SOCDAALKA MADAXWAYNE SIILAANYO IYO SAFARADDA BOQORADDA CARABTA.

1
August 03, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOCDAALKA MADAXWAYNE SIILAANYO IYO SAFARADDA BOQORADDA CARABTA.

    SOCDAALKA MADAXWAYNE SIILAANYO IYO SAFARADDA BOQORADDA CARABTA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOCDAALKA MADAXWAYNE SIILAANYO IYO SAFARADDA BOQORADDA CARABTA.

Sidaxeerarkoodu qeexayaan, Boqoradda Carabtu’ Arab Sheikhs & Kings " waxay iskaleeyaheenDadka, Dalka,Hantida &khayraadkaku jira dalalka ay xukumaan. Marka ay safaro u baxyaan,waxa horgala dhamaan Wasiirdda xukuumadda. Waxa dabayaaca hawl-wadeenada waawayn muhiimka ah . Waxa hakad gala dhamaan adeegyadda  bulshada , waxaana la xidhaa wadooyinka iyo isu-socodkagaadiidka .Markaoo Boqorku  mashruucfuro ama dhagax dhigo,waxa  warbaahinta dawladu  baahisain kharashka ku baxay mashruucaas uu ku deeqay Boqorko, kana bixiyay jeebkiisa. Waxa sifooyinkaas oo kale lahaa Keligood-Taliyaalay ka mid ahaayeen  Saddam Xuseein ,Qadaafi iyo Xusni Mubaarak.
Waxa dhabahiiku taagan Madaxweyne Siilaanyo.Tusaale ahaan , Gobolka Las-Anood  waxala gaadhsiiyay"Ambalance" ay ku deeqday Hay-adda samafalka "Red Crescent Society”. Warbaahinta Dawladdu waxay faafisay in Madaxwyne Siilaanyo u soo iibiyay ‘Reer Las-Anod” . Goobahii uu dhagax dhigay,wuxuu sheegtay inay tahay deeqo ka yimid jeebkeesa.Waa cashuurti danyarta iyo hantidii qaranka ee la xaraashay.


Daba yaaca-yaada waxaka dhex muuqday nin dheeroo ku tilmaaman Wasiirka Arrimaha Dibedda.Wuxuu gabay hawshii qaranku u egmaday . Waxa ku haboonayd inuu  ka dhex ololeeyo Shirarkii  Madaxda Afrikaee Addis Ababa.

May haboonayn inuu ka dhex muuqdo dugsi hoose oolaga furay "Gunburta Waraabe Gujis".Isku soo wada duubo, kharashka iyo baatroolka  ku baxay safarka Madaxwayne  Siilaanyo&Dabayaacyada, waxay dabooli lahayd gargaar ,gurmad,iyo biyo-dhaamis la gaadhsiiyo Goboladda Galbeedka ee abaartu ku habsatay"Gabilay, Awdal & Selel”.
Wuxuu yidhi Luggooyo,oo ka hadlaaya bulshada aan weli baran sida loola xisaabtamo Madaxda  iyo wax ka bedelka qaab nololeedkooda :
Haddii aan wuxuun laga qayirin qaabka nolosheena,
Qarnigaa dhamaadiyo ka xiga qaa’im iyo daa’m,
Qadoodi iyo waa lama huraan qax iyo eedaade.

Drs. Hoodo Yusuf. // yhoodo@yahoo.com.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online