Dabayshii Isbedelka Horumaraka Qaranka Somaliland Qaybti 3aad By Mukhtar Cilmi

0
August 03, 2015 in Articles by Shaqaalaha SLL Media
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabayshii Isbedelka Horumaraka Qaranka Somaliland Qaybti 3aad By Mukhtar Cilmi

    Dabayshii Isbedelka Horumaraka Qaranka Somaliland Qaybti 3aad By Mukhtar Cilmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabayshii Isbedelka Horumaraka Qaranka Somaliland Qaybti 3aad By Mukhtar Cilmi

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga Somalilandlive.com

 

waxa la arka dacaayada jaban ee xukuumadda silaanyo u adeegsato xisbiga WADDANI iyo Gudoomiye C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ku noqday wahab hadh iyo habeen, iyo in xukuumaddu adeegsato xildhibaano ,mas’uuliyiin , laakin waxay ilaawayn inuu WADDANI yahay dabayl aan joogsanayn !. Xisbiga WADDANI dhawrkan cisho logu waday qorshe soo dhigtay xukuumaddu oo qandaraaskaas soo qatay xildhibaan cali mareexaan ( cali Xoor) si ay u iibsadan dad hungri ka weyn yahay oo isku tilmaama xisbiga, waa ta arkaysayn labadi haweynay ee is casilay marke laga xayuubiyay xubinimadoodi ka dib mar logu qabtay in xidhiidh la leeyaihiin xukuumadda kulmiye!.runti ila haatan silaanyo wuu ku fashilan yahay hogaaminta dalka waxaana taas cadaynasa safarkiisi ugu danbayay ee ceerigaabo oo umaddu ugu jawaabtay imaatankisi ( way ka dhamaatay)!.SILAANYO meel walba ceeb aya u taal iyo baqdin in laga guulaysto doorashadda, baqnidaasna waa ta keentay in khal khal galiyo golaha gurtida iyo komishinka iyo khilaf abuuris G/Wakiilada dhexdiisa ka samayso.waxaana laga fadhisan kari waayay xildhibaan cali mareexan oo qandaraas ku soo qaatay WADDANI ayaamahan,waxaana le helay xidhiidhka u dhaxeayay isaga iyo kuwa iska casilay dhawaan xisbiga oo haweenay ahayeen kadib marke la helay xogtaas waanay ku fashilayn in ay ka sii wadan khal khal xisbiga gudahiisa.

go’doonka haysta xukuumadda kulmiye ee hangashka ahe wax guul la dhaho ka fog, cid walba ay soo adeegsato meel ma gaadhsinayaan waayo silaanyo wuu socon doona amba maanta ambe beri wakhtiga ay noqoto ku daa KULMIYE.waxayna ku mashqool san yihiin shirar qabyaaledeed oo ay ka wadin gobolka sool si ay xo xulufo u helan ,halka ay ku eedenayaan WADDANI inuu yahay xisbi reer !!,wasiir XIRSI iyo shirarkiisi waano la soconay safarka silaanyo ka hor.laakin wuxu la kulmay XIRSI guuldarro waayo sool wuxu noqday gobol karahsan wax la dhaho silaanyo amba kulmiye.dhowr dagaal sababtood ayey lahaayen SILAANYO –XIRSI maantana cod uma yaalo SOOL amba SANAAG ba!.WADDANI ka weyn canaasir yar yar ay soo adeegsadan amba kuwa u adeegaya sida la sheego C/laahi axmed daamur oo ah cv xun dhex yaal WADDANI gudahiisa.

Waa in hadafku noqdaa sidee xisbigu u guulaysan karaa. Waxa keliya ee xisbi ahaan iyo dal ahaanba ina farax gelinaayaa waa guusha xisbiga. Ma aha tartan leys dul buuxiyo, deedna leynaga dhex qaado. Waxaan rabaa dal WADDANI hogaamiyo, dal Lowyacado ilaa Ceelaayo loo siman yahay, dal ay ka maqnaato eex qabiil, reer shegatka maalin walba laga dhex sheeganaayo warbaahinta aan la maqal. Waxaan rabaa inaan helo umadd aqoontu hagto, shacab u heelan dhismaha dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho. shacab ka xorowda qabiilka, jabisa silsiladda ay ku xidhan yihiin. shacab aan mar walba eegin qofka hawl qaran hayaa cidda uu ka soo jeedo, bal se su’aashu noqoto waa maxay aqoontiisu, iyo maxuu qabtay,waxaan doonayaa dal nabad ku waaro oo badhaahde dhaqaale iyo mid aqooneed leh.kaasna waa marku CIRRO ku guulaysto doorashadda oo silaanyo iyo kooxdiisa maafyada ahee ka gabanayso!!. dabaysho way soo dhawdahay la soco qaybta 4aad .


By Mukhtar Cilmi                 

mukhtarcilmi@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>