"Waa Maryahagii"

0
July 30, 2015 in Articles by Wariye Dalmar
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa Maryahagii"

    "Waa Maryahagii"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa Maryahagii"


Waa buug taxane ah oo ka hadlaya sheekooyinka qaadka, lehna maad iyo madadaalo iyo wacyigelin.

Diyaariye: Cabdirisaaq Axmed Axmed DALMAR


Natiijada sawirka qaadka


Hargeysa-(SLL)-Waxaa uu ahaa Aabbe qaadka cuna,waxaa uu dhalay caruur badan oo leh wiilal iyo gabdhaba,Aabahan ayaa habeen walba ku soo raaga marfishyada qaadka lagu cuno, halkaasi oo ay iskagasheekeysan jireen dhalliayarada qaadka cunaysa ee marfishka ku sugan.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa Aabihii gurigiisa yimi xilli danbe, kaddib waxaa ay wada hadleen Hooyadii waxaanay ku tidhi "Haddii aad habeen danbe xilli danbe timaado maryahaaga oo bac ku jira debeddaan kuugu dhigayaa”, inta uu qaladkiisii gartay ayaa uu yidhi "Waa yahay!”. Aabihii digniin culusbaalasiiyey, habeenkaa wixii ka danbeeyey gurigii waxaa uu iman jiray xilli hore, marka uu qaadka cuno waxaa uu marfishka ka soo kici jirey xilli hore,maalmokaddib maxaa dhacay?.

Horaa waxaa loo yidhi "Waano dhalad baa ka adag”. Aabihii halkiisii ayuu ka bilaabay.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa Aabihii ku raagay marfishka qaadka, waxaanay noqotay xilli danbe, kaddib dhinaca guriga ayuu u soo kacay isaga oo aad iyo aad u mirqaansan, markii uu hor istaagay gurigii ayuu arkay bac madow oo guraga hortaalla, markiiba waxaa maskaxdiisa ku soo dhacday, hadalkii ay xaaskiisu ku tidhi, kaasi oo ahaa in haddii uu raago bacda maryihiisa dibedda loo dhigayo.

Inta uu aamusay ayaa uu bacdii tunka u ritay waxaana uu u tegay hooyadii oo ay jaar ahaayeen, markii ay hooyadii gurigii ka furtay ayaa ay yaabtay, waxaanay weydiisey waxaa dhaca.

Waxaa uu u sheegay inay gabadhii soo eridey, waxaana uu ku yidhi"waxan bacda ku jiraa Waa maryahaygii!!”,hooyadii ayaa yaabtay, waxaanay u yeedhay inan yar oo guriga joogtay waxaanay ku tidhi "Hooyo maryahan bacda ku jira qaad oo ku rid shandada dharka ku rid”.

Inantii yarayd markii ay furtay bacdii waxay ugu tagtay oo ay ka heshay, hadhaaga baradha, hadhaaga basasha iyo dhammaan nooc kasta oo xashiish ah, inta ay yaabatay ayey tidhi "Hooyo! Waa bacdii xashiiishka”. Ninkiibaa inta uu layaabey ayuu ku yidhi "Naa Waa maryahaygii”. Hooyadii ayaa eegtay bacdii, balse nasiib darro waxaa ka buuxay xashiish badan. Maxaayeeley bacdani waxay ahayd bacda xashiishka lagu shubo.


Somalilandlive.com 

Hargeisa Head Office




 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online