Halkan Ka Daawo Cali Khaliif Galaydh oo Markii ugu Horaysay Ka Calaancalay Duruufaha Qalafsan ee Mudisho Kuhaysta Kana Garaabay Madaxbanaaninda Somaliland

0
July 25, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Ka Daawo Cali Khaliif Galaydh oo Markii ugu Horaysay Ka Calaancalay Duruufaha Qalafsan ee Mudisho Kuhaysta Kana Garaabay Madaxbanaaninda Somaliland

    Cali Khaliif Galaydh oo Markii ugu Horaysay Ka Calaancalay Duruufaha Qalafsan ee Mudisho Kuhaysta Kana Garaabay Madaxbanaaninda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Khaliif Galaydh oo Markii ugu Horaysay Ka Calaancalay Duruufaha Qalafsan ee Mudisho Kuhaysta Kana Garaabay Madaxbanaaninda Somaliland Somalilandlive.com/ .- Cali Khaliif Galaydh, oo hoggaamiya kooxda Khaatumo ayaa khudbad calaacala oo uu ka jeediyay madal lagu caleemo saarayay madaxweynaha maamulka Galmudug ee Somalia, waxa uu ku sheegay inaanay Somalia waxba u ogolayn dadka Somaliland ka soo jeeda ee mabda’a Soomaaliweyn haysta.
Waxa uu sheegay in eeda Somalia u jeediso Somaliland ee ah inay Soomaaliya kala goynayso, ay ka daran yihiin reer Koonfurka oo raba kala dirista Soomaalida, islamarkaana waxa uu sheegay inuu aad uga yaaban yahay arrimaha Somalia.


Cali Khaliif wuxuu ku sheegay inay jiraan dad badan oo reer Somaliland ah oo ogolaan lahaa Midnimo balse Somalia niyad jabinayso "Waagii dagaalkii 2-aad ee adduunku dhammaaday ayaa niman Soomaali ah oo Cadan ku noolaan jiray Burco yimaaddeen, dabadeed iyagoo meel maraya ayuu nin Rikoodh heesaha laga dhegaysan jiray saaray hees Hindi ah, dabadeed nimankii oo heesta Cadani ugu dambeysay ayaa yidhi "Waar ma Cadan baa laga heesayaa mise anagaa waalan….”, mida aan arrintaas uga socdaa waa mid aad iyo aad iyo aad noo taabanaysa haddaanu nahay reer Khaatumo, haddaanu nahay inta reer waqooyiga ah ee midnimada Soomaalida rabta. Su’aasha meesha taal waxa weeye maxaa loogu talo galay dadka soomaalida ah ee ku nool waqooyiga ee midnimada Somalia rabta…”?,






ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Aniga waa la igu yaqaan waanan eedaye warkayga waan caddaystaa!, waxaa muuqata in kala go’a Somalia inuu koonfur ka socdo. kala go’a Somalia meesha lagu eedaynayo Somaliland, waxaaba la shaqaynaya koonfur Soomaaliyeed. Koonfur baan qirayn dadka Soomaalida ah ee waqooyiga ee u dhimanaya midnimada Somalia. haddii sida muuqata dadkaas ooda laga soo rogto eeda yaa leh?, taariikhda ayaa sheegi doonta” ayuu yidhi Cali Khaliif.


Daawo Video



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online