Real Madrid Oo Markii Labaad Ku Guuleystay Koobka International Champion Cup.

0
July 30, 2015 in Articles by Wariye Dalmar
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Markii Labaad Ku Guuleystay Koobka International Champion Cup.

    Real Madrid Oo Markii Labaad Ku Guuleystay Koobka International Champion Cup.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid Oo Markii Labaad Ku Guuleystay Koobka International Champion Cup.

Real Madrid Oo Markii Labaad Ku Guuleystay Koobka International Champion Cup.




Natiijada sawirka real madrid



Hargeysa-(SLL)-Kooxda Real Madrid ayaa rekoodhayaal guul kaga gaadhay kooxda AC Milan kadib markii ay labada kooxood waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta ku kala baxeen gool la’aan. Labada kooxood ayaa min 11 rekoodhe tuurtay laakiin ugu danbayn natiijada rekoodhayaasha ayaa ku dhamaatay10-9 ay Madrid guul kaga gaadhay AC Milan.

Guushan ayaa Real Madrid ka caawisay inay maalmo gudahood markii labaad ku guulaysto koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cup, waxayna hore u soo qaaday ICC Cupkii ay Manchester City guusha wayn ka gaadhay.Real Madrid ayaa kooxda Milan ka aarsatay iyada oo kulankii iskugu danbeeyay ee xili ciyaareedkii hore ay Milan guul xili ciyaareedka Madrid saamayn ku yeelatay ay gaadhsiisay.2

Kooxda Real Madrid iyo AC Milan ayaa kulan saaxiibtinimo oo ka tirsan koobka International Champions Cup ku yeeshay dalka shinaha gaar ahaan magaaladaShanghai. Labada tababaraha ee cusub eeSinisa Mihajlovic iyo Rafael Benitez ayaa kulankan kooxa hooda keenay iyaga oo guulo ka soo gaadhay kooxda Inter Milan, wuxuuna mid kastaaba doonayay inuu guulaha halkiisa ka sii wato si ay kooxdiisu xili ciyaareedka kalsooni ugu hesho.

Tababaraha Real Madrid ee Rafa Benitez ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ku soo galay shaxda an:(4-2-3-1): Navas; Danilo, Pepe, Varane, Arbeloa; Modric, Casemiro; Vazquez, Bale, Cristiano; Benzema.

Dhinac kala tababaraha shaqada Milan ku cusub ee Mihajlovic ayaa isagunaciyaarta u doortay inuu shaxdan ku soo galo:(4-3-1-2): Diego Lopez; De Sciglio, Ely, Alex, Antonelli; Bertolacci, De Jong, Poli; Suso; Niang, Cerci.


Inkasta oo ay labada kooxoodba qaybtii hore ee ciyaarta ku dadaalayeen inay goolal la yimaadaan ayayna haddana midkoodna u suurtogalin inay shabaqa soo taabtaan. AC Milan ayaa ahayd kooxda qaybta hore fursadaha ugu fiican heshay halka Real Madrid ay difaac ahaan u adkayd laakiin waxay ku guuldaraysatay inay fursado fiican abuurto.Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay babaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ciyaarta ayay labada tababare sameeyeen isbadalo tiro badan, iyada aan ka soo qaadan karo ciyaartoyda Real Madrid ciyaarta badalka ku soo galayKiko Casilla, Sergio Ramos, Toni Kroos iyo Ico , laakiin badalka ayaa intaa ka badnaa markii ay ciyaartu sii socotay.

Milan aayaan ciyaartoyda muhiimka ah ee badalka ku soo gashay ciyaarta markii nasashadu laga soo laabtay aan ka soo qaadan karnaaRiccardo Montolivo,Luiz Adriano,Carlos Bacca iyo Philippe Mexes.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa noqday mid kulul iyada oo Real Madrid uu fursad fiican u helayCheryshev laakiin fursadana ma noqon mid ciyaarta wax ka badashay.Labada kooxood ayaa ugu danbayn ku kala baxay natiijo gool la’aan ah taas oo keentay in lagu kala saaro gool ku laadyo ama rekoodhyaal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online