War Degdeg ah Xukuumada Somaliland oo Caawa Ciidamo Culus oo Boolis iyo Milatari isugujir kuwareejisay Goobo Muhiima oo Caasimada Hargeisa ah iyo Dareen Cabsi leh oo ay Abuurtay

0
July 21, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg ah Xukuumada Somaliland oo Caawa Ciidamo Culus oo Boolis iyo Milatari isugujir kuwareejisay Goobo Muhiima oo Caasimada Hargeisa ah iyo Dareen Cabsi leh oo ay Abuurtay

    War Degdeg ah Xukuumada Somaliland oo Caawa Ciidamo Culus oo Boolis iyo Milatari isugujir kuwareejisay Goobo Muhiima oo Caasimada Hargeisa ah iyo Dareen Cabsi leh oo ay Abuurtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Degdeg ah Xukuumada Somaliland oo Caawa Ciidamo Culus oo Boolis iyo Milatari isugujir kuwareejisay Goobo Muhiima oo Caasimada Hargeisa ah iyo Dareen Cabsi leh oo ay Abuurtay  Somalilandlive.com/  Waxa Caawa Magaalada Hargeisa  Lagu Daadiyay Ciidamo Tiro Badan  iyada  oo Goobaha Qaarna  Ciidamo Milatariya Lagu arkay    Jidka wayne   ee Madaxtooyada Somaliland Hormara ayaa Waxa  Xidhay Ciidamo Milatari  iyo   Boolis  isugu Jira, Waxana Dhamaanba Labaadhaya  Baabuurta    Maraysa Jidkaa, Waxa Sidoo kale Ciidamo  Culus  RRU  Kujirto Lagu Wareejiyay  Radio Hargeisa   iyo Telefeeshinka Qaranka  Sidookale Jidka Hore  ee Gala Madaarka Hargeisa  iyo  Hotel Ambassador ayaa Iyana Ciidamo    Badani  Xidheen iyaga oo Dadka   Iyo Baabuurta   baadhay , Dawaynah Caasimada  Hargeisa ayaa Caawa Lahoday  Cabsi   iyo Saansaan Colaadeed oo ay Xukuumada Wakhtigeedu Siidhamaanayo  ay Caawa    Dalka Galisay.


 Sidoo kale Hotelada Waawayn ee  Caasimada ayaa Lakeegay Ciidamo Boolis ah oo aan hore Ujoogi Jirin Waxana  Qaarkood Lagu Amaray in aanay Wax Shira  iyo Wadacashayn Toona  aanay Kuyeelan Karin Masuuliyiinta  Asxbaata Mucaaridka ahi


 Taliyaha Ciidanka Booliska  iyo Wasiir kuxigeenka Arimaha   Gudaha Somaliland ayaa  Caawa Siwada Jira  Ugu Dhawaaqay Heegan Cusul oo Ciidamada Booliska Lagaliyay Kadib Markii  Midawga Mucaaridku kudhawaaqay  Shirar Lagaga Tashanayo Sidii Xukuumada Qaran oo Dalka Badbaadisa Loodhisi Lahaa Maadama   uu Wakhtigii Xukuumada Siilaanyo Dhamaanayo   6Cisho Kadib
Dhanka  kale  Wararka Ka imanaya Magaalooyinka  Buco  iyo Ceerigaabo ayaa iyana Caawa  laga Dereemayaa  Dhaqdhaqaaq Ciidan oo aan Hore Loogu Arki Jirin

   Arinta ayaa Umuuqa  Xaalad Abuur ay Xukuumada Siilaanyo Isku dayayso in ay Dadka Ku Cabsi Galiso

 Isha Kuhay Somalilandlive.com  Wixii kasoo Kordha Xaalada Cakiran ee Waaca Kajirta Caasimada  Hargaysa

Webmaster@somalilandlive.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online