Gudoomiye Xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed Ayaa Sheegay In Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Barigu Uu Isku Bedelay Olole Dadka Cod Iyo Taageero Lagu Waydiisayo

1
August 01, 2015 in Wararka by Staff SLL Media News Reporter
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed Ayaa Sheegay In Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Barigu Uu Isku Bedelay Olole Dadka Cod Iyo Taageero Lagu Waydiisayo

    Gudoomiye Xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed Ayaa Sheegay In Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Barigu Uu Isku Bedelay Olole Dadka Cod Iyo Taageero Lagu Waydiisayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed Ayaa Sheegay In Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Barigu Uu Isku Bedelay Olole Dadka Cod Iyo Taageero Lagu Waydiisayo

Hargeysa(SLL) Guddoomiye xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in safarkii madaxweyne Siilaanyo ee barigu uu isku bedelay Olole dadka cod iyo taageero lagu waydiisayo. Waxa uu sheegay inaanu habboonayn safarkaasi maadaama dalka muran siyaasadeed oo ku aadan muddo xileedka madaxweynaha ee dhammaaday ka jiray.

 

"Safarkii madaxweynahu, waxaa uu isu bedelay olale, waxaana uu ku soo gebo-gaboobay arrinka ka dhacay Ceeri-gaabo ee badhasaabkii gobalka Ceerigaabo uu dadkii weydiiyey Cirro ma dooranaysaan ee ay ugu jawaabeen 'Haa Cirro ayaanu dooranaynaa', marka waxa weeye dadku waa ay ka dheregsan yihiin ama galbeed ha joogaan ama bari e', dalku waxa uu u baahan yahay hoggaamiye dhab ah oo mayalka u haya Somaliand, kuna soo celiya beesha caalamku halkii ay kaga jirtay, kalsooni buuxdana siiya wadamada jaarka ah iyo beesha caalamka.”.Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed oo Geeska Africa u waramay.

 

Guddoomiye xigeenka Waddani Md.Axmed Muumin oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in safarkii madaxweyne Siilaanyo aanu ahayn mid wax guulo ah laga soo gaadhay isla mar ahaantaana uu ku soo fashilmay, isaga oo carabka ku adkeeyey in dib xadhiga looga jaraayey waddooyin wakhtiyo hore xadhiga laga jaray, waxaana uu yidhi:"Arrimaha kale ee la yaabka ah, waxa weeyaan dadka waxaa loo gashanayaa koofiyaddo been ah oo waaweyn oo waddooyin maalmo dhaweyd la furay ayaa hadana mar labaad la furayaa, waxyaabahaas oo dhammina waxaa ay ku tusinayaan in ay yihiin fashil iyo in ay ku jiraan olale iyada oo cid loo olaleynaayo aan la garanayn, wax dad ah oo odeyaal iyo wax-garad ah oo wax midho dhal ahi ka soo baxeena ma jiraan, ummana malaynaayo safarkaas in uu ahaa mid guul ah, gunnaanadkiisiina waa la ogyahay.".

 

Mudane Axmed Muumin Seed, waxaa uu sida oo kale uu uga mahad-celiyey dhammaanba shacabka reer Ceerigaabo taageeraddii ay u muujiyeen xisbiga Waddani iyo guddoomiyahooda Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo sheegay in ay muujiyeen dareenkooddii muwaadinimeed. "Horta marka hore aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa shicibka reer Ceerigaabo oo aan runtii leeyahay waa ay mahadsan yihiin, waayo waxaa ay muujiyeen shucuubtoodii wadaninimo iyo taageeradii ay u hayeen xibsiga Waddani iyo guddoomiyahooda, waxaana aan isleeyahay su'aasha badhasaabka ka soo baxday isagu waxaa uu islahaa uun faa'ido keen se madaxweynaha weji-gabax ayaa ay ku noqotay oo madaxweynahu waa kii hadli kari waayey, dadkuna dareenkoodii runta ahaa ayey muujiyeen ama Ceerigaabo ha joogaan ama halkan ka joogaane amaba dee goballada galbeedkaba ha joogaane, dadku maanta waxaa ay u baahan yihiin hoggaamiye dadka u hawl-gala oo ah hoggaamiye dhab ah.”.Ayuu yidhi Axmed Muumin.

 

Guddoomiye xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Mudane Axmed Muumin Seed, waxaa uu ugu danbeyntii uu si xoogga uu safarka Siilaanyo ugu dhalliilay mas’uuliyiinta arrimaha gudaha iyo ammaanka dalka oo uu sheegay in ay la socdaan safarka madaxweynaha iyada oo aan ilaa hada la garanayn ayaa uu yidhi cidda lagaga tagay ammaankii dalka, waxaana uu madaxweyne Siilaanyo uu u soo jeediyey in aan looga fadhiyin in uu safar u baxo balse laga sugaayo in uu muddeeyo wakhtigii doorashada.

 

"Waxa wax aad looga xumaado ah, waxaa baxay wasiirkii arrimaha gudaha, taliyahii booliska, wasiirkii Maaliyadda, wasiirkii waxbarashada, wasiirkii Madaxtooyadda, waxa weeyaan wasiiraddii oo dhan ayaa raacay, marka maxay ku tusaysaa dalkii oo mar qudha ay ka maqan yihiin arrimahii gudaha iyo booliskiiba ee caasimaddii Hargeysa ee lagu leeyahay safar madaxweyne ayaa la raacay ee marba madaxweynahu shaashad inta uu soo fadhiisto ay wasiiraddiisu isa soo garab istaagayaan, ma guul mise guul darro ayey Somaliland u tahay, waxa weeye bajadkan dawlada iyo kharashaadkan intaas oo baabuur ah ee baxaaya, waxaa dhaammi lahayd 200 oo booyadood oo dadka biyo la'aanta ay hayso loo geeyo inta sawirka beenta ah la isku soo sawirayo. Madaxweynaha in uu safar u baxo loogama fadhiyo, se waxaa looga fadhiyaa wakhtigiisii waa uu dhammaaday e' in uu ku dhawaaqo oo dadk shicibka ah ee reer Somaliland ee soo doortay uu u sheego xilliga doorashada la qabanaayo.".Ayuu yidhi Md.Axmed Muumin Seed

Somalilandlive.com

Hargeisa Head Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>