Bandhigga Carwadda Buuggaagta Hargeisa iyo Nolosha Warqaddaha

0
August 03, 2015 in Articles by Staff SLL Media News Reporter
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bandhigga Carwadda Buuggaagta Hargeisa iyo Nolosha Warqaddaha

    Bandhigga Carwadda Buuggaagta Hargeisa iyo Nolosha Warqaddaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bandhigga Carwadda Buuggaagta Hargeisa iyo Nolosha Warqaddaha
Taxannahani Wuxuu Marayaa Sannadkani Qeybtii Saddexaad "Wuxuuna Hambalyo iyo Boggaadin u yahay Marka ugu Hoorreysa Carwada Bandhigga Carwadda Buugaagta Hargeisa oo Siddeed Jirsatey,lana Daah-Furay Sabti 1/8/2015.
Mar kalle Taxannahani Wuxuu Isla Qeybtani Saddexaad Taageero iyo Dhiirrigelin u Yahay Dar-dar-Gelinta lagu Sameeyey Hawlihii Rugta Akhriska iyo Kutubka ee Heer Qarran "Somaliland National Library".

"Innaad Hesho Fikrado iyo Arragtiyo Cilmi oo ku Dhiggan Warqadda Cadd Islamarkaasina aad ku Raaxeysato Waad Jeceshahay,Miyaanad Markaasi Jecleyn Halkii lagu uruurin lahaa lagana Heli lahaa Warqaddaha uruursan ee lagu soo Dhigey Aqoontaad Rabbtey".

"Qof Kasta oo Innaga Mid ah Ayaa Jecel in hadd iyo Jeer uu Warqaddaha ka Akhristo Wax Wannaagsan iyo Qoraallo Xikmadd leh,Waase Run in aann Qofka wax Akhriyayaa Marka uu wax Qoraayo uga Fekirin sida uu isagu Jecel yahay in wax loogu soo Qoro,Wuxuu ku Dhiggayaa Warqaddaha Arragtiyo iyo Fikrado Isku Dir,Naceyb iyo Arrimo Qabiil Xambaarsan,Warqadda Kelliya ku Qor wax u Wanaagsan Dadka Akhriyi doona Sidaad u Rabbto in laguugu soo Qoro wax kaa farxiya".

"Warqaddu Waxa ay ku Jirtaa Horumarka Nolosha Adduunkan lagu sameeyey,Qallinka iyo Wax Dhiggiduna waa Kuwa Warqadda ka DHigey Midd Qurruumo hadha,Qarniyadii Dhammaadey iyo Taariikhdii ku Duugneyd waxa Keydisey oo Heysaa Waa Warqaddaasi aynu wax ku Qoreyno".
"Sida aad u Xullan karto Nooca Qarada iyo Middabka Xaashida Cadd ee aad wax ku sunteyso Ayaad u Dooraneysaa Fikirka iyo Arragtida saxda ah ee aad ku soo Gudbineyso Warqaddaasi,Sida aad Qallinka Middabkiisa u xullaneyso Ayaad u Noqoneysaa Mid arragtiyahana Baandheyn kara".
Mawduuca Sannadkani ee Nolosha Warqadaha Ayaa isna Dhinaca kale ah "Adigu Dooro waxa aad Akhriyeyso".Wax kasta lama wadda Akhriyi karo,Wax kasta oo aad Akhridaana maaha kuwo Waxtar kuu wadda leh,Dooro Mawduucyo,Buugaag iyo Arrimo aad si gaar ah u xiisseyso ugana sal-gaadhi karto".

"Dad badan Ayaa Xiisseynaaya maanta in ay Buug Helaan inkasta oo laga yaabo in aanney wada dhammeynin oo ay Dhexda kaga taggaan,Haddana in ay Warqaddaha Buugaasi Qeybo badan oo ka Midd ah Akhriyeen ayaa Faan u ah".
"Warqaddaha Ma Fikirka ku Qoran ayeynu ku Qiimeynaa,Mise Qofka soo Qorey Ayeynu ku Miisaanaa oo aynu ku Jeclaana ama Necbaanaa,Haddii aad qofka ka fekirto waxaad Lumisey Qiimeyntii Arragtida oggow,Billowga Fur-Furshada iyo Dhammaadka Gunaannadka sida Warqadaha loogu Qoro Ayaa ah weli Midd Xassusta Akhristaha aan ka go'in.
"In aad Warqadda Ku Dhigto Qoraall iyo Cilmi ayaa ah Khatar marar badan la qaadanaayo oo Dhib iyo Dheef intaba kaaga soo noqon karaan.Warqaddo lagu soo Dhiggey wax wanaagsan ayaa Dad badan Farxadd geliyey,kuwo lagu soo Qorey Dacaayado iyo Xumaan Ayaana Ummado badan Isku kiciyey".

" Mareegta Internet-ku Haddii maanta ay Adduunyada ka bixi laheyd Rug Kutub Akhris oo aynnu ku sugno inta uu soo Noqonaayo Ayaa loo wada bixi lahaa ".Hirgelinta Maktabad Wax Akhris haddii aynu kaga maarano Internet-ka,Waxa aynu tir-tireynaa Dhaxalkii Aqoonta ee ka soo billaabmey Meel Wax-Akhris loo taggo,ka hor Shabakaddahani.
Weynnu ka Murugoonaa Akhrinta aynu Akhriney Qoraallo aad u Xumaa oo ku Dhiggnaa Warqaddaha Qaarkood innaguna beeray Fikir Khaldan Ayaa Ciil.Weynnu ku Faraxnaa marka aynu Helno Cilmi wanaagsan oo Warqaddaha Qaarkood ku Xardhan Mustaqbalkaagana Mugdi ka saarey".

Qoys wada Qoraa ah ama Wadda Akhristayaal ah oo qof kastaa Buugg Heysto ama waddo in xaafadaha laga helo Ayey Himmiladu tahay.in Aynu Tallo ka siino Akhristuhu in uu Akhriyo wax Faa,ido leh Ayey Guushu Noqoneysaa,in aan Kelliya Siyaasadd iyo Suugaan wax Laga Qorin Ayaa ah Hammiga Cussuba.
Marka horre is Weydii Fikradaha iyo Nooca Qoraall ee aad u socoto,Buugg kasta ha iska Qaadin,Xulo Noocyada Qoraallada iyo Arragtiyaha aad Jeceshahay in aad Hesho".Nolosha Warqaddaha Ayeynu ku wada Jirnaa,Qof kasta oo Suxufi ah,Qoraa ah,Aqoonyahann ah,Shaqaalle ah,Ardey ah,Macallin ah iwm Ayaa maalin oo dhann ku mashquullsan helida iyo soo saarida Warqad Cad oo Cilmi Tebineysa ama soo Gudbineysa". Waa Innoo Sannadka Dambe iyo Taxannaha Midkan Xigga Haddii Alle Idmo,Adigu Dooro Waxa aad Akhriyeyso.
Ceelaabe

Somalilandlive.com
Hargeisa Head Office


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online