Wax Ka Baro 10-ka Qof Ee Adduunka Ugu Qanisan. Diyaariye:Cabdirisaaq DALMA

0
August 01, 2015 in Wararka by Wariye Dalmar
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Baro 10-ka Qof Ee Adduunka Ugu Qanisan. Diyaariye:Cabdirisaaq DALMA

    Wax Ka Baro 10-ka Qof Ee Adduunka Ugu Qanisan. Diyaariye:Cabdirisaaq DALMA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax Ka Baro 10-ka Qof Ee Adduunka Ugu Qanisan. Diyaariye:Cabdirisaaq DALMA
Wax Ka Baro 10-ka Qof Ee Adduunka Ugu Qanisan.
Diyaariye:Cabdirisaaq DALMA

money


Hargeysa- (SLL)- Wargeyska  caanka ah ee Forbes oo ka mid ah wargeysyada qora dadka ugu qanisan adduunka ayaa dhawaan shaaciyey dadka ugu qanisan adduunka, kuwaasi oo loo aqoonsadey in ay yihiin dadka ugu hantida badan dunida, waxaana qormadan ku soo qaadaneynaa 10-ka qof ee ugu horeeya dadka dunida ugu qannisan.

Carlos Slim Helu

Hantidiisa $ 69.0 Bilyan



Carlos Slim oo dhashay 28-kii January 1940-kii una dhashay wadanka Mexico wuxuu ilaa iyo sanadkii 2010-kii haystaa darajada qofka dunida ugu taajirsan, wuxuuna horyaalnimada hantiilaha ugu horeeya dunidda uu kala wareegay Bill Gates .
Asal Carabnimmo:


2. Bill Gates

Hantidiisa : $ 61.0 Billion

William Henry Bill Gates waa 56 sano jir u dhashay Mareykanka, ahna La aas-aasaha iyo Gudoomiyaha shirkada Microsoft oo ah shirkadda ugu weyn dunida ee soo saarta Barnaamijyada ay ku shaqeeyaan Computer-da.

3. Warren Buffett

Hantidiisa : $ 44.0 Billion

Warren Buffet oo 82 sano jir ah una dhashay wadanka Mareykanka ayaa noqdey qofka sadexaad ee dunida ugu hantida badan, sanadkii 2008-dii ayuu noqdey qofka dunida ugu taajirsan, laakiin wixii sanadkaasi ka dambeeyey jeebwaynayaal kale ayaa xilkaasi kala wareegay, hase yeeshee sadexdii sano ee ugu dambeysay waxaa laga dhaqaajin la’yahay kaalinta sadexaad ee Tujaarka aduunka.


4. Bernard Arnault

Hantidiisa : $ 41.0 Billion

Bernard Arnault oo 63 sano jir ah wuxuu u dhashay wadanka Faransiiska wargeyska Forbes ayaa hada ka hor ku tilmaamey ninkaasi in uu yahay qofka ugu taajirsan qaarada Yurub, laakiin ninkan wuxuu kaalinta afaraad uga jiraa taajiriinta dunida.


5. Amancio Ortega

Hantidiisa: $ 37.5 Billion

Amancio Ortega oo ah 63 sano jir u dhashay wadanka Spain ayaa noqdey qofka shanaad ee dunida ugu hantida badan, laakiin wadankiisa Spain waa qofka labaad ee ugu hantida badan.

6. Larry Ellison

Hantidiisa : $ 36.5 Billion

Larry Ellison way yar inta badan eea laga yaqaan waa Billionaire u dhashay wadanka Mareykanka da’diisu waa 68 sano jir, Larry Ellison oo ay iska dhaleen haweenay Yuhuud ah oo iyadoo 19 sano jir ah guur la’aan uu ku uureeyey nin Talyaani ahaa oo ahaa duuliye diyaaradeed.

.

7. Eike Batista

Hantidiisa : $ 30.0 Billion

Eike Batista oo 56 sano jir ah una dhashay wadanka Brazil ayaa noqdey qofka todobaad ee dunida ugu hantida badan, waxaana ninkan uu ka sameeyey dhaqaalahan Gaaska & Oil-ka laga soo saaro dalkaasi, isagoo madax ka ah shirkada soo saarista shidaalka dalkaasi ee EBX Goup.
Batista waa qofka koowaad ee ugu hantida badan wadanka Brazil, sanadkan 2012 ayuuna soo galey kaalintta todobaad ee Tujaariinta dunida.

8. Stefan Persson

Hantidiisa : $ 26.0 Billion

Stefan Persson oo ah 64 sano jir u dhashay wadanka Sweden ahna Gudoomiyaha Saamilaha ugu weyn shirkada H&M ee fashion-ka sameysa ayaa noqdey qofka 8-aad ee ugu hantida badan dunida, isagoo Aabihiis uu ahaa aasaasihii shirkada H&M.

9. Li Ka Shing

Hantidiisa : $ 25.5 Billion

Ka Shing Li oo ah 84 sano jir u dhashay Chine (Jasiirada Hong Kong) isla markaana haysta dhalashada Canada ayaa noqdey qofka 9-aad ee ugu Taajirsan dunida, waxaana hantiidiisa lagu xisaabay 25.5 Bilyan oo doolar.


10. Karl Albrecht

Hantidiisa : $ 25.4 Billion

Karl Hans Albrecht oo 92 sano jir ah una dhashay wadanka Jarmalka ayaa galey kaalinta 10-aad Hantiilayaasha dunida, ninkan waxaa isaga iyo walaalkiis ay aasaaseen dukaanka weyn ee Aldi ee laga dukaamaysto, laakini sanado ka dib isaga iyo walaalkiis dukaankaasi ayay laba qayb u kala qaateen iyagoo magacaasi aan ka tagin una kala bixiyey Aldi Sud & Aldi Nord.



Diyaariye: Cabdirisaaq DALMAR

somalilandlive.com

Xaiiska Hargeysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online