XAMXAMTA SUUQA oo Banaanka Soodhigtay Halkii Looga Baaqay Masuuliyiinta Kabaxay Xisbiga Waddani

0
July 16, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAMXAMTA SUUQA oo Banaanka Soodhigtay Halkii Looga Baaqay Masuuliyiinta Kabaxay Xisbiga Waddani

    XAMXAMTA SUUQA oo Banaanka Soodhigtay Halkii Looga Baaqay Masuuliyiinta Kabaxay Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XAMXAMTA SUUQA oo Banaanka Soodhigtay Halkii Looga Baaqay Masuuliyiinta Kabaxay Xisbiga Waddani  Somalilandlive.com/.-Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa dhacdooyinka ama wararka ugu hadal-haynta suuqyada badan , Xamxamta suuqa iyo Maanta , Sirta ka danbaysa is-casilaada Masuuliyiin Xilal sare ka hayey Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Waxaa maanta iska casilay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani masuuliyiinta kala ah Xoghayihii qorshaynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Riyo-raac, Xoghayihii arrimaha gudaha Mustafe Qodax iyo Maxamuud Cabdillaahi Axmed(Gaab) oo ahaa guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbigaas.

Xamxamta suuqa laysla dhexmarayo ayaa sheegaya in habeenkii xalay ay saddexdaas masuul shir albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay Madaxtooyada Somaliland oo aanay kala cadayn cidda ay halkaas kula shireen , laakiin la xaqiijiyey kulankooda Madaxtooyada Somaliland.

Waxaana la sheegayaa in masuuliyiintan loo magacaabi doono xilal kala duwan oo ay iyagu dalbadeen , Cabdirashiid Riyo-raac ayaa loo magacaabi doono wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyadoo xilka laga qaadi doono WasiirkaMacdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.

Waxa kaloo xamxamta suuqa sheegayaa in Mustafe Qodax dalbaday uu ku qancay in loo magacaabo Wasiir ku xigeen ama Wasiirdowlaha ka tirsan xukuumadda , halka Maxamuud Cabdillaahi Axmed(Gaab) la filayo in laga shaqo geliyo mid ka mid ah Haya’aha dalka.



Somalilandlive.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online