Baaq Ku Socda Shicibka S/Land Gude & Debedba, oo ah Madaxweynihii wadanka halays Weydiiyo Halka uu Ka Taliyo Cida uu La Hadlo, cida uu wax u sheego, & Wax uu Xilkiisi u Gudan Waayey

0
July 21, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Ku Socda Shicibka S/Land Gude & Debedba, oo ah Madaxweynihii wadanka halays Weydiiyo Halka uu Ka Taliyo Cida uu La Hadlo, cida uu wax u sheego, & Wax uu Xilkiisi u Gudan Waayey

    Baaq Ku Socda Shicibka S/Land Gude & Debedba, oo ah Madaxweynihii wadanka halays Weydiiyo Halka uu Ka Taliyo Cida uu La Hadlo, cida uu wax u sheego, & Wax uu Xilkiisi u Gudan Waayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq Ku Socda Shicibka S/Land Gude & Debedba, oo ah Madaxweynihii wadanka halays Weydiiyo Halka uu Ka Taliyo Cida uu La Hadlo, cida uu wax u sheego, & Wax uu Xilkiisi u Gudan Waayey Baaq Ku Socda Shicibka S/Land Gude & Debedba, oo ah
Madaxweynihii wadanka halays Weydiiyo Halka uu Ka Taliyo
Cida uu La Hadlo, cida uu wax u sheego, & Wax uu Xilkiisi u
Gudan Waayey.
Madaxweynihii Shicibku Doorteen, ama Arko oo Warbaahinta intuu Ka Hadlo su,aalo Lama
Weydiiyo, Ta Kale Wadankii oo qalaalase siyaasadeed Ku Jira, oo Doorashooyinka ah Kama
Hadlo, Xiitaa Gogashii uu Xisbiyada u Fidiyey ee uu Amray ayaa Wixii Lagu Heshiiyey ee M/Ku-
Xigeenkiisu Goob Joog ahaa La Yidhi Waxba Kama Jiraan, oo Saleebaan Gaal Ganafka Ku Dhuf-
tay Dee Siilaanyo ayaa Madaxweyna ah, ee Guurtida Umadu xilka umay Dooran.
Sidaas Darteed, madaxweyne Magac u Yaala ah oo Xukunkiisii & Madaxnimadiisii Meel ay Ka
Muuqataa Jirin, oo Wareegtooyin uun Habeen Badha Soo Baxa Lagu Magacaabo, Waxbaa halkaa
Ka Jirta, Waayo xalaal Iftiin ayaa La Qashaa, Madaxweyne aan Maalintii Umada La Hadal oo aan
La arag oo Dhuxul & Cukuse Sida Maraaanka ay Warbaahinta Horteeda, Jiidjiidaan oo Iska Soco
& Iska Fadhiiso & Cid Lama Hadlayo, Wareegto Wuxuu Maalin u Soo Saari Waayey, ayey Umadu
In Badan Is Weydiisaa, Taasna Wuxuu Kuu Cadaynaysa Inuu Siilaanyo aanu Xilka Wadi Karin oo
aanu Gudan Karin Masuulayadii Shicibku u Doorteen, ee Cid Kale & Cid aan La Dooranina ay Gacan-
ta Wadanka ugu Jirto, oo Islaantiisa & Xirsi & Moorgan & W.Duulista & Qaar Kaloo Badan oo ay
Samsam Ka Mid Tahay, ay Odeygiina Ku Dirqiyayaan Hawl aanu ka Soo Bixi Karin, wadankiina Miji-
hiisii Madaxii u Rogeen.
Sidaas Darteed, Shicibka Somaliland Maxay Ugu Habranayaan Madaxweynihii ay Doorteen ee ay
Codkooda Siiyeen, oo aan Talo Gacanta ugu Jirin, oo aan Baruur Kala Hoyn arin, oo Madaxtooyada
Sidii Waadhka uun Jiifa oo Lagu xanaaneeyo, oo Inta Ku Xeerani ay wadankii Majara Habaabiyeen
oo Weliba aanay Cabsi Ilaahay & Cuqubo & Inkaar Toona aanay Ka Baqayn, ee ay Weliba Ku Andac-
oonayaan Mudo Kordhin Madaxweyne aan Talaba Gacanta ugu Jirin, oo Ilaahay & Umaduba Og
Tahay.
Sidaas Darteed, Shicibku Ha Baraarugaan, oo Madaxweynihii ay Doorteen ma Taliyo ee Ha Iska
Ridaan Kooxdan dhiig Miiratada ee Xoolihii Umada & Xaqii Masaakiinta Guranaysa, Laakiin ay
Maalin Kale Eedi doonaan, Madaxwynahana Haduu Inuun Cabsi Ilaahay Ku Jirto Umada Haw Soo
Celiyo Wixii ay Ku Aamineen,kol Haduu Hawshii Gudan Kari Waayey, oo Magaciisii & Sharaftiisii
& Dadnimadiisi & Aakhiradiisaba Yuu Ku Guban ama Ku Cadaabin Dad Kale, oo aan La Dooran oo
Hawshiisii & Xukunkii Loo dhiibay Iskala Wareegay, Isagana Sida Sawirka Kolba Dhan u wata.
wabilaahi Tawfiiq




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online