Ma Runbaa ! in Qasriga Madaxwayne Siilaany Laga Go'aamiyay In Faroole Xigsiisin Loo Siiyo Haweenay Carmal Ay Siilaanyo Ilmaadeer Yihiin+ Waase Tumaha Gabadhu Haday Jirto

0
July 29, 2015 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Runbaa ! in Qasriga Madaxwayne Siilaany Laga Go'aamiyay In Faroole Xigsiisin Loo Siiyo Haweenay Carmal Ay Siilaanyo Ilmaadeer Yihiin+ Waase Tumaha Gabadhu Haday Jirto

    Ma Runbaa ! in ay Qasriga Madaxwayne Siilaany Laga Go'aamiyay In Faroole Xigsiisin Loo Siiyo Haweenay Carmal Ay Siilaanyo Ilmaadeer Yihiin+ Waase Tumaha Gabadho Haday Jirto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Runbaa ! in ay Qasriga Madaxwayne Siilaany Laga Go'aamiyay In Faroole Xigsiisin Loo Siiyo Haweenay Carmal Ay Siilaanyo Ilmaadeer Yihiin+ Waase Tumaha Gabadho Haday Jirto

 SLL:-Walow Dr Cabdiraxmaan Faroole ay dhawaan ku habsatay mashaqo ka dhigan "Kugu Dhimay oo kaa dhimay” taaso oo uu ku waayey Alle haw naxariistee Marwadiisi sida weyn Somaliland iyo Puntlandba looga qadarin jirey, sidoo kalena waajibkii xaqa ahaa ee qisaasta lagu fuliyey wiilkiisi, hadana waxaa soo baxaya wararka laga helayo joogitaanka faroole mudada labada todobaad ah kusii joogo Magaalada hargeysa kuwaaso tibaaxaya in Dr Faroole oo hore iyo dambayso’ba u marti ah Madaxtooyada Somaliland loo qorsheeyey in aanu Marwo la’aan ku laaban deegaankiisi oo loo sii guuriyo.

Qorshaha Guurka iyo Xididnimada Cusub ayaa soojeedinteedu ka timi dhanka Madaxweyne Siilaanyo iyo qaar kamid ah wasiirada ay isku haybta yihiin, Calmashada u Caruusida C/raxmaan Faroole ee Siilaanyo iyo Xulafadiisa ka timi ayaa waxay qayb ka tahay u abaal celinta Madaxweynihii hore ee Puntland oo wakhtigii uu talada hayey siweyn Xukuumada Somaliland uga gacan siin jirey arimaha siyaasada beelaha Harti ee Gobolada Sool iyo Sanaag bari, wakhtigaasi oo Faroole Somaliland ku taageeray weeraradii Ciidan ee Somaliland iyo siyaasadaha ka dhanka ah Koonfurta Somalia.

Maanta ayey ahayd kadib markii Casuumad shaadh kale loo geliyey hutel Maansoor Madaxweyne kuxigeenka Somaliland wada kulan siiyey Dr Faroole iyo xididkiisa Cusub oo uu horkacayey Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin oo Marwada Cusub ee Faroole loo Caruusayo ay Jifo hoose isku yihiin.

Sikastaba ha ahaatee u Caruusida, Soodhaweynta iyo Sooryaynta Faroole ayaa ujeedadeedu tahay mid ka fog inta ilaa iyo hada laga war qabo.  Inkasta oo aan Ilaa Hada Sitoosa Loomagac Dhababin Haweenayday Carmalka  ah ee Loocumaaday Faroole Hadana Waxa  Xoge hoose Magaceeda kusheen  Aanina Ayaan, Waxa ay Xogtu intaas Kusiidartay in haweenayda dhwaan Lagasoo Dhoofiyay Waddanka Uk  lana Dayiyay Meel aan Wax Badan Kafogayn Madaxtooyada,



Xigasho  Oodweynenews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online