Nuxurka Jawaab Culus Oo Uu Guddoomiye Cirro Kaga Jawaabay Haddalkii Maanta Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Siilaanyo

0
July 26, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Jawaab Culus Oo Uu Guddoomiye Cirro Kaga Jawaabay Haddalkii Maanta Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Siilaanyo

    Nuxurka Jawaab Culus Oo Uu Guddoomiye Cirro Kaga Jawaabay Haddalkii Maanta Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Jawaab Culus Oo Uu Guddoomiye Cirro Kaga Jawaabay Haddalkii Maanta Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Siilaanyo

 

Hargeysa (SLL)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa si adag uga jawaabay eedaymo uu saaka u soo jeediyay madaxweyne Siilaanyo,kuwaas oo khuseeyay arimaha doorashooyinka ka dib dhacay wakhatigoodii.

Haddaba Guddoomiye C/raxmaan Cirro oo isla saaka barqadii shir-saxaafadeed ku qabtay Hotel AMBASATOOR, ayaa sheegay inuu masuuliyada dib u dhaca doorashada uu iska leeyahay Madaxweyne Siilanyo oo aanay cidi la wadaagin maadama oo uu yahay madaxweynihii wadanka, waxaaanu sheegay in dhawaqa keliya ee laga sugayey Madaxweynaha uu ahaa inuu ku dhawaaqo xiliga uu doorashada dalka ka qabanayo’’waxaanu ku bilaabay haddalkiisa sidan:-

 

"Horta saxaafadu way wada joogtay oo kamaradahiina iyo rikoodhadiina waydun baadhidoontaan mar aan idhi ka madaxwaynuhuna waa xaaraan kayguna waa xalaal, waxaan u malaynayaa in aan la soo helayn,madaxwaynuhu wuxu yidhibaa la-yidhi wadanka anaa ka masuula anaguna intaasuunbaanu lahayn oo aan ku celcelinaynaynay,madaxwayne wadanka adaa ka masuula, doorashadiisa adaa ka masuula, nabadgalyadiisa adaa ka masuula, madaxayne doorashadii qabbo, madaxwaynuhu ma sheegay wakhtiga uu doorashada qabanaayo.”

Guddoomiye Cirro ayaa madaxweyne Siilaanyo farta ugu fiiqay in loo baahanyahay in kuraasta loo baneeyo shacab oo jaanis la siiyo markooda ,isla markaana wuxuu Md.C/raxmaan cirro uu sheegay in masuuliyada doorashad ay saarantahay Madaxweyne Siilaanyo "Wax waliba waxay leeyihiin wakhtibay leeyihiin waxaan soo jeedinaynay uun wakhtigii doorashada inoo qabo,umadda in aan kuraasida u banayno kayga iyo kiisaba xaqbay noogu leedahay,markaa arintaa doorashada ku saabsana doorashada masuuliyadeedu madaxwaynaha ayay dusha ka saaran tahay, xeerkuna sidiisaba boqolkiiba sagaal iyo sagaashan waxay ka yimaadaan fulinta, xeer golaha ah oo aan gacanta ku hayaana ma jiraan goluhuna siday ku doodaan ama madaxwaynuhy ku doodo konton iyo afar mudane ayuu leeyahay haday ka dhabtahay in uu xeer la ansixiyo konton iyo afartaa ayaa ku filan.

Guddoomiye Cirro oo haddalkiisa sii Waxaan sii wata ayaa yidhi " Waxaa la is waydiinayaa madaxwayne muran baa ka jirtay dalka mudo kordhin baa ka jirtay khilaafbay abuurtay mushkilado badan baa jirtay, gobolada qaar xasilooni daraa ka jirtay waxaan isleeyahay madaxwaynu maanta ka hor xaguu ku maqnaa,madaxwayne xagaad ku maqnayd?

 

Gebo-gebadii guddoomiye Cirro ayaa tooshka ugu shidaya Madaxweyne Siilaanyo in waxa keliya ee laga sugaa ay tahay Madaxweynaha xiliga doorashada inuu ku dhawaaqo” Wali wixii dadku kaa sugaayay kamaad jawaabin oo ah goormaad doorashadii qabaynasaa hadana waan ku waaydiinaynaa madaxwayne,isagu wuxu lahaabaa la yidhi cabdiraxmaan cirro laakiin anigu ku odhan maayo siilaanyo ee waxaan ku odhayaa madaxwayne doorashdiibay dadku kaa sugayaan inaanuu ka jawaabin bay ilaha tahay” Ayuu yidhi Md. C/raxmaan Cirro

War-qabadka Somalilandlive.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online