Lex Sanchez Oo Ka Soo Bogsaday Dhaawacii, La Filayana Inuu Dib Ugu Soo Laabto Garoonka.

0
August 02, 2015 in Wararka by Wariye Dalmar
  • Visits: 1593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lex Sanchez Oo Ka Soo Bogsaday Dhaawacii, La Filayana Inuu Dib Ugu Soo Laabto Garoonka.

    Lex Sanchez Oo Ka Soo Bogsaday Dhaawacii, La Filayana Inuu Dib Ugu Soo Laabto Garoonka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lex Sanchez Oo Ka Soo Bogsaday Dhaawacii, La Filayana Inuu Dib Ugu Soo Laabto Garoonka. Barnaamiijka Ciyaariyaha
 
Lex Sanchez Oo Ka Soo Bogsaday Dhaawacii, La Filayana Inuu Dib Ugu Soo Laabto Garoonka.
Diyaariye; Cabdirisaaq DALMAR


 

san

Hargeysa-(SLL)- Weeraryahanka kooxda Arsenal Alex Sanchez oo lugu xanto mid aad u jecel ciyaarista kubada cagta ayaa doonayaa inuu dib ugu soo laabto garoomada ka dib wax ka yar hal bil oo uu xilli ciyaareedkiisii dhamaystay.

Xiddiga heerka caalami ee xulka Chile ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto Arsenal asbuuca soo socda, waxana batilmaameed u ah inuu ka qayb qaato kulanka furitaanka horyaalka oo ay Gunners Emirates Stadium kusoo dhowayn doonto West Ham United, laakiin Alex ayaa doonaya inuu xataa ciyaaro kulankaas.

Arsen Wenger ayaa horay u sheegay in xiddigiisa uu siiyey fasax dheer isagoona cadeeyey inuu garoomada ka maqnaan asbuuca furitaanka horyaalka iyo weliba inuu maqnaan doono labada asbuuc ee soo socda, laakiin Sanchez ayaan arintaas doonayn.

Laakiin Alex oo ah nin kubadda aad ugu dagaalama ayaa asbuucan soo dhigay bogihiisa xiriirka Bulshada Video uu tababar ku qaadanayo xeebta, waxana uu doonaya in sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan dib ugu soo laabto garoomada.

26 sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkiisi ugu horeeyey Arsenal ahaa mid cajiib ah isagoona dhaliyey 26 gool dhamaan tartamada oo dhan, isagoona 16 ka dhaliyey Premier League, waxana uu Gunners xagaagii hore £35million uga soo wareegay Barcelona.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online