War Culus: Laacib Siyaasadeedka Xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray Oo La Filyo Inuu Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE Mid u Digo Rogto Wiigan + Sababta Uu Xisbiga UCID uga Haajirayo

0
July 30, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 1278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Culus: Laacib Siyaasadeedka Xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray Oo La Filyo Inuu Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE Mid u Digo Rogto Wiigan + Sababta Uu Xisbiga UCID uga Haajirayo

    "Mujaahidku Wuxuu Cadho Ku Maqnaa Laba Todobaad,Ka dib Markii uu Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Guddoomiye Faysal Iyo Jamaal"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Mujaahidku Wuxuu Cadho Ku Maqnaa Laba Todobaad,Ka dib Markii uu Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Guddoomiye Faysal Iyo Jamaal"



Hargeysa (SLL)-Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID mujaahid Cali Yusuf ( Cali Guray) oo muddooyinkii ugu dambeeyey aan ka soo daahirin xafiiska guud ee xisbiga UCID,ka dib markii uu khilaaf Xoogani soo kala dhexgalay isaga iyo Guddoomiye faysal iyo Jamaal Cali xuseen oo is garabsanaya.

 

Khilaafka du’do jooga ka dhigay Mujaahid Cali Guray ee u diiday inuu ka soo dahiro xandaabka xarunta xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa, ayaa ka unkamay shirkii xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI sida wada jirka ah u qabsadeen , waxaan xusid mudan inuu Cali Guray aanu ka soo daahir goobta uu shirku ka socday ee Hotel Dalxiis ,halka ay faysal iyo Jamaal xaadir ahayeen iyo weliba musharax ku xigeenka C/rashiid xasan mataan.

Musharax Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheeca ka qaaday intii uu shirku socday mar saxaafadu wey diisay wuxuu cali guray qoonsaday ee uu shirka uga soo qayb-geliwaayey wuxuu sheegay inuu jiro kala aragti duwanaashu sidaasna uu Cali Guray kaga maqnaaday shirka,balse mujaahid cali guray ayaan si cad marnaba u sheegin wuxuu qoonsaday ilaa hadda.

 

Haddaba warar xog-ogaal ah ayaa Sh. Somalilandlive.com u sheegay inuu mujaahid Cali Guray oo ahaa nin mayal adag uu hadda ka fiirsanayo labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE kii uu u digo rogan lahaa, madaama oo uu khilaafka u dhaxeeyay isaga iyo Faysal Iyo Jamaal soo noq-noqday,waxaanay xoguhu intaas raaciyeen inuu Mujaahid Cali Guray uu hadda ka xamaam urursaday garoonka Xisbiga UCID oo uu shandadihiis ka xidh-xidhay ,isla markaana uu hadda kala tashanayo saxiibadiisa dhanka siyaasada labada kooxood ee WADDANI iyo KULMIYE kii uu ku biiri lahaa.



Dhanka kale waxa la sheegayaa inay ka midtahay sababta uu mujaahid Cali Guray uu hadda uga Digo roganayo xisbiga UCID, kala haddalka iyo kala socodka xisbiga iyo siyaasadii xisbiga oo noqotay mid u af duuban guddoomye faysal. 


Isku soo wada duuboo Mujaahid Cali Guray oo loo yaqaano siyaasiga fir-fircoon , ayaa haddii uu ka haajiro Xisbiga UCID waxa god madow ku dhacaysa rajadii uu xisbiga ka qabay inuu hoggaanka dalka hanto mar’uun, waxaana bakhtiyaya nalkii keli ahaa ee ka dhex ifayay Xisbiga UCID.


Wariye CabdiCali Ducaale 
Somalilandlive.com
Xafiiska Hargeysa 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online