War Deg Deg Ah Xildhibaan Ka Tirsan G/Wakilada Oo Sheegay Inuu Isagu Musharax Xisbiga KULMIYE Yahay

0
August 02, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Xildhibaan Ka Tirsan G/Wakilada Oo Sheegay Inuu Isagu Musharax Xisbiga KULMIYE Yahay

    War Deg Deg Ah Xildhibaan Ka Tirsan G/Wakiilada Oo Sheegay Inuu Isagu Musharax Xisbiga KULMIYE Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Xildhibaan Ka Tirsan G/Wakiilada Oo Sheegay Inuu Isagu Musharax Xisbiga KULMIYE Yahay


Hargeysa (SLL)-Iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyay ay war-baahitu qaadaa dhigaysa in aanu Siilaanyo musharax xisbiga KULMIYE ahay ee uu ka tanaasulay, ka dib markii uu talax gabay ama ay haleeleen xanuunada gabowga  ka dhasha.

 

Haddaba Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo kamid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa sheegay inuu hadda u taaganyahay ama u tartami doono jagada musharaxnimada xisbiga talada haya ee KULMIYE.

 

Dhanka kale waxa hore uu u shaaciyey hoggaanka xisbiga KULMIYE inuu musharax xisbiga KULMIYE siilaanyo yahay oo odayga loo daayey,waxa kale oo xusid muddan inuu siilaanyo laftiisu afka ka sheegay inuu musharax KULMIYE yahay oo loo daayey doorkan,balse waxa saluug laga muujiyey madaamo oo uu odaygu talaxgabay ama daalay in aanu qaadi karayn Inuu markale tartanka doorashada madaxweynenimada u ordo.

 

Isku soo wada duubo dhawaqa uu xildhibaan kijaandhe  ku shaaciyey inuu musharax madaxweyne ee xisbiga KULMIYE u taaganyahay ayaa daaha ka rogaysa in aanu siilaanyo musharax xisbiga KULMIYE ahayn wakhti xaadir kan,waxa dib u istaadhmaya khilaafkii xisbiga KULMIYE ee bustu saarnaa 


Somalilandlive.com

Hargeysa Office





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online