Obama Oo Ku Baaqay In Hoos Loo Dhigo Isbadalka Cimilada Adduunka

0
August 04, 2015 in Wararka by Wariye Dalmar
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama Oo Ku Baaqay In Hoos Loo Dhigo Isbadalka Cimilada Adduunka

    Obama Oo Ku Baaqay In Hoos Loo Dhigo Isbadalka Cimilada Adduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Obama Oo Ku Baaqay In Hoos Loo Dhigo Isbadalka Cimilada Adduunka



Washington DC (SLL)- Madaxweyenaha Dalka Maraynkanka Mr. Barack Obama ayaa ugu baaqay dadka Maraykanka in ay hoos u dhimaan qiiqa wasakheysan ee hawada lagu sii daayo 15-ka sano ee soo socda.

Madaxwayne Obama ayaa daaha ka rogay waxa uu ugu yeedhay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee waligeed loo qaado si loola dagaalamo cimilada isbadalaysa ee adduunka.

Madaxweyenaha Dalka Maraynkanka Mr. Barack Obama ayaa sheegay in qorshahan micnihiisu uu yahay in Maraykanka uu yarayn doono qiiqa wasakhaysan ee kaarboonkanka qiyaastii saddex meelood hal meel, muddada 15 sano ah ee soo socota.

Qorshahan Madaxwayne Obama ayaa waxaa soo dhaweeyay dad badan oo ku dhaqan adduunka. Waxaana ka mida dadkaasi afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, oo sheegay in qorshahani uu gacan ka gaysan karo heshiis lagu gaadho shirweynaha isbadelka cimilada adduunka ee bisha December ee sanadkan ka dhici doona magaalada Paris ee xarunta Waddanka Faransiiska.

Haseyeeshee, waxaa sidoo kale jira dad badan oo ka soo horjeestay qorshahani, kuwaasi oo u arka in uu yahay mid aan waxba soo kordhinayn. Waxaan ka mid ah dadkaasi, xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee aqalka Sanate-ka iyo qaar ka mid ah ganacsatada warshadaha waawayn ee Maraykanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>