Maxaa Ka Jira Inuu Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici Uu Xilka Iska-Casilayo ?

0
July 28, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 1571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira Inuu Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici Uu Xilka Iska-Casilayo ?

    Maxaa Ka Jira Inuu Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici Uu Xilka Iska-Casilayo ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Jira Inuu Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici Uu Xilka Iska-Casilayo ?

Hargeysa (SLL)-Khilaafka soo noqnoda ee u dhaxeeya Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo ku-xigeenka C/raxmaan Saylici ayaa noqday mid ragaadiyey habsami u socodka hawlaha Qaranka .

Haddaba waxa tan iyo dabayaqadii bishii Ramaadaan dib u curtay khilaaf Xoogan oo ka dhex qarxay M.Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa C/raxmaan Saylici, kaas oo aan si dhab ah loo ogayn waxa uu ka dhashay, balse ay wararka kala duwan ee laga helayaa ay sheegayaan inuu ka dhashay fulin la’aanta uu Siilaanyo fulin waayey heshiiskii uu ku-xigeenkiisa Saylici la saxeexay xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, kaas oo lagu xalinayey muranka muddo kordhinta G/guurtida ka dhashay.

Md.Saylici oo mudo laba todobaad in ku dhaw aan ka soo xaadirin xafiiskiisa ayaa hadda la sheegayaa inay kula taliyeen masuuliyiin odayaal wax-garadka soo jeeda beeshiisa inuu gebi ahaanba iska casilo xilkaa madaxwayne ku-xigeen, madaama oo aan wax tixgelina la siinayn oo ay wasiirada beesha siilaanyo ka awood badan yahiin

 

Geesta Kale warar laga helay illo ka ag-dhaw Madaxweyne ku-xigeenka C/raxmaan Saylici, ayaa tibaaxaya inuu saylici hadda qorshaynayo inuu gebi ahaanba iska casilo xilkaa awoodii uu lahaa laga siibay ee ku-xigeenimo

 

Si-kastab ha-ahatee haddii uu madaxweyne ku-xigeenka Saylici kaga dhabeeyo go’aankiis, ayaa wuxuu noqonayaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu horeeyay ee iskii iskaga casila xilkii loo doortay, waxaanay dhabbar jab siyaasadeed ku noqonaysaa xukuumadda siilaanyo iyo shaanbad gaar ah.

 




Somalilandlive.com

Xafiiska Hargeysa 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online