Ciidamada RRU-da oo Xabsiga U Taxaabay Mas'uul Ka Tirsan Xisbiga Waddani, Lana Wareegay Xarumaha Waddani Iyo Ucid iyo Ciidamo Hor Dhoobay Hotel Dalxiis.

0
July 23, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada RRU-da oo Xabsiga U Taxaabay Mas'uul Ka Tirsan Xisbiga Waddani, Lana Wareegay Xarumaha Waddani Iyo Ucid iyo Ciidamo Hor Dhoobay Hotel Dalxiis.

    Ciidamada RRU-da oo Xabsiga U Taxaabay Mas'uul Ka Tirsan Xisbiga Waddani, Lana Wareegay Xarumaha Waddani Iyo Ucid iyo Ciidamo Hor Dhoobay Hotel Dalxiis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada RRU-da oo Xabsiga U Taxaabay Mas'uul Ka Tirsan Xisbiga Waddani, Lana Wareegay Xarumaha Waddani Iyo Ucid iyo Ciidamo Hor Dhoobay Hotel Dalxiis.

Hargeysa( SLL) :-Ciidamada RRU-da, ayaa saaka goor hore xabsiga u taxaabay xoghaye ku xigeenka warfaafinta xisbiga Waddani Md.Cabdirashiid Maxamed Aadan (Jeeni) isaga oo si caadi ah u gudanaya hawl-maal meedkiisii shaqo. waxaana sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan cidamada boolisku hada la geeyey xarunta C.I.D-da, lamana oga ilaa hada sababta mas'uulkan keentay xadhigiisa.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in xarumahii dhaxe ee xisbiyada Ucid iyo Waddani-na ay la wareegeen ciidamada sida gaarka ah u tobabar ee RRU-da oo ay wehelinayaan ciidamada Booliska Somaliland, waxa kale oo gabi ahaanba la xidhay wadada hor marta qasriga Madaxtooyada Somaliland ee ka soo gasha dhinaca galbeed una socota dhinaca bari iyada oo aagaas oo dhanba ay teedsan yihiin ciidamo aad u tira badan.

Dhanka kalena wararku waxa ay intaas ku darayaan in hotel Dalxiis oo ku yaala afaafka hore bariijka weyn Hargeysa la soo hor dhoobay ciidamo aad u badan iyada oo xukuumaddu ka baqo qabta in halkaas lagu qabto shirkii talo-qaran ee ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Ilaa hada lama garanaayo sida xaalku ku danbeyn doono balse waxaa ay shacbiga ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa u dhagtaagayaan qabashada shirka talo-qaran ee ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradku, iyada oo gudaha magaalada Hargeysa iyo goballadaba si weyn looga hadal hayo.



Somalilandlive.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online