Ma dhabbaa Inuu Xisbiga WADDANI Xilka Ka Qaadayo Xubno Ka Tirsan Oo Xidhiidh Hoose Le Leh Xukuumadda Siilaanyo + Magacyada Qaar

0
July 28, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma dhabbaa Inuu Xisbiga WADDANI Xilka Ka Qaadayo Xubno Ka Tirsan Oo Xidhiidh Hoose Le Leh Xukuumadda Siilaanyo + Magacyada Qaar

    "Waana la soo dhex-galay markaa waanu is nadiifinaynaa " Xubin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waana la soo dhex-galay markaa waanu is nadiifinaynaa " Xubin Ka Tirsan Xisbiga WADDANI


 

Hargeysa (SLL)-Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey ay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ku dhex jireen kooxo ay xuukumadda siilaanyo soo abaabushay, kuwaas oo dusha ka xidhan shaadhka xisbiga WADDANI, balse qal-biga iyo quluubta ka ah xukuumadda siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE, isla markaana qarashka laga siiyo daaqad qasriga Madaxtooyada Siilaanyo, ayaa la sheegayaa hadda inuu xisbiga WADDI uu iska sifaynayo canaasiirtaa lagu soo dhex tuuray ee u adeegaysa Xukuumadda Axmed Siilaanyo.

Canaasiirtan oo ay hadda qaarkood iska  casileen xisbiga WADDANI, halka ay ilaa hadda saddex ka mid ahi aanay iska casilin xisbiga ee ay ku dhex jiraan weli, iyagoo xidhan shaadhkii xisbiga WADDANI,balse  mabda ahaana la jiraan xukuumadda wakhtigeedii dhammaday ee siilaanyo, waxa kale oo xusid mudan sida ay xoguhu sheegeen in mudane Eg. C/rashiid Riyo Raac oo iska casilay xisbiga WADDANI uu C.V-giisi yaalay Madaxtooyada mudo ka hor intaanu iska casilin xilkii afka ahaa ee uu ka hayey Xisbiga WADDANI,waxa kale oo ilaa hadda C.v-giisu yaala Madaxtooyada oo Xisbiga WADDANI  ka tirsan ninka lagu magacaabo C/laahi Daamur.

 

Shaqsigan lagu sheegay C/laahi Daamur iyo laba xubnood oo  kale ayaa huwan shaadhka Xisbiga, kuwaas oo  qal-bigoodu uu la jiro xukuumadda Siilaanyo. 



Haddaba warar hoose oo saaka soo gaadhaya xafiiska war-qabadka Sh. Somalilandlive.com ayaa sheegaya inuu hadda hoggaanka xisbiga WADDANI uu qorshaynayo sidii xilalka iyo xubinimada xisbiga looga qaadi lahaa dhawr qof oo dusha ka Waddani ah qalbigan kala jira Xukuumadda Siilaanyo,waxa kale oo uu hoggaanka Xisbiga WADDANI ku dhaqaaqayaa isku shaandhayn iyo xilka qaadis dhanka xog-hayaasha ah .

 


 

Isku soo wadda duubo haddii uu xisbiga waddani talaabadan ka dhabeeyo ayaa waxay uu noqonaysaa xisbigii ugu horeeyay ee cadhiya xubo ka mid ah.

 

 

 

 

C/raxmaan Carab
Somalilandlive.com
Hargeysa Office 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online