba waxan oo ciidan ah iyo waxan oo isbahaysi ah , waxa la filayaa in sada loo buun buuninaayo aanay ahayn ee la leeyahay , waa in ciidamadani ciidda ku tukadaan magaalada Faluuja oo ay xoreeyaan inta ka horeysa maalinta ciidda .
Hadaba arinkanu iyo dagaalkanu ma fududa , laakiin Alcabaadi iyo shiicadu way buun buuninayaan oo dacaayad rakhiis ah bay samaynayaan .
Dhibaatada oo dhamina waxay ku dhacaysaa dadka reer Faluuja ee halkaa ku nool iminka , laakiin waxa cad in dagaal weyn ay xukuumadda Ciraaq iyo ra'iisal wasaaruhu u diyaar garoobeen , laakiin lama garan karo in ay jebin karaan ciidamadda jabhadda Daacish (ISIL) iyo in kale , waxaanay sheegayaan wararku in uu ururka Daacishna u diyaar yahay dagaalkan , oo uu taageero buuxda ka haysto dadka ka soo jeeda madhabka sunnaha ee ku nool magaalada iyo agagaarka goobaha lagu dagaalamaayo ee magaalada Faluuja .
Waxaana aad u adag in dadka sunnaha ah lagu jebin karo , dalka Ciraaq , sababtoo ah , bulshada reer Ciraaq waxay yihiin boqolkiiba 70 dad asalkoodu sunne ah . in kasta oo dalka Iran iyo dawladaha reer galbeedku caawinayaan xukuumadda Alcabaadi ee shiicada ah .
Hadana wax suurto gal ah maaha in dhulkoodii lagu jebiyo dadka sunaha ah , oo ay shiicadu wada qabsato dalka Ciraaq , horena ay u haysteen dalka Suuriya iyo xisbu allaah oo dalka Libnaan u jooga .
Hadaba dagaalka dalka Ciraaq ka socdaa , wuxuu noqon doonaa dagaal muddo dheer sii socon doonna , si fududna aan guusha cidi gaadhi karin .


Cali Maxamed Biixi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online