Gudoomiyaha Guud ee Laamaha Xisbiga Waddani ee Dalka Jarmalka oo kamadnaqay Qaabdii Dimuquraadiyada ahayd ee Xilka Loogu Doortay kana Jawaabay Qoraalo Aflagaado ah oo U Warbaahinta Kufaafiyay Xubin Kacadhootay Xil Lagadaaday

0
July 27, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Guud ee Laamaha Xisbiga Waddani ee Dalka Jarmalka oo kamadnaqay Qaabdii Dimuquraadiyada ahayd ee Xilka Loogu Doortay kana Jawaabay Qoraalo Aflagaado ah oo U Warbaahinta Kufaafiyay Xubin Kacadhootay Xil Lagadaaday

    Gudoomiyaha Guud ee Laamaha Xisbiga Waddani ee Dalka Jarmalka oo kamadnaqay Qaabdii Dimuquraadiyada ahayd ee Halkan kasii akhri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Guud ee Laamaha Xisbiga Waddani ee Dalka Jarmalka oo kamadnaqay Qaabdii Dimuquraadiyada ahayd ee Halkan kasii akhri

Gudoomiyaha Guud ee Laamaha Xisbiga Waddani ee Dalka Jarmalka oo kamadnaqay Qaabdii Dimuquraadiyada ahayd ee Xilka Loogu Doortay kana Jawaabay Qoraalo Aflagaado ah oo Warbaahinta Kufaafiyay Xubin Kacadhootay Xil Lagadaaday,  Warsaxafadeed Qoraal ah oo  Nuqul Kamidi Soogaadhay Warqabadka SomalilandLive.com ayaa Udhignaa Sidan



Bismilaahi Raxmaani Raxiim Alxamdulilaahi Rabilcaalamiin wasalaatu wasalaamu calaa Ashrafil muraaliin. Asalamucaleykum Waraxmatulahi Wabarakaatu Anigoo ah Gudoomiyaha Cusub ee aydoorteen Gudiga fulinta Iyo Golaha Dhexe Ee laamaha xusbiga wadani kuleeyahay wadanka Jermani waxaan Halkan Mahad naq umarinayaa masuuliyiintii laamaha Xisbiga ee isaga kala yimi gobolada aadka ukala fog ee Wadanka Jarmani kuwaasoo badankoodu soo galay safaro qaatay 6 ilaa 8eed Saacadood si,ay qaab Dimuquraatiya wax ugu doortaan sida shuruucda iyo xeerka xisbigu dhigayo waana wax kudayasho mudan qaabka waxudhaceen


Waxa sidoo kale aan halkan uga mahad naqayaa madaxda heer qaran iyo heer qaaradeed iyo heer gobol ee kasoo qayb galay kulamadan dhawrka cisho kasocday magaalada Frankfurt si ay uga qayb qaataan xalinta khilaafaadka goobjoogna uga noqdaan qaabka doorashadu udhacday

Waxaan baaq udirayaa dhamaan taageerayaash Xisbiga Wadani kuleeyahay wadankan jarmani waxaan leeyahay hogaanka cusubi waxa uusoo dhaweynayaa cidkastoo wax tabanaysa Waxa uu dhegeysan doonaa cabashadooda waxan diyaar u ahay xalinta khilaafaadkii mudada dheer ragaadiyey taageerayaasha xisbiga ee wadankan.

Waxaanse uga digayaa inaanu xisbigu ubaahnayn nin saxaafada wax ku qor qora ama madaxda xisbiga meelahaa ka Aflagaadeeya ee ninkii cabanayaa waxaa jira dariiqyo badanoo uu umari karo. Sharciga xisbigana waa kamamnuuc in qofsheeganaya inuu kamid yahay taageerayaash xisbiga oo waxay lanoqoto Saxaafada lataagan maalin walba.

Saxaafadana waxaan odhan lahaa Waxa aa qoraysaan iska hubshada oo qofka aa waxka qoraysaan haduu rayigiisa iyo shaqsi nimadiisa wax ku aflagaadaynayo Waa caadi laakiin markuu xisbinimo waxku aflagaadaynayo cadayntiisa waydiiya

Wabilaahi tawfiiq

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee wadanka Jarmani Hassan Farah Hirsi ( Mataan )



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online