Xisbiga Waddani oo Si Adag U Cambaareeyey Xadhiga Lagula Kacay Shan Suxufi oo Ka Hawl-gala Magaalada Hargeysa oo uu Kijiro Agaasimaha StartTv Hargeisa

0
July 23, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani oo Si Adag U Cambaareeyey Xadhiga Lagula Kacay Shan Suxufi oo Ka Hawl-gala Magaalada Hargeysa oo uu Kijiro Agaasimaha StartTv Hargeisa

    Xisbiga Waddani oo Si Adag U Cambaareeyey Xadhiga Lagula Kacay Shan Suxufi oo Ka Hawl-gala Magaalada Hargeysa oo uu Kijiro Agaasimaha StartTv Hargeisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani oo Si Adag U Cambaareeyey Xadhiga Lagula Kacay Shan Suxufi oo Ka Hawl-gala Magaalada Hargeysa oo uu Kijiro Agaasimaha StartTv Hargeisa

Hargeysa(SLL) :-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si adag u cambaareeyey xadhig ay maanta xukuumaddu u gaysatay shan weriye oo ka hawl gala magaalada Hargeysa oo uu ku jiro agaasimaha guud ee Talefeshanka caalamiga ah ee Star Xamse Cali Bulbul, waxaana ay xadhigaas ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro isla mar ahaantaana la cabudhinaayo xoriyadda saxaafadda Somaliland.

Xoghayaha dalxiiska Md.Mubaarig Cabdi Xasan (Buuni), ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta dhaxe ee xisbiga Waddani, waxaana uu sida oo kale xukuumadda uu ku dhaliilay in ay caado ka dhigatay xadhiga lagula kacaayo saxaafadda madax-bannaan, isaga oo sida oo kalena ugu baaqay in ay joojiso xadhiga iyo cabudhinta ay ku hayso.

"Waxaan halkan si weyn aan uga cambaaraynayaa xadhiga loo gaystay saxafiyiinta ka hawl-gasha magaalada Hargeysa Xamse Cali Bulbul, Khadar Macalin Deeq, Nagiib Dalmar iyo Cabdiraxiim Ismaaciil oo dhammaantood ka kala hawl gala Talefeeshanka Star, Bulsho iyo Toga-herer. Saxafiyiintani idilkood waxaa si habsami ah ay u gudanayeen hawl-maal meedkoodii shaqo, xukuumaddu waxaa ay caado ka dhigatay cabudhinta iyo cago-juglaynta ay mar walba ku hayso saxaafadda, mudadii ay xukunka dalka haysay, waxay xidhay in ka badan 400 oo weriye, iyada oo sida oo kalena xidhay xarumo badan oo ay ka hawl-galayeen hay’addo warbaahineed. Xukuumaddu waa in ay ilaalisa xoriyada Saxaafadda, hana joojiso xadhiga iyo cago juglaynta ay ku hayso saxaafadda xorta.”.Ayuu yidhi Md.Mubaarig Cabdi Xasan.



Webmaster@somalilandlive.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online