Laanta Xisbiga Waddani ee Jarmalka oo Madal Masuuliyiinta Xisbiga Soo Xaadireen Ku Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Laamaha Xisbiga Waddani ee Jarmalka Muj Hassan Hirsi Faarax-(Hasan-maatan) + Sawirro

July 26, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laanta Xisbiga Waddani ee Jarmalka oo Madal Masuuliyiinta Xisbiga Soo Xaadireen Ku Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Laamaha Xisbiga Waddani ee Jarmalka Muj Hassan Hirsi Faarax-(Hasan-maatan) + Sawirro

    Laanta Xisbiga Waddani ee Jarmalka oo Madal Masuuliyiinta Xisbiga Soo Xaadireen Ku Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Laamaha Xisbiga Waddani ee Jarmalka Muj Hassan Hirsi Faarax-(Hasan-maatan) + Sawirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laanta Xisbiga Waddani ee Jarmalka oo Madal Masuuliyiinta Xisbiga Soo Xaadireen Ku Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Laamaha Xisbiga Waddani ee Jarmalka Muj Hassan Hirsi Faarax-(Hasan-maatan) + Sawirro

Somalilandlive.com/   Hogaamiyaasha Laamaha Xisbiga Wadani ee Dalka Jarmalka ayaa Madal Carmiran Kucaleemo Saaray Gudoomiyaha Cusub ee Xisbiga Waddani  Muj   Xasan Faarax Xirsi Xasanmatan  iyo kuxigeenkiisa Jiriil Colow oo Dhawaan Loodoortay   Hogaanka Cusub ee Laamaha Xisbiga Waddani kuleeyay Dalka Jarmalk,  Madasha Lagu Caleemasaaray  Gudoomiyaha Cusub oo ay joogeen  Gudoomiyaasha Laamah   iyo Xubanaha Golayaasha Dhexe  iyo Gudida Fulinta  ee Laamaha Xisbiga Waddani, Waxa Sidoo kale Madasha Goob joog ahaa  Xoghayaha Arimaha Debeda ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal.


 Xaflada oo ahayd Mid aad Loosoo Agaasimay ayaa Waxa  ugu horaynba Halkaas Kahadlay Gudidii  looxilsaaray Hawsha  Xaflada,  Gudoomiyaasha Laamaha  iyo Xubno Xisbiga Katirsan kuwaas oo Dhamaantood Muujiyay Kalsoonida   Buuxda  ee ay Kuqabaan Hogaamiyaha Cusub ee Laamaha Xisbiga Wadani ee Dalka Jarmalku Doorteen iyaga oo Sidoo kalana Ugu Duceeyay in Xilka Culayska Badan  Eebe Kugarabgalo  Gudoomiyaha Cusub.

Waxa  kale oo Iyana  Goobta Kahadashay Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Laamaha Xisbiga Waddani Marwo Maryan Ahmed Cali oo ugu Habmalyaysay  Gudoomiyaha  Cusub, Kuxigeenkiisa  iyo Dhamaan XuBnaha LOdoortay  ee Xilalka Cusub .

 waxa Sidoo kale isna goobta  Hadal Kajeediyay Gudoomiyaha Cusub ee Ladoortay Xasan Faarax Xirsi   iyo Kuxigeenkiisa  Jibriil  Colow, Gudoomiyaha Cusub  ayaa  Goobta Kabalan Qaaday in uu Waajibkiisa Shaqo Ugudan Doono Si shuruucda Xisbiga Waafaqsan waxa  sidoo kale  uu kubaqay in uu Dib umidaynayo  dhamaan  xubnihii kala  erdhoobay intii ay  socotay  khilaafkii  kudhaxeeyay Gudoomiyhii Hore  ee Xilka Laga Qaaday Xuseen Abiib   iyo Laamaha Xisbiga, inta Idooratay  iYO   inta aan Idooranba Xisbigu  Wuu Ubaahanyay waxana  aan u Soodhwaynayaa Dhamaan Xubnaha Xisbiga Wadani si iskumida.

Waxa uu Soo Hadal Qaaday  Gudoomiyaha Cusub Mr Xasanmataan intii uu Khudbadiisa Jeedinayay  Gudoomiyaha Qaarada   Yurub ee Xisbiga Wadani ahmed Ali Naahi  oo Isagu Kusugnaa  Hotel Waxyar  u jiray Goobtii Shirku Kadhacayay Balse aan Kasoo Qayb Galin Shirka Isaga oo Laduday Gudoomiyihii Hore ee Xilka LagaQaday; Waxana uu Yidhi  Gudoomiyaha Cusubi Isaga oo Arintaas  kahadlaya,  Waxa aan leeyay Gudoomiye Ahmed Cali Naahi Halka  aad   Shaqsi Karaacday Waxa aad Kagatagtay Dhamaan Intii kale ee Xisbiga iyada oo aan Ogay in ay Shaqadiisu tahay isku Xidhka Laamaha Xisbiga ee Qaarada Yurub Sida uu Laanta Jarmalka   ulashaqayn Doono Isaga ayaa  og.

 Waxa Sidoo kale Intii  Xafladu Socotay  Xisbiga Lagu Soodhwayeeyay Xubni Miisaan Culus kulahaa Xisbiga  kulmiye Kuwaaas oo kasoo Dego Rugtay Kuna Soobiiray Laamah Xisbiga Wadani ee Dalka Jarmlka   Waxana Afhayeen  u hadlay Sheegay in ay   Isaga Soobaxeen Xisbiga Kulmiye oo Dhamaan Taageerayaashii  uu Dalka Jarmalka Kulahaa  ay   kala Yaaceen  iyaga oo Goobta Kaga Dhawaaqay in  ay Maal  iyo muruqba Lagarab Istaagayaan  Xisbiga Wadani iyo   Hogaanka Cusub ee Ladoortay

Ugu Danbayntii Waxa Madasha  kahadlay Xoghayaha Arimaha Debeda ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cisman Fadal, Waxa  uu  Sisharci  ah oo Dastuurka Xisbiga Wadani Waafaqasan U ansixiyay Gudoomiyaha Cusub ee Ladoortay Isaga oo   mahadnaq iyo Dardaaran Dheer siiyay Hogaanka Cusub  iyo Dhamaan Masuuliyiinta Xisbiga ee Xaflada Kusugnaa  waxana  uu Sheegay in uu Kaqayb Galka  iyo Kamarkhaati Noqoshada  Qaabka Dimuquraadiyada  ah  ee Loodoortay Gudoomiyaha Cusub  uu Safar Dheer usoogalay Sidoo kalana  uu Hawlo Culus oo kale Usoodaayacay  ugu Danbayntii waxa  uu Taageero Buuxda Umuujiyay Gudoomiyaha Cusub ee Ladoortay isaga oo kula Dardaarmay Xoojinta Dimuquraadiyada iyo Midaynta Quluubta Taageerayaasha ee Xisbiga Waddani  Kuleeyay Dalka Jarmalka


Dhanka  kale Waxa aan Madasha Kasoo Qayb Galin oo Cadho Kaga Maqnaa Gudoomiyihii Hore   ee Xilka Lagaqaaday  Xuseen Abiib oo  Isagu Kusugnaa Hotel  aan Wax badan Kafogayn  Hoolkii ay Xafladu Kasocotay, Xidhiidh ay Lasamaysay  Shabakada Somalilandlive.com Si ay Waxa  uga Waydiiso Aragtidiisa Kusaabsan Qaabka Xilka Looga Qaaday  ayaanay Suuro Galin Kadib  Markii uu  Bakhtiistay Dhamaan Telefone Numberadii Laga helijiray.

Balse Waxa Ceeb  iyo Wajigabax Maamuus Xumo Siyaasadeed  Kaqabsatay Dalka Jarmalka Gudoomiyaha Laamaha Xisbiga Wadani ee Qaarada yurub  Ahmed Cali Naahi oo Isagu  Lasafnaa Gudoomiyaha Hore  e Xilka Laga Qaaday waxase Layaab Noqotay Markii uu Diiday in  uu Kasooqayb Galo  kulamadii kala duwanaa  ee hogaamiyaasha laamu lalahaayeen    Xogahye Dr Fadal, waxana  ay u muuqatay in  aanu fahansanay  Habmaamuuska Siyaasiga ah ee Xisbiga  iyo Sida   lookala Sareeyo isaga oo Iska Dhago Maray Yeedhmo uga Timi Xogahaya  Arimaha Debeda, Waxa uu hoosta Kasoo Xidhay lofkii uu Kadaganaa Hotelka uu Kujiray taas oo kayaabisay masuuliyintii Goobta Joogay, Ahmed Ali Nahi ayaa  Sanad Kahor Laga Qaaday Xilka Gudoomiye Nimo ee  laamaha Xisbiga Wadani ee Dalka UK  kadib Markii uu  kufashilmay hogaamintooda Waxana Qaab Magac uyaal ahaan Loogu Khaarajiyay Xilka Gudoomiyaha Laamaha Xisbiga Wadani ee Qaarada Yurub balse Wax Xidhiidha Lama Lamaha  Yurub Kajira Marka Laga Reebo Laanta Germany oo   uu iyana  Ismaandhaaf  iyo Khalkhal kadhex Abuurtay Sida  ay Somalilandlive.com u Xaqiijiyeen  Masuuliyiinta Laamaha Xisbiga Wadani ee Dalka Jarmalku.


  Sikastab Ahaato ee Waxa Waji Gabax   iyo Karaamo Dhac  galabta  kala Caraabay Madaarka Frankfurt Airport Ahmed Ali Naah isaga oo ay Isiseegeen Masuulkii ugu Sareeyay Xisbiga  Dhanka Arimaha Debeda  Xidhiidhka Laamaha  Waxana Su,aali Kujirta  inta uu Kusiinagaan Doono Xilka Gudoomiyenimo  Ahmed Ali Naahi

Halkan Hoose Kadaawo Sawiro



























































Eid Aden  H: Abdi

Somalilandlive.com/ Office  frankfurt germany
Webmaster@somalilandlive.com




...........
 
> ------ Online