Waa buug taxane ah oo ka hadlaya sheekooyinka qaadka, Oo lehna maad iyo madadaalo iyo wacyigelin.

0
July 27, 2015 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 2523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waa buug taxane ah oo ka hadlaya sheekooyinka qaadka, Oo lehna maad iyo madadaalo iyo wacyigelin.

    "Jidhkayga qaybta hoose waa qabow"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jidhkayga qaybta hoose waa qabow"


 


 

Waxaa uu ahaa nin qaadka si xad dhaaf ah u isticmaala,w axaa uu ku noolaa waddanka Soomaaliya, ninkan ayaa magaciisa waxaa la odhan jirey Ducaale waxaa uu ahaa nin dhallinyaro ah, shaqo

fiicannna muu hayn, dhallinyarada ay saaxiibada yihiin ayuu qaadka la cuni jirey.

 

Habeen habeenada ka mid ah ayaa isagoo saaxiibadii la fadhiaya marfish (Goobaha qaadka lagu cuno) ayaa uu aad u mirqaamay waxaa uu cunay qaad aad u farabadan.

 

Ninkii ducaale ayaa mirqaan daraadii hadal laga waayey, markasta oo qaadku ka dhammaado haddana uu ku ceshodaa. Wakhtigu wuxuu is guraba oo uu sii siqo dhinaca habeenka.

 

Dhallinyaradii ayaa midba mar kacay oo uu dhinaca gurigiisa u sii kacay, balse Ducaale waxay is-raaceen laba ka mid ah dhallinyaradii ay marfashaka ku wada qaylayeen.

 

Nasiib darro ninkii Ducaale waxaa uu ka kacay macawiistii uu xidhnaa, dhallinayaradii ayuu iskala socday, isaga oo aan xidhnayn wax macaawiis, balse xidhan garan yar oo cad.

 

Markay in badan socdeen ayuu ninkii Ducaale yidhi "Niyoow dhulku

caawa waa qabow”, Dhallinyaradii mid ka mid ah ayaa waxaa uu

 

yidhi "Oo maxaa kugu dhacay, oo aad dareentay!!”. Ducaale ayaa

 

yidhi "Jidhkayga qaybta hoose waa qabow”





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online