Hidaha Iyo Dhaqanka

0
July 30, 2015 in Articles by Wariye Dalmar
  • Visits: 1444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hidaha Iyo Dhaqanka

    Hiddaha Iyo Dhaqanka Diyaariye: Cabdirisaaq DALMAR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hiddaha Iyo Dhaqanka Diyaariye: Cabdirisaaq DALMAR
Korodhso Aqoontaada
Diyaariye: Cabdirisaaq DALMAR

Waa Xubin Hal Toddobaadba mar soo baxda. waxaanu ku gorfeynaa ama ku soo qaadanna Hiddaha Iyo Dhaqanka.

Maahmaahyo ka bilaabmaya xarafka "B”


1. Baryo badan iyo bukaan badan waa la isku nacaa.
2. Baahi Nin kuu daran bay kuu geysaa.
3. Biyo meel godan bay iskugu yimaadaan.
4. Boqor waa beel afkeed.
5. Belaayo madax la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto ma leh.
6. Belo waa garasho la’aan.
7. Been Nin yaqaanaa waa u boholyoobaa.
8. Been fakatay run ma gaadho.
9. Beentaada hore runtaada danbe ayey dishaa.
10.Been way ku qadaysiisaa ku mase cashaysiiso.
11.Beeni raad ma leh.
12.Biyo sacabadaadaa lagaga dhergaa.
13.Beer aadan falin badar Kama sugtid.
14.Baqal fardo la mirataa faras bay is moodaa.
15.Belaayo lug la’ay dee ama il la’ay dee.
16.Ballan darro waa diin darro.
17.Baahi iyada ayaa is xoola taqaan.
18.Booraan hadimo ha qodin ku dhici mooye.
19.Baadiyi nimaan lahayn bay dul joogtaa.
20.Baaray guur oo sixnigaaga la guur.
21.Baddu waa isku dhadhan.
22.Badhi mag ma leh.
23.Belaayo laba qad malaha.
24.Belaayo buulkaagaa laga galaa.
25.Barasho horteed ha I nicin.
26.Barasho u yeelo geedkaad cugsan lahayd.
27. Barooriba buulkeeday ku hadhaa.
Eng.Cabdirisaaq Axmed Cabdi (DALMAR),Freelance Reporter
Tell:- +00252 063-4701126 7-aad
28. Bartii yaqaan, Bari uma korodho.
29. Bartii yaqaan bar xoolaad uma korodho.
30. Baruur qudhuntay baa baruuro qudhmisa.
31. Baryo iyo is- daluuc layskuma daro.
32. Bowdo rag maalinba mid baa qaawan.
33. Beentaada hore runtaada danbey u daran tahay.
34. Beentaada hore runtaada danbey u xuntahay.
35. Beerka jecli, xaydha jecli.
36. Belaayo guur bay ku tidhaahdaa ama guursey ku tidhaahdaa.
37. Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh.
38. Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
39. Belaayo markay kaa maqantahay, qayrkaa bay ku maqantahay.
40. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
41. Bisayl iyo caydhiin yacyacood baa u dhaxeeya.
42. Biyo sare tagey waa la sugayaa.
43. Biyo socdaa biyo fadhiya ayey kiciyaan.
44. Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la’aana baa baa ka xun.
45. Buubaal biyaha korkiisa saaran buu ka didaa.
46. Buur caw ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa.
47. Biyo ay hortood dhooqo tahay, dabadood maxaad moodey?,
48. Bir baa bir goysa.
49. Birtii adag dab baa lagu jilciyaa.
50.Bililiqo Doon waa nabad diid.
51.Bahal hoose aamin ma galo
52.Baciidoow ilna kuday ilna ku daaq.
53.Bakeyle intuu bur ku jiruu bur kale daydaydaa.
54.Bakeyle tallaabsanaya lama arag.
55.Bun haddii la waayo, beddelkiisaa la helaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online