Somaliland: Xaagaanka Wada Dhalasho Iyo Xurmeyn La'aanta Jabuuti !!

0
July 15, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Xaagaanka Wada Dhalasho Iyo Xurmeyn La'aanta Jabuuti !!

    Somaliland: Xaagaanka Wada Dhalasho Iyo Xurmeyn La'aanta Jabuuti !!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Xaagaanka Wada Dhalasho Iyo Xurmeyn La'aanta Jabuuti !!

Somaliland: Xaagaanka Wada Dhalasho Iyo Xurmeyn La’aanta Jabuuti !!


Marka si qoto dheer loogu fiirayo hab-dhaqanka iyo macaamilka maamulka jamhuuriyadda jabouti uu la wadaago Somaliland.



Waxa qof kastaaba dareemi karaa inuu yahay mid ka hooseeya oo aan u qalmin halkii iyo heerkii laga eegayay laba dal iyo laba ummadood oo derisnimo iyo xidhiidh wada dhalasho wadaaga, waa (Somaliland iyo jabuutiye).


Muuqaalka foosha xun ee laga dheehdo, qaabka ay madaxda jabuuti ula dhaqmayso jamhuuriyadda Somaliland oo dabcan ka soo bilaabmaya tan iyo wakhtigii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taageeda 1991-kii, ma aha runtii mid saacidaya xidhiidhkii dublamaasiyadeed, wada noolaansho iyo deris wanaag ee laga filan karayay laba waddan oo sidani oo kale ah.


Waa maxay cadaawadda aadka u weyn ee maamulka jabuuti u qabaan dalka iyo dadka Somaliland ?

Hadmaa la isku jiiday Nabarkan gunaadkiisu fog yahay ee Sababaya hab-macaamilka noocan ah?, Ma taariikho hore oo iyaga meel u sii tiil baa ?..Haa, waa taariikho hore ayaa laga yaabaa. Iyada wax jiris la’aan ha eegin, kollay wax jiraba Alle iyo nebaa jira’e, wallee waxbaa jira, mise tolow waynu iska eedaynaynaaye sidani waa ABUUR, dee waanona dhalan baa ka adag baa la yidhi.

Su’aalahaasi, is qancintaaas iyo weedho kale oo badan waxay ka mid yihiin, is waydiimaha had iyo goor ku soo noqnoqda laabaha bulshada Somaliland, iyadoo sababtuna tahay inaan ficliyan laga helin madaxda reer Jabuuti milgihii iyo maamuuskii ay ka mudnayd SOMALILAND, gaar ahaan taageeradii dhinaca siyaasadeed. Haddii aanay sidaasi ahayn, ma garan karo, waxa socda ee BAL ADBA !!

Inta la ogyahay qarnigii 20aad iyo inta qarnigan bilowga ah ee 21 aad wax mashaakil ah oo bulshada Somaliland u geysatay Jabuuti ayaan cidina soo werin.

Waxay u geysato haba joogtee, sida taariikhdu ina barayso ummadda Somaliland hiil iyo hooba waxay ahayd tu la barbar istaagtay dalkaasi iyo dadkiisaba, xilli halgameedkii ay ku hoos jireen mustacmaradii Faransiiska si ay uga gilgishaan taasi oo rabbina ku guuleeyay kolkii danbe.

Waxa markhaati ma doon ah in xataa suugaaanta oo RUKNI wayn oo wacyigelineed ahayd, aanay hal abuurka Somaliland kala masuugin dalkaasi xilligii xorriyad doonka, Iyagoo hal- abuuray heeso badan oo isugu jira Soomaali iyo Canfariba, kuwaasi oo ay u hibeeyeen halgankaasi, wakhti xaadirkan-na ayba ku kaydsan yihiin Idaacadda RADIO HARGEISA, Tiiyoo ay si dareenka taabanaya ugu luuqayn jireen Fanaaniintii waaweynayd ee kooxdii Radio Hargeisa, ee sanadihii 60 naadkii iyo horraantii 70-naadkii.

Qarniyo badan ayaa mujtamaca Somaliland ay reer Jabuuti u ahaayeen wehelka keliya ee ay waaceensadaan, ku xisaabtamaan isla-markaasina dugsadaan.

Daymada Nusqaanta xambaarsan, ku xumeeda xambaarsan, ku jiqsiida xambaarsan, nacaybka xambaarasan ee ka imanaya dhanka madaxda Jabuuti 30kii sanadood ee la soo dhaafay, Haddii ay sii socdaan, ma aha macaamil caafimaad ka dhex abuuraya bulshada labada dhinac, taariikhdana waa wax ugu xardhanaan doona.

Danbe iyo timaadada ayaanan qabaa in Axwaashaasi aynu ka soo hadallay ee labada dhinac ay noqon doonto arrin xiisaheeda yeelata, maxaa yeelay Somaliland waa dal iyo dad hore u jiray, magaca Soomaali inta sheegata waa dadkii ugu horreeyey ee calan iyo xorriyad qaata, gadaalna waa dal iyo dad jiri doona haddii Allaah yidhaahdo.

Marka la isku tidco hab-dhaqanka xidhiiidhka Somaliland iyo Jabuuti ee dhinaca Diblamaasiyadda taban wakhti xaadirkan Iyo falalkii dibin daabyo ee waayihii tegey, Waxa qof kasta oo dammiirkiisu nool yahay dareemi karaa dedaalka maamulka Jabuuti ugu jiro fogaynta Somaliland iyo caashaqa ay u qaadday cid aan rabin.

Aan cuskiyo falanqayntayda tusaale dhow: Madaxda reer Jabuuti iyagoo ogsoon cadaawada ka dhaxaysay taliskii Siyaad Barre iyo dadkii isir ahaan loo tirinayay beelihii taageersanaa SNM.

Halkii ay magan gelyo ka siin lahayd dadkii walaalahooda ahaa oo nacab aan bixinaynin ka firxanaya, kolkii ay Jabuuti miciin bideen dagaalladii 1988-kii waxay qaadeen tallaabo ay kaga soo raafayaan maamulkii Jabuuti, gudaha magaalada Jabuuti, iyagoo gacanta u soo gelinaya ciidamadii taliskii dhiig-ya cabka ahaa ee Siyaad Barre ee joogay Lowya-caddo.

Waxa murugo iyo maalmo madaw ahaa in dadkaasi aan waxba galabsan ee raafka lagaga soo saaray Jabuuti kolkii loo gacan geliyay faqashta saacado ka dib inta wixii haween ahaa laga soocay, dhammaan raggii oo dhan rasaas lala dhacay. Waxaan xasuustaa xiliyadaas sidii dareenka naxdineed looga muujiyey dhacdooyinkaasi iyo sidii loogu baraarugay.

Baadhitaannadii idaacadda BBC-da oo wakhtigaasi ahaa beryihii sida aadka ah ay u shidnayd, waraysiyadii iyo baadhistii dhacdooyinkaasi ay kala yeelatay madax badan oo reer Jabuuti ah oo uu ka mid yahay wasiirul daakhiligii dawladdii Xasan Guuleed Abtidoon iyo dhanbaalladii qoraalka iyo codka cajaladaha lagu duubo-ba lahaa ee qaybo ka mid ah dadkii goob joogga ama eheladooda lagu dilay kaga war bixinayeen.

Dhacdooyinkaasi xanuunka badan ee RAAFKA DADKA Iyo xasuuqa daba yaalla, waxay laanta afka Soomaliga ee BBC-du si joogto ah ugu qaadaa dhigi jireen, barnaamijyadoodii xiligaas oo uu TODOBAADKA IYO AFRIKA ka mid ahaa oo bixi jiray toddobaad kasta maalinta Arbacada

hadda garo oo kolka ay maamulka Jabuuti sidaasi door bidayaan docda kale dalka Ethiopia, muxuu yeelay? Miyaanu noqon hoygii guusha iyo badbaada Somaliland, kolkuu saldhiggii halgankana ahaa, hab-qankii maatiduna nafta kula eeratay iyagoo ku helay nolol iyo ammaan.

Waxa caqliga saliimka ahi odorosayaa sida Afcaasha aan u jajabnayn jiritaanka Ummadnimo iyo hadafka goonni isu taagga Somaliland ee ay laasimeen maamulka Jabuuti uu saamayn taban ugu yeelan karo cudur aan dawo lahayn oo raadeeya mustaqbalka danbe quluubta bulshada labada dhinac, dhaxalka ay u reebeen hoggaankoogu awgeed.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa, GASHI WAA ABAAL, mar kalena, waxay tidhaahdaaSIDAAN KUUGU LISAY IIGUMAAD HANBAYN.

Lama dafiri karo oo Dabcan imikaba wuu jiraa xidhiidh u dhexeeya labada dhinac, Xurmo, soo dhoweyn iyo deris wanaag wuu iska jiri karaa, maaha taasi amuur lagu tilmaami karo xidhiidh si khusuusiya madaxda Jabuuti ugu sed burinayaan Somaliland, si ka duwan soomaalida kale,

Waase xidhiidh ku arooraya xeerka dhaqan Soomaaliga, xaagaanka wada dhalasho iyo xididnimo ee Sooyaalka u ah bulshada Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee cadaadiska dhinaca dublamaasiyadda ee labadii xukuumadood ee u kala dambeeyey Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku adkaysteen inay saaraan Somaliland, ma aha wax qarsoon bulshada Somaliland-na way u jeeddaa sida wax u dhacayaan. Iyadoo waxa keliyaata ee sababay inay Somaaliland qaabkaasi ula dhaqantaana uu yahay inay Somaliland tahay dawlad gobanimadeedii la soo noqotay gaarkeedana maanta u taagan.

Waxayse nasiib darro madaxda Jabuuti hilmaameen inay iyagu yihiin kuwii bilaabay inay gooni uga go’aan Soomaaliya inteeda kale 1977-kii, waxaanse odhan lahaa haddaad caashaqsan tihiin midnimo Soomaaliyeed soo diyaar garooba, shantii Soomaaliyeed ayaa la isla baadi goobayaaye, waayo dee adiguba shantaasaad ka mid ahayd oo loo kala hadhi maayee (Miidaan waasac…)

W/Q: Cali Axmed Cawaale (Cali Caano Dhame)

La Soco Qaybta 2-aad oo aad u xiiso Badan Iyo Xogo kale oo ku duugan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online