Ardayda Deeqda Waxbarasho loo diro ee Dalka Ethiopia gaar ahaan (Jaamacadda Tababarka Shaqaalaha Itoobiya ECSU): Tacab khasaarka haysta Haayadda Shaqaalaha

0
July 16, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda Deeqda Waxbarasho loo diro ee Dalka Ethiopia gaar ahaan (Jaamacadda Tababarka Shaqaalaha Itoobiya ECSU): Tacab khasaarka haysta Haayadda Shaqaalaha

    Ardayda Deeqda Waxbarasho loo diro ee Dalka Ethiopia gaar ahaan (Jaamacadda Tababarka Shaqaalaha Itoobiya ECSU): Tacab khasaarka haysta Haayadda Shaqaalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ardayda Deeqda Waxbarasho loo diro ee Dalka Ethiopia gaar ahaan (Jaamacadda Tababarka Shaqaalaha Itoobiya ECSU): Tacab khasaarka haysta Haayadda Shaqaalaha

Qaybtii Koowaad, 1aad

Waxaan qalinka u qaatay maanta oo ay bishu tahay 13 July, 2015, kuna beegan laba sano ka hor markaan ka soo qalinjabiyay Jaamacadda Tababarka Shaqaalaha Dawladda (ECSU), oo ahayd 13 July, 2013, maxaa u kordhay ardaydii ka soo qalinjabisay 2012, 2013, 2014 iyo 2015; tiro ahaan dhan saddex iyo afartan adray siday u kala horeeyeen waana sidan (9, 12, 18, iyo 14) oo sanadkan kasoo qalin jabinaysa, taas oo ku beegan 23 July, 2015.

Wasaaradaha dawladda yaa ka faa'iidaystay ardaydii deeqda waxbarasho helay, Tusaale ahaan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa kaalinta koowadHaayadaha Dawladda ku jirta;shaqaalihii waxbarashada qabtay wasaaradda waxa loo sii hayay meelahoodi sida agaasime oo kale, lagama bedelin, ,qaar ka mid ah waa la dalacsiiyay. Tusaalaha labaad; Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda markaanu xidhiidh la samayna, iskuna sheegnay ka arday ahaan, ardaydii ka soo qalinjabisay Jaamacad Tababarka shaqaalaha Itoobiya soo baratay cilmiga maamulka dhaqaalaha, Cashuuraha iyo dib u habaynta maaliyadda qaranka; way soo dhawaysay, way ku diirsatay arrinkaas; waxaanu rajaynaynaa inay wax weyn ka qaban doonto aarinkaas iyo sidii loo hawl gelin laha, ka wasiir ahaana sharaf weyn ayay u tahay inay dhirigeliso ardayda tababarka khaaska ah leh.

Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha ee cusub maxa uga qorshaysan ardaydan ka soo baxaysa Jaamacada Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee u koomishanku diray. Gudoomiyuhu wili arrinkan kor u qaadida aqoonta shaqaalaha dawlada ma kala shiray? Waxa ma ka wiidiyay ardaydii hore ee Jaamacada ka soo baxday? Ileen khibrad iyo dadaal dheer ayay ka soo dhaxleen dalka Itoobiyee! Ma ka war hayaa ardaydii soo qalin jabisay waxay ku sugan yihiin? Ma shaqeeyan mise suuqa ayay galen? Maxaase uga meel yaalla?Waydiimahaas iyo kuwo kale oo ka badaniba waxa looga fadhiyaa gudoomiyaha haayadda shaqaalaha dawlada!

Maxadka tababarka shaqaalaha dawladda oo hore guddomiyaha haayada shaqaaluhu madax uga ahaa iyo gudoomiyaha maxadka ee cusubi waxay hore uga faa’iidaysteen ardaydii soo baxday afartaaa sano inay macalimiin u qaataan oo ay machadka u helaan macalimiin ku filan , oo leh khibrad aqooneed kuwaas oo saaray maxadka macalimiiin la’aanta ka jirta dalka. Taasoo dhiiri gelin u noqotay ardayda ka soo qalin jabisay jaamacadaha. Maxadku wuxu weli la daba taagan yahay ardaydaas sidii uu u dhiiri gelin lahaa, si guud iyo si gaar ahaaneed labadaba.

Haddaba; sidee loo meelayn karaa ardaydaa soo qalin jabinaysa?

1. In gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha ee cusubi uu ogaado tirada soo qalin jabisay, kuuliyadaha ay ka soo qalin jabiyeen, heerka aqooneed iyo darajooyinka ay kala sitaan, in uu ogaado aqoonta dalka looga baahan yahay si loo horumariyo.

2. In gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha ee cusubi uu ka yeesho qorshe u gaar ah shaqaalaha tababaradda kala duwan leh ee soo qalinjabinaya iyo inuu ku dadaalo sidi loo dhirigrelin laha.

3. In uu guoomiyaha Haayadda Shaqaalaha dawladdu uu hor geeyo Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wasiiraddaba, kana dhigo arrin qaran. Si aanay Jaamacadda deeqda waxbarasho ina siisa iyo Dalka Itoobiyaba aanay uga niyad jabin deeqdan waxbarasho ee ay siinayso shaqaalaha dawladda.

4.Machadka Tababarka Shaqaalaha, waxan ku dhiiri gelinaya inay sii wadaan dhiirigalinta ardaydaa soo qalin jabisay ee sida gaarka ah u tababaran iyo shaqaalaha aan helin fursaddaa waxbarasho ee dalka gudihiisa ku sugan ee ka shaqeeya wasaaradaha iyo haayadaha kala duwan ee dawladda.

5. In Wasaaradaha iyo Haayadaha dawladu shaqaalaha tababaran ay ka faa'iidaystaan sidii loogu talo galay, iyaga oo la kaashanaya Haayada Shaqaalaha dawladda, haddii kale ay is xil-qaamaan si la mid ah sida Wasaaradda qorshaynta qaranka

6. Dalka Itoobiya wuxu ka caawiyaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland tababarka shaqaalaha dawladda si ay shaqaalohoodu khibrad iyo aqoon uga helaan, isla markaana ay dhalinyaradu u hanato dalka. Aniga oo taas maanka ku haya isla markaana ah arday ka soo qalinisla kuwa imika ku jiraanaiigaba sii dareen badan yihiinwaxaanu si kal iyo laab ha gacaltooyana lehuga mahad celinayaa deeqdaas waxbarasho eehargar la’aanta ah ee ay na siiyeen.

kasoo qalin jabiyay iyo kuwa ku jiraba, Jaamacadda iyo dalka Itoobiyaba waxaanu uga mahad naqaynaa deeqdaa waxbarasho ee hagar la'aanta ah ee ay na siiyeen.

Qaybta Labaad: Sidee loo Maamula Jiray Deeqda Waxbarasho ee Dalka Itoobiya inaa Siiso, Maamul Xumadi hore, Eexid iyo Qabyaalid lagu Maamuli jiray, hada Maamulkuna waa kuwii?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online