Prof. Cabdi Samatar,Ayaa U Muuqda Mid Ku Daalay Ka Talo Bixinta Somalia,Iyadoo Aan La hubin In Sidii Walaalkii Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Uga Tanaasuli Doono Mawqifka Somali Wayn

0
August 01, 2015 in Wararka by Staff SLL Media News Reporter
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof. Cabdi Samatar,Ayaa U Muuqda Mid Ku Daalay Ka Talo Bixinta Somalia,Iyadoo Aan La hubin In Sidii Walaalkii Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Uga Tanaasuli Doono Mawqifka Somali Wayn

    Prof. Cabdi Samatar,Ayaa U Muuqda Mid Ku Daalay Ka Talo Bixinta Somalia,Iyadoo Aan La hubin In Sidii Walaalkii Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Uga Tanaasuli Doono Mawqifka Somali Wayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Cabdi Samatar,Ayaa U Muuqda Mid Ku Daalay Ka Talo Bixinta Somalia,Iyadoo Aan La hubin In Sidii Walaalkii Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Uga Tanaasuli Doono Mawqifka Somali Wayn

Hargeysa(SLL)Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah aqoon yahan reer Somaliland ah balse ku hawlan dhisidda qaran Soomaaliweyn ah ayaa muujiyay siduu quus uga taagan yahay horusocod Somalia yeelato. Waxa uu sheegay in wax uu ugu yeedhay Siyaasad aan madax iyo minjo lahayn oo Iimaan la’aani waddo ay ka socoto Muqdisho.

Prof. Cabdi Samatar, ayaa u muuqda mid ku daalay ka talo bixinta Somalia, iyadoo aan la hubin in Sidii walaalkii Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uga tanaasuli doono mawqifka Somalia

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa ka hadlay mawqifkiisa doorashada 2016 ee Somalia sheegtay inay baaqatay oo aanay suuro gal ahayn "Haddii 2012-kii la lahaa waxaa laga baxay kumeel gaadhkii, haddana qolooyinkan dawladda sheegayaa waa kuwii soo saaray in aan cod jirin oo aan doorasho dhici doonin, wax cusubna may ahayne waa wixii dadku ka filayay” ayuu yidhi Prof-ku

 

Prof-ka oo sii hadlaya ayaa sheegay in Somalia sii kala googo’ayso "Astaantii qaran edeb leh lagu dhisi lahaa ma socoto, waxayna u socon waxa weeye, halkan Jasiira waatay isku qabsadeen Koonfur galbeed iyo Banaadir,waatan la isku haysto xad loo sameeyo Puntland iyo Galmudug, kuwo kale way soo socdaan, Khaatumo waa la isku haystaa, waqooyigii(Somaliland) meel ay joogaan lama oga, markaa waxa weeyebahal siyaasad ah oo aan madax iyo minjo lahayn oo waxa wadaa tahay Hunguri iyo Iimaan darroayaa soo socota, bilaabantayna, joogtana” ayuu yidhi Mr Samatar.

 

Prof-ku waxa uu sheegay in haddii bulshada Somalia iska caabin waydo sidii aan muddo kordhin loo samayn islamarkaana cadaadis loogu saarin xukumadda hirgalinta doorashada ay arrin fool xun ku soo fool leedahay.

"Haddii dadka Soomaalida, kuwa Culimada ah, kuwa waxgaradka ah,kuwa haweenka ah ee wanaagsan, kuwa dhalinyarta ah ee wanaagsan intay isku tagaan iyagu codkooda kala soo bixi waayaan waxan Muqdisho ka socda oo ay ku seexdaan, dee markaa waa inay u diyaar noqdaan"Edeb xumo iyo nijaas in dhakada laga saari doono”ayuu yidhi Mr Samatar..

Hadalkan uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Saxaafadda mariyay kadib go’aanka xukumadda muqdisho shalay ku sheegtay inaanay suuro gal ahayn doorasho dadweyne ayaa muujinaya inuu ka niyad jabay hanaanka uu wax u doonayay ee Somalia lagu midaynay0.

Walaalkii Axmed Ismaaciil Samatar oo sanadkii 2012 ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Somalia ayaa ka laabtay go’aankiisa haatana u Ololeeya Somaliland, waxaa sidoo kale sheegay inuu go’aankiisa ka noqday Ismaaciil Hurre Buubaa oo sheegay inuu Somaliland iman doono.



Somalilandlive.com

Hargeisa Head Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online