Barnaamuj Ka Sayniska iyo Tiknoolajiga

0
July 29, 2015 in Articles by Staff SLL Media News Reporter
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamuj Ka Sayniska iyo Tiknoolajiga

    Barnaamuj Ka Sayniska iyo Tiknoolajiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamuj Ka Sayniska iyo Tiknoolajiga

Hargeisa(SLL)-Waxa soo baxday warar badan oo sheegaysa in shirkaddaAirbnb ay heli doonto maalgalin lagu qiyaasay 1.5 bilyan oo dollar, kaasi qiimaha shirkadda u qaadi doona 24 bilyan oo dollar, waxaanay soo jiidatay shirkado waa weyn oo maal gashi ku sameeya shirkadaha waxaana ka mid ah Hillhouse Capital.

 

Marka lacagtan qiimaynta ay hesho waxa shirkadda Airbnb ay noqon doonto shirkadda labaad maalgalinta ugu badan lagu maalgaliyo iyadoo ay ka horayso shirkadda Facebook, maalingalinta ugu dambeysay ee lagu maalgaliyay Airbnb waxay ahayd 15 bilood ka hor waxaanay qiimaha shirkadda ay noqotay 10 bilyan oo dollar.

 

Dadka maaligalinya shirkadda Uber waxay intooda badan ka soo jeedan qaarada Asia kuwaasi oo wadamadooda xooga laga isticmaalo adeega Airbnb waxaana ka mid ah dalalkaasi sida Shiinaha, Singapore iyo Konfur Korea.

 

Shirkadaha kale ee la maalgalin doono waxa ka mid ah shirkadda Uber ee tagaasida (Taxi) iyaguna waxay sugayaan in maalgalin ballaadhan lagu maalgaliyo sida kor loo qaadi laha qiimaha shirkadda ila iyo 50 bilyan oo dollar.

 

Diyaariye: Cabdirisaaq Axmed Axmed DALMAR 

Somalilandlive.com

Hargeisa Head Office





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online