SOLJA-da Nasakhan Ma Wasiir Cukuse Ayaa Gudoomiye Ka Ah, Mise Xuuto? W/Q:C/casiis Bashiir Nuur

0
July 27, 2015 in Articles by Staff SLL Media News Reporter
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOLJA-da Nasakhan Ma Wasiir Cukuse Ayaa Gudoomiye Ka Ah, Mise Xuuto? W/Q:C/casiis Bashiir Nuur

    SOLJA-da Nasakhan Ma Wasiir Cukuse Ayaa Gudoomiye Ka Ah, Mise Xuuto? W/Q:C/casiis Bashiir Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOLJA-da Nasakhan Ma Wasiir Cukuse Ayaa Gudoomiye Ka Ah, Mise Xuuto? W/Q:C/casiis Bashiir Nuur

1 aad:

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ah urur u aasaasan looguna talo galay in uu u shaqeeyo suxufiyiinta sida tababarada kala duwan iyo wixii xadgudub ku yimaada suxufiyiinta in uu ka difaaco ayaa tan iyo markii hogaanka loo doortay gudoomiyaha hada ee ururkaasi Mr Xuuto waxa soo baxday in is bedel weyn ku dhacay ururkii oo uu ururkiiba noqday mid dawli ah,oo sida cad laga maamulo xafiiska wasiir Cukuse,akhriste waxaa daliil kuugu filan weli Gudoomiyaha SOLJA kumu hadal tacadiyada maamulka siilaanyo ku hayo suxufiyiinta madaxa banaan,waxa ugu danbaysay maalintii khaamiista ahayd ee bishu ahayd 23/7/2015-ka ee maamulka siilaanyo xabsiga dhigay ugu yaraan 6 wariye,waa dhacdadii ugu danbaysay iyo xadgudubkii ugu danbeeyey ee maamulka siilaanyo kula kaco suxufiyiinta madaxa banaan ,iyadoo ay ahayd in ururku canbaareeyo isla markaana ka hawl galo so deyntooda ayaa uu afka ka xidhay gudoomiyaha ururkaasi SOLJA Mr Xuuto,iyadoo ay muuqato in lala maamulo ururka oo xafiiska wasiir Cukuse uu amarka iyo hawl maalmeedka ururka laga wado.

Hadaba waxa nasiib daro weyn ah in ay isku milmaan wasaaradii warfaafinta iyo ururkii suxufiyiintu lahaayeen ee SOLJA oo la doonayey in uu ka shaqeeyo arimaha suxufiyiinta,isku milanka shaqo ee wasaaradda warfaafinta ee uu maamulo wasiir Cukuse iyo ururka Suxufiyiinta Somaliland wuxuu sababay in waajibaadkii ururka ka saarnaa difaacada iyo daryeelka suxufiyiinta madaxa banaani meesha gabi ahaanba ka baxo,ururkiina wuxuu noqday mid wasiir Cukuse u adeegsado dhibaateynta iyo waxyeelada warbaahinta madaxa banaan,oo hadii laga nabad galo waxba may ahaateena waxay noqotay SOLJA meesha laga burburiyo warbaahinta madaxa banaan, halkii ay ka ahayd in ay ilaaliso xuquuqda warbaahinta madaxa banaan.

Hadaba waxa is weydiin mudan sababta suxufiyiinta madaxa banaani uga aamusan yihiin ee ay iskaga daawanayaan hogaan la’aanta ururkooda suxufiyiinta iyo isku milanka xafiiska wasiir Cukuse iyo shaqadii Gudoomiyaha ururka eek u yimid qaabkii afganbiga ahaa ee uu ku qabsaday hogaanka ururka,waxa waajib ah dhaamaan suxufiyiinta madaxa banaani inay ka hawl galaan sidii loo badbaadin lahaa ururkoodii SOLJA oo noqday waax hoos tegta xafiiska Wasiir Cukuse isla markaana gabay shaqadisii,waa in laga hadlaa sababta keentay in gudoomiyaha magac u yaalka ah ee SOLJA uu had iyo goor uga qaabsado in uu ka hadlo xagdugubyada maamulka siilaanyo ku hayo suxufiyiinta madaxa banaan ee iskugu jira Xadhiga,jidh dilka,caga-jugleynta iyo cabudhinta joogtada ah, waxaasi oo dhan kama hadlo gudoomiyaha SOLJA Mr Xuuto,iyadoo la sheegay in uu amarka ka qaato xafiiska Wasiir Cukuse,hadaba Mr Xuuto wuxuu niyad jab ku riday suxufiyiintii u han weyneyd in ay arkaan ururkoodii uu ilaalinaya xuquuqdoodii isla markaana maamulka siilaanyo ka difaacaya xadgubyada kala duwan ee ay ku hayso suxufiyiinta madaxa banaan.

La soco qaybta danbe 

Qore:

C/casiis Bashiir Nuur




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online