Somaliland Madaxweynaheedii oo Koox u Afduuban, oo Kolba Warqad ay u Soo Qoreen Wax Ku Maamulaya, Kolna Lala Baxsanayo Mucaarid aan Ilkaba Lahaynn, & Golayaal Fadhiid Noqday, oo Dhaameelka Madaxtooyada u Daadiso Gurta, Xallku Waa Aloow Sahal

0
July 28, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Madaxweynaheedii oo Koox u Afduuban, oo Kolba Warqad ay u Soo Qoreen Wax Ku Maamulaya, Kolna Lala Baxsanayo Mucaarid aan Ilkaba Lahaynn, & Golayaal Fadhiid Noqday, oo Dhaameelka Madaxtooyada u Daadiso Gurta, Xallku Waa Aloow Sahal

    Somaliland Madaxweynaheedii oo Koox u Afduuban, oo Kolba Warqad ay u Soo Qoreen Wax Ku Maamulaya, Kolna Lala Baxsanayo Mucaarid aan Ilkaba Lahaynn, & G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Madaxweynaheedii oo Koox u Afduuban, oo Kolba Warqad ay u Soo Qoreen Wax Ku Maamulaya, Kolna Lala Baxsanayo Mucaarid aan Ilkaba Lahaynn, & G Somaliland Madaxweynaheedii oo Koox u Afduuban, oo Kolba
Warqad ay u Soo Qoreen Wax Ku Maamulaya, Kolna Lala Baxsanayo
Mucaarid aan Ilkaba Lahaynn, & Golayaal Fadhiid Noqday, oo Dhaameelka
Madaxtooyada u Daadiso Gurta, Xallku Waa Aloow Sahal.


Madaxweyne Siilaanyo Hadaan Mucaarid & Muxaafid & Shiciba aan Indhaha Layska Ridayn Ma
Taliyo Mana Shaqeeyo, ee Qola Kale oo aan La Dooran, wadankana u tudhayn, oo dhaqaale &
Xoolo Urursi Ku jirta ayaa Taladu Ka Go,daa, ee Isaga Waxa Meesha Loogu Haystaa Waa Magaciisa
& saxeexiisa oo ay Wadanka Ku Boobaan, waayo Waxaad arkaysaa Doorashadii oo Madaxweynaha
Gacantiisa Ku Jirta, Waxay u Soo qoreen Cabdiraxmaan Ciro ayaa Hor Taagan, Dee Madaxweyne ay
Taladu Ka Go,da Maaha C/Raxmaan, Waxa Kale oo ay u Soo qoreen Guurtida Mudo Kordhintoodu
Waa sharci, Hadana Xisbiyada Heshiiskoodii ayaan Tix Gelinaynaa, Hadana Guurtida aan Wada Barino
oo haday Sharci Tahay Maxaa Dhiraardhirisba Keenay & Baryo.




waxa Kale oo warbaahinta Ku jirta in Xukuumadu ay Lacag Soo Daabacday, oo Berbera Ina Ka soo degtay
in Kale imanayso, taasoo ah Mid somaliland buuq 7 Sawaxan & Weji ku Macaash & Calooshooda u Hadalay-
aal & Koofiyad Baclayaal Lagu ushaynayo, oo Tv,yada inta la Soo Tubo, Madaxweynaha Mudo Kordhintiisa
ayaan Taageersanahay, oo Dastuuriya, oo Wax Badan oo uu qabtay ayaan ugu Kordhinaynaa.
Sidaas Darteed, Hadii dastuurkii & Sharcigii & dhaartii ay Golayaasha Qaranku Shaqaynayaan oo Ilaahay ay
Cabsidiisu Inuun ku Jirto oo aakhiro & Aduunkaba ay Naftooda & Ubadkooda u Tudhayaan, inaanay Been &
Musuq & Laaluush aanay ku shaqayn, ee Madaxweyne Taliyaa Ma jiro oo Umada & Ilaahayba Wuu arkayaa
Inay soo Gola Joojiyaan, oo ay Sharciga or Keenaan , oo Xil Gudasho La,aan Ku qaadaan, Cid Doorasho Xor oo
xalaala dalka gaadhsiisana ay Ku-Meel Gaadh ahaan Madaxnimada u Dhiibaan.



Ta Kale, xisbiyada Mucaaridkana Iyaga ayaa Madaxweynaha aan Talinin, ee Kolna madaxtooyada Lagu Qariyo
Marna Warqado Loo soo Dhiibay oo Hanjabaad & Sharcigii uu Xaqa U Lahaa Cid Kale Ku Rixiiya ee Doorashada
inay Dacwad Maxkamadeed & Mid Sharciba Ku Soo Ogaan, oo Golayaasha & Cid Kasta oo sharcigu Siiyeyba ay
Ku Daba alaan Madaxweyne Taladii Cid Kale Kala Warwwgtay, oo ay Meelahaasi Intay Soo walqiyaan, Sharcigii
& wadankiiba Baabi,iyey, oo Doorasho qaban Mayno, ee bal cirka Soo Gujiya , oo Waxaad Doontaan Sameeya
oo Waliba Hadaad Isdhaqaajisaana, Cagta ayaanu Idin Marin, oo guryihiina ayaanu Idiinku daadaynaa.
somaliland xaalkeedu waa aloow Sahal, sharci & Kooxi iska Hasto oo aan lagu dhaqmayn, adaxweyne Maqaar
saara oo Kolba Dhan Loo walqinayo, oo waraaqo Hanjabaado Loo Soo qoray Jeebadaha Looga Soo Buuxinayo.
Mucaarid aan Waxba Goyn Karayn, oo madaxweyne aan Talinin Cida Kale ee wadankii maroorstay aan Ku Daba
Galayn, oo Sharciguna u Siiyey Inay Ku Daba Galaa.



qolooyin aan La Dooran oo wadankii Madaxiisii Mijo u Rogay, oo Madaxtooyada Qoob Ka Ciyaar &Dhaanto Ku
Ciyaara, oo Ku Hadaaqaya, Maxaa Iga Daadanaya Hadaan Dalkaba ugu Sareeyo,
Wabilaahi tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online