Xukuumadda Somaliland: Go'doon Siyaasadeed Iyo Luminta Kaalmo Dhaqaale Oo 100Milyan Oo Doolar Gaadhaysa

0
July 28, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland: Go'doon Siyaasadeed Iyo Luminta Kaalmo Dhaqaale Oo 100Milyan Oo Doolar Gaadhaysa

    Xukuumadda Somaliland: Go'doon Siyaasadeed Iyo Luminta Kaalmo Dhaqaale Oo 100Milyan Oo Doolar Gaadhaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland: Go'doon Siyaasadeed Iyo Luminta Kaalmo Dhaqaale Oo 100Milyan Oo Doolar Gaadhaysa

Hargeysa,  (SLL/Ogaal) Somaliland oo awal hore u muuqatay dal aqoonsi raadis ah oo orod ku jira ayaa haatan lagu tilmaamay, dal go,doon siyaasadeed sii galaya, isla markaana lumiyay, haddana luminaya intii ka hadhay macaamilka saaxiibada caalamka ee xidhiidhka fiicani ka dhexeeyay, kuwaasoo qaarkood durba muujiyeen dibu gurasho ka dhan ah, kadib markii ay guul daraysteen doorashooyinkii mudaysnaa, laguna qaban waayay waqtigii loo cayimay, taa bedelkeedana lagu talaabsaday muddo kordhin murankeedu weli dhisaalan yahay.

Inkastoo beesha caalamku soo dhawaysay talaabada ay maxkamadda sare markii u horaysay u qaaday dhanka garsoorka suuban iyo soo noolaynta sharciga, haddana, weli waxa jirta halis badan iyo is aamin la,aan salka ku haysa halka arrimuhu ku danbayn doonaan iyo sida loo beegsan karo doorasho, taasoo ah xalka keliya ee mashaqadan siyaasadeed lagaga gudbi karo, isla markaana lagu heli karo golayaal dawladeed oo la doortay, meeshana lagaga saari karo golayaasha sanadaha badan mudda dhaafka ku fadhiya, kuna taamaya sida muuqata inay ku sii fadhiyaan, kuwaasoo qayb ka ah shuraakadda loogu yeedho sadqaynta dimoqraadiyada Somaliland.

Warbaahinta caalamka ayaa muddooyinkanba siyaabo kala duwan wax uga qorayay xaaladda Somaliland iyo jawiga siyaasadeed ee waqtigan. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee laga faafiyayna waxa ka mid ah war uu baahiyay wargeyska Indian Ocean news letter, kaasoo lagu sheegay in dawladda maraykanka joojisay kaalmo dhaqaale oo boqol milyan oo doolar gaadhaysa oo qorshuhu ahaa in la siiyo Somaliland, balse ay dawladda Obama joojisay kadib markii ay si wayn u saluugtay nidaamka siyaasadeed ee waqtigan ka jira Somaliland, siiba dibu dhaca doorashooyinka iyo mudda kordhinta lagu bedelay halkeedii oo uu masuuliyadeeda leeyahay hogaamiyaha qaranka madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ay kala quusteen xukuumadda in ay wax ka bedesho siyaasadeeda ku wajahan geedi socodka dimoqraadiyada dalka. Warkaasi wuxuu intaa raaciyay, in dawladda maraykanku haatan qorshaynayso qaadista talaabooyin masuuliyiin xukuumadda ka tirsan lagu saarayo xayiraad dhinaca safarada ah, isla markaana wuxuu wargeysku xusay in horaantii bishan juulaay ay Washington ka diiday madaxweynaha Somaliland socdaal uu dalbaday inuu ku tago maraykanka . Hase yeeshee ma jiraan warar ka madax banaan baahinta wargeyskaa Indian Ocean oo tusmeeyay arrintaasi.

 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online