Barnaamijka Sayniska Iyo Tiknoolajiga

0
July 27, 2015 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijka Sayniska Iyo Tiknoolajiga

    Barnaamijka Sayniska Iyo Tiknoolajiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka Sayniska Iyo Tiknoolajiga


SHIRKADDA SAMSUNG OO SOO SAARAYSA TV DADKA

CODADKOODA SI FUDUD U AQOONSAN KARA
Shirkadda Samsung Oo Soo Saaraysa Tv Dadka Codadkooda Si Fudud U Aqoonsan Kara


Shirkadda Samsung ayaa diyaarinaysa telefishan la sheegay inuu kala

saari karaayo ama aqoonsan karo codadka dadka isaga oo aan ku

xidhnayn wax dhish ah ama satellite ah,taas oo ay ugu talo gashay

maaciimeesha si ay u yaraato xatooyadoodu.

Television-kan ayaa noqonaaya mid lagu shubaayo Programs ama

softwares,kuwaas oo suurtogelinaaya inay duubaan sidoo kalena dib u

aqoonsadaan codadka ay maqleen,waxaana xooga la saarayaa cida

guriga degan ama iska leh aaladan .

Shirkadda ayaa sheegtay in codkan lagu duubaayo Televishion-ka marka

ugu horeysa ee lasoo iibiyo ,taas oo ah habka keliyaata ee uu ku

aqoonsan karo,isla waqtiga lagu shubona waxa markiiba lagu record

garayn doonaa cida gurigaasi degan ama masuulka ka ah ee iska leh

televishion-kaasi

Waxa la diyaariyey waqtigan buugaag lagaga hadlaayo hababka kala

duwan ee loo isticmaali karaayo television-kan,iyada oo la raacaayo

habab kala duwan,kuwaas oo tiro ahaan gaadhaaya ilaa saddex marka

lagu shubaayo codka television-kaasi.

Mana aha markii ugu horeysay ee shirkaddaha soo saara Television-nadu

Software sidan oo kale ah ,iyada oo sannadkii 2013-dii ay shirkadda LG oo

ah shirkad soo saarta Mobiles ka ,Talaagadaha iyo Television-adu soo

saartay software sidan oo kale ah,iyada oo kaasi ahaa mid si aan cidi

ogayn waxyaalo badan u duubaayey,taasina ay keentay inay dadku ka

cadhoodaan,laakin kan ay soo saarayso Samsung ayaa la sheegay inuu

aad uga duwan yahay kaasi .

Waxaanay tilmaameen inay ka ilaalinayaan inu duubo arrimaha

shakhsiyadeed ee gaarka ah,iyada oo aan ogolaansho loo helin

duubitaankooda.

Warbixin ay soo saareen ayaanay ku sheegeen in adeegani uu yahay mid

ay doorashadiisa dadku iska lee yihiin,iyada oo marna la shidan karo

marna la bakhtiin karo ,waxaana la socda software ka laba botton oo ay

ku kala qoran tahay Disable iyo Enable,kuwaas oo laga kala dooranaayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online