Qaar kamida Dabeecadaha Manaahijta Nolosha (qaybtii 3aad)

0
August 02, 2015 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar kamida Dabeecadaha Manaahijta Nolosha (qaybtii 3aad)

    Qaar kamida Dabeecadaha Manaahijta Nolosha (qaybtii 3aad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamida Dabeecadaha Manaahijta Nolosha (qaybtii 3aad)


Xaga Cilmiga

Cilmigu waa waxa markaad barato ku xamaasad galiya ee keena inaad ka dhiidhido


xumaanta, wanaagana aad soo dhawayso; waana waxa ku ficil galiya ee keena ama kugu

dhaliya hindisaha ah inaad hal-abuurto qorshayaal cusub oo daawo u noqon kara

caqabadaha nololeed ee bulshada hortaagan. Iyadoo ay taasi jirto, cilmigu cida barata

wuxuu kaga tagaa laba raad oo kala ah mid akhlaaqeed iyo mid hal-abuurnimo.

Sidaadarteed, qofka cilmiga barta waxa lagu yaqaanaa inuu leeyahay dhaqan wanaagsan oo

u sahlaya inuu bulshada laxidhiidho, la noolaado, la jaanqaado iyo inuu wax cusub bulshada

ku soo kordhiyo.bal Hadaba cilmiga aan labadaa shay ku siinaynin ma cilmibaa waa su’aale?

Laakiin waa maxay sababta ka dambaysa in la waayo natiijadii cilmiga looga baahnaa?

Horta cilmiga aan kugu reebayn labada raad ee aynu kor kusoo xusnay cilmi lama

yidhaahdo ee waa tab hunguri. Sababtuna wax kale maaha ee waa manaahijta nololeed ee

dadku haysto , waayo nidaamka xeerka halkii qaanuunka shanaad ee horumarka waxa ugu

jira qabyaalad, taasina maaha mid ka maqan dhaqankii jaamiciga, sidoo kale nidaamka

sharci-baarlamaan isagana halkii qaanuunka shanaad waxa ugu jira musuqmaasuq, isna

maaha mid ka maqan dhaqankii jaamiciga. Iyadoo ay taasi jirto, nidaamka shareecadu

labadaaba wuu ka duwanyahay, waayo halkii qaanuunka shanaad ee horumarka waxa ugu

jirta midnimo,taasina maaha mid ka maqan dhaqanka jaamicaga bartay cilmiga dhabta ah

ee shareecada iyo maadiba.

Sikastaba ha-ahaatee, hadaan aad loo cuskan nidaamka shareecada, waxa muuqata

in nidaamyada sharci ee caqligu dajiyay ay istiigad la daba joogaan raadkii ama natiijadii

cilmigu kaga tagilahaa maanka jaamiciga. Sidaa wadanku saddex manhaj ama saddexda

nidaam ee sharci u leeyahay ayay jaamiciyiintuna saddex u yihiine mid ha noqdaan. sidaa

darteed, jaamici waa la wada yahay hadana waa la sii kala yahay. Waayo marka laga reebo

inta shareecada baratay oo dhaqankii iyo kartidii ay ka heleen cilmiga ay barteen ay ka

badbaadisay qabyaalad iyo musuqmaasuq, kuwii maadiga bartay waxay ku dhex asqoobeen

ama ku milmeen qabyaalad iyo musuqmaasuq. Taasina waa astaan sheegaysa kala

xidhxidhnaan bulsho, ee waa in bulshada la isku furo, hadii kale waxa la arki doonaa bulsho

magaalo ku nool oo hadana jasiirado ku sii kala dhex nool.

Xaga dhamaysnimada

 Aduunyadu waa sagaaloo toban ma noqoto, laakiin mar kaliya ayay toban noqon

kartaa, waana marka diin lagu daro. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa, " aduun

yari iimaan baa lagu kabaa”. Ilaahay iimaanka ha inoo siyaadiyo.

 Marka laga reebo nidaamka shareecada, dhamaan nidaamyada sharci ee caalamka

ka jira oo dhami waa gude madhan.

Xaga Xamilka

 Marka laga reebo nidaamka shareecada, dhamaan nidaamyada sharci ee caalamka

ka jiraa waa jirido aan dhuux lahayn.

 Wax kastoo aan dhuux lahayni wuu halwadaa oo ma sugmo

 Wax kastoo aan dhuux lahayni wuu guurguur badanyahay oo ma sugna

 Wax kastoo aan dhuux lahayni ma adka oo wuu jabaa

 Wax kastoo aan dhuux lahayni wuu dareen yaryahay

 Wax kastoo aan dhuux lahayni wuu doogsin yaryahay

Cidhibta manaahijta

Manhajka caqliga: manhajka caqliga cidhibtiisu waa Shaki iyo khilaaf waxa taa daliil u ah

kaliya adigoo u fiirsada deegaanka aad ku nooshahay.

Manhajka alle: manhajka alle cidhibtiisu waa kalsooni iyo midnimo. Midnimada aynu

sheegaynaa maaha waxa aynu u naqaano midnimo qabiil, mana aha waxa aynu u naqaano

midnimo qaran, ee waa midnimo aduun waana "TAQWA”. Alle ha inagu arsaaqo.

Dhamaad

Gar.Maxamed C/kariim Axmed

solaado@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online