"..Waxaan Shacbiga Xaal ka Siinayaa Qudbad la Mooddii Madaxweynaha.."

0
July 29, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Waxaan Shacbiga Xaal ka Siinayaa Qudbad la Mooddii Madaxweynaha.."

    Md. Axmed Xasan Cali (Like)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Md. Axmed Xasan Cali (Like)  Somalilandlive.com/.- Mid kamid ah Masuuliyiinta Sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Md. Axmed Xasan Cali (Like), ayaa hadalkii Madaxweynaha ee Axaddii Toddobaadkan ku tilmaamay dhawaaq godkiisii baal-maray oo aan munaasib ku ahayn hoggaamiye dal. Sidaa darteed-na waxa uu xusay inay mudan tahay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Kuuktiisu Shacbiga xaal ka siiyaan.

Waxaa kaloo Md. Like iftiimiyey inay mudnayd inuu Madaxweyne Siilaanyo Shacbigiisa kala xishoodo hadalada aan munaasibada ku ahayn. Siyaasiga Axmed Xasan Cali waxa uu Sidaa ku sheegay War-murtiyeed uu Xalay u qaybiyey Warbaahinta Maxaliga ah. War-murtiyeedkaas oo dhamaystiranina, waxa uu u dhignaa sidan;

"..Waxaa layaab leh oo anniga fajax igu noqotay hadalkii Madaxweyne Siilaanyo kasoo yeedhay Axaddii toddobaadkan, kaasoo runtii aan fahmi waayey wixii daaranaa, sababtoo ah Madaxweyne iyo cidda uu doonaba ha noqdee hadalku hadaanu lahayn ujeeddo iyo nuxur uu ku arrooro waxaa adkaada fahankiisa, waxa kaloo dhacda hadaladu noqdaan kuwo isku soo noq-noqda oo hadana is-dabraya. Tusaale ahaan Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku sheegay in xaq hawlaha agaasinka, isku daba-ridka iyo mudaynta Doorashada uu xaq u leeyahay Komishanka Doorashooyinku, balse hadana waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin muddayntii komishanka Doorashada ee uu isagu [Madaxweynuhu] wareegtada kusoo saaray.

Teeda kale Madaxweynaheenu isagoo ah masuulkii Qaranka ugu sareeyey, taasi waxay ina tusaysay inuu Madaxweynuhu go’aan sharci u aqoonsan yahay tallaabadii Guddoomiyaha Guurtidu ku laalay go’aankii Komishanka Doorashooyinku ku cayimay muddada Doorashada, arrintaas oo marka sharciyada loo eego haba-yaraatee aanu Golaha Guurtidu awood sharci u lahayn, balse Madaxweyne Siilaanyo isagoo ka eegaya maslaxadiisa gaarka ah haddii uu wax sharci darro ah Maanta sharci ku tilmaamo waxa iman doonta in kursigiisu marka dambe sharci darro noqdo. waxa kaloo iman doonta haddii shuruucda dalka laga leexdo in dalku galo xaalad adag oo amnigii iyo kala dambayntiiba gacanta ka baxdo, haddii taasi dhacdona cidda Shacbigu kala xisaabtami doona waa Madaxweyne Siilaanyo iyo inta ka ag-dhow sida qoyskii reer Qadaafi Maanta haysata.

Madaxweynaha Somaliland intii uu xilka qabtay markeliya Saxaafadda lamuu yeelan kulan furan, sidoo kalena Shacbigii soo doortay hal Maalin uma jeedi khudbad ay ku diirsadaan marka hadallo uu Warqad ka akhriyo oo cid soo qortay mooyee uu mararka qaar higaadinteedu ku adkaato, taasina waa masalo kale oo markhaati u ah in taladii dalku gacmo kale ku baahday, waxa keliya ee lagaga bixi lahaana ay tahay in dalka Doorasho ka dhacdo oo markaa Shacbigu ciddii ay u gartaan taladooda u dhiibaan.

waxa bulshadu ka war qabtaa inuu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed, kaasoo sida Caqliga saliimka ahi ina farayo ay ahayd inuu Madaxweynuhu dedaalka ugu badan ka geysto sidii looga bixi lahaa xaaladaa adag ee dalka soo wajahday iyo marroorka Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-gaal iyo muqarabiintiisu geliyeen geedi-socodkii Dimoqraadiyada Somaliland.

Haddaba iyadoo ay taasi jirto halkii Madaxweynaha Shacbigu ka filayey inuu wax wanaagsan dhegahooda maqashiiyo waxa kasoo yeedhay hadallo aan garowshiiyo lahayn oo uu ugu sabab tumayo muddo-kordhinta bilaa qiilka ah ee Guurtidu u samaysay Xukuumaddiisa.

waxa kale oo dhacday intaa ku wafeeyey in iyadoo xaaladaasi jiraan uu Safar ugu baxo Gobolo ka mid ah dalka, waxa taasina hadaynu nahay Shacbigii reer Somaliland ina tusaysaa halka Madaxweynaheenu ka taagan yahay lexe-jeclada Qaranka.

Gun iyo gebo-gebo marka arrimahaas iyo qaar kaloo badan la isu-geeyo waxa Madaxweyne Siilaanyo ku haboon inuu Shacbiga xaal ka siiyo hadalkii kasoo yeedhay oo Shacbiga ku noqday mid looma fadhiyaan ah, balse haddii inta Madaxweyne Siilaanyo ka ag-dhawi ay u arkaan arrinta xaalka mid basiid ah haddii Shacbigu waayo hadal munaasib ah iyo garowshiiyo waxa iman doonta in sidii Tuuniisiya ka dhacday Shacbigu ku gedoodo Madaxweynuhu Siilaanyo, Madaxtooyada dhaxalkeeduna la mid noqdo Miidaanu Taxriirkii Masar..”.



Somalilandlive.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online