Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI MD Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa xilalkii ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa xisbiga, kuwaas oo ku gafay Xeerka Xisbiga, Xeer-hoosaadka Garabka Haweenka iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta siyaasadda

0
August 01, 2015 in Wararka by Staff SLL Media
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI MD Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa xilalkii ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa xisbiga, kuwaas oo ku gafay Xeerka Xisbiga, Xeer-hoosaadka Garabka Haweenka iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta siyaasadda

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.. .



Warsaxaafadeed uu xoghayuhu soo sooray waxa uu u dhigan yahay sidan;
Ujeeddo: Xil Ka Qaadis
Marwooyin,
Shir ay maanta oo taariikhdu tahay 31/7/2015 yeesheen Hoggaanka Xisbiga WADDANI waxa ay go’aamiyeen:
Maadama ay caddaatey in aad ku kacdeen khiyaamo-xisbi,  ka dib markii aad heshiis qarsoodi ah la gasheen xubno ka socda madaxtooyada, isla markaana Xisbiga dhexdiisa uga ololeyseen xisbiyo kale taas oo ka soo hor-jeedda xeerka Xisbiga, Xeerka Lr. 14 Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda iyo Xeer-hoosaadka Garabka Haweenka heer-qaran ee Xisbiga WADDANI.
Sidaa darteed, hoggaanka xisbigu isaga oo cuskanaya Qodobka 10aad xeerka Lr.14, qodobada 13aad ee xeerka Xisbiga WADDANI iyo Qodobka 13aad ee Xeer-hoosaadka Garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI wuxuu xilkii iyo xubinnimadiiba ka qaaday:
1. Marwo. Ifraax Cumar Xassan (Guddoomiyihii Hore ee Garabka Haweenka Heer-Qaran)
2. Marwo. Idil Cabdillaahi Giirre (Xoghaye-ku-xig eenkii Hore Garabka Haweenka Heer- Qaran)
Taas darteed, waxaa la wargelinayaa dhamaan Gobolada , degmooyinka, laamaha dibedda iyo saxaafadda in xubnahaas laga qaaday xilalkii ay Xisbiga ka hayeen iyo xubinamdiiba.




ALLAA MAHAD LEH
Md Maxamed Cabdilaahi Uurcadde
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI

somalilandlive.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online