Somaliland: Boqortooyadii Riyada? Faallo: cabdi casiis Bashiir Nuur

0
July 31, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Boqortooyadii Riyada? Faallo: cabdi casiis Bashiir Nuur

    Somaliland: Boqortooyadii Riyada? Faallo: cabdi casiis Bashiir Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Boqortooyadii Riyada? Faallo: cabdi casiis Bashiir Nuur

Somaliland: Boqortooyadii Riyada?

Faallo: cabdi casiis Bashiir Nuur

Tan iyo axadii Tobaadkan Markii Madaxweyne siilaanyo iyo Kolonyo uu hoggaaminaayo, booqosho ugu ambabaxeen Gobollada Bari ee Somalialnd Togdheer, Sool io sanaag, waxa Xafiiska af-hayeenka Madaxtooyadda u Warbaahinta usoo dirayey wararka iyo Warbixinaha Safarka, arrintaas oo sharciyan marka loo eego, shaqadiisi ah.

Hase-yeeshe waxa la yaab leh, warar is-daba jooga ah ee Xafiiskaasi warbaahinta kusoo qar-qiyey, Waxa %80 ay ahaayeen kuwo ka warbixinaaya dhaq-dhaqaaqa Marwada koobaad ee Madaxweynaha gaar ahaan, kaalmooyinka ay u fidisay dad dan yar ah, agoomo, Cisbitaaladda, saldhigyada iyo jeelasha, waxa kale, oo intaa weheliyaa goobo iyo Xaruumo kale, oo ay si gaar ah uu booqoatay.

Geesta kale, xafiiska af-hayeenka madaxtooyadda oo shaqadiisu tahay inuu Wabaahinta xidhiidhiyo Madaxweynaha intii safarka Madaxweynuhu ku jiray in ka yar %10 waxa ay ka hadlaayeen, dhaq-dhaqaaqa Madaxweynah, halka sida aynu kor kusoo sheegnay %80 ay khaas uu ahaayeen dhaq-dhaqaaqa iyo Booqoshada Marwada.

Tusaale ahaan, intii waftigu ku sugnaa Gobolka Togdheer waxa xafiisku soo diray, laba warbixinood oo ku saab-san Booqasho Marwadu ku tagtay Xaruunta agoomaha,iyo ta akale oo ahayd kormeer marwadu ku tagtay Cisbitaalka iyo Jeelka goobahaas oo marwadu ugu deeqday Xoolo Nool iyo gaadhi Bas ah oo ay ballaan qaaday. Dhanka kale, waxa waftiguu halkaa uga sii gudbay Gobolka sool, halkaas oo xafiiska af-hayeenku warbaahinta uga soo tabiyey laba warbixinood oo mid ku saabsanayd Booqashada Madaxweyneha ee Ciidamada jiida hore iyo ta labaad oo ahayd oo ku saabsaneyd deeqo Marwada Madaxweynuhu gudoon-siisay Xarunta Masuuliyiinta Xarunta, agoomaha Cisbitaalka Guud iyo Jeelka dhexe ee Magaaladda Laascaanood. Marka laga yimaado Gobolada ku teet-san Laamiga waxa waftiga Madaxweynuhu uu gudbay dhinaca Goboladda Saraar iyo Sanaag jiidahaas oo warbixinaha Xafiiska af-hayeenku ka soo diray, ay ahaayeen iyana Laba Warbixinood, kuwaas oo kala ahaa mid ku saabsaneyd Deeq xoolaha, oo dadka deegaanku ugu tallo galay dhis-maha wadaada Ceerigaabo iyo tallabaad oo ahayd Deeq Dhar oo Maawadu u fidisay Haweenka Reer Ceel-af-weyn.

Hadaba, waxa is-weydiintu tahay ma Madaxtinimadii Somaliland ayaa noqotay Boqortooyo, oo sidaas darteed ayey Marwadu ku dhaxashay talladii dalka, mise waxa run ah dhaliilihii Asxaabta iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah, ee sheegayey in aan Tallaada dalku Gacanta ugu jirin Madaxweynaha iyo in Marwadu dalka ka Taliso ?.

Sidaa darteed marka la eego, tal-ceelinaha dhinaca warar iyo Wabixinnaha Safarka Madaxweynaha waxa markhaati ma doon ah in dalka Marwadu ka taliso!!! Waxa’se su’aali ka taagan-tahay sida xaalka Madaxweynuhu yahay?

Qore

Cabdi casiis Bashiir Nuur

Tel: 4144434

info@xogreebnews.com

Hargeysa/somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online