Arsenal Oo Lacag Badan Dul-Dhigtay Benzema

0
August 04, 2015 in Wararka by Wariye Dalmar
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal Oo Lacag Badan Dul-Dhigtay Benzema

    Barnaamijka Ciyaaraha Arsenal Oo Lacag Badan Dul-Dhigtay Benzema

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka Ciyaaraha Arsenal Oo Lacag Badan Dul-Dhigtay Benzema Barnaamijka Ciyaaraha

Arsenal Oo Lacag Badan Dul-Dhigtay Benzema

Diyaariye:Cabdirisaaq DALMAR

Natiijada sawirka BENZEMA


Hargeysa - (SLL)- Naadiga Real Madrid ee waddanka Spain ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso sidii lagu iibin lahaa Karim Benzema, iyadoo xagaagan la siinayo Arsenal, waxana ay qarka u saaran tahay inay raadiso weeraryahankii ay ku beddeli laheyd.

Xiddiga reer Faransa, ayaa lala xidhiidhinayay inuu u dhaqaaqayo garoonka Emirates, wararka qaar ayaa sheegayo inuu ku biiri doonno Gunners.

Waxaa la rumeysan yahay 27-sanno jirkan inuu ka fakarayo mustaqbalkiisa Santiago Bernabeu, tababaraha Real Madrid Rafael Benitez, ayaa isku diyaarinayo inuu Cristiano Ronaldo ka ciyaarsiiyo weerarka dhexe xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay The Metro, Arsenal ayaa dooneyso inay Benzema ka dhigto ciyaaryahanka ugu mushaarka badan si loogu dadaalo inuu kusoo biiro kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Kooxda Real Madrid  ayaa la filayaa inay liiska ku darsato weeraryahanka beddeli lahaa ciyaaryahankan, waxaana ay qaadan doontaa xiddigaha kala ah Alvaro Morata, Fernando Llorente iyo Sergio Aguero.

Benzema, ayaa dhaliyay 124 gool, kaddib markii uu u saftay 242 kulan, tan iyo markii uu ku biiray Real, isagoo 2009 kasoo tagay Lyon.

Natiijada sawirka BENZEMA

Ciyaaryahankan Islaamka ah ayaa waxaa aad u taageera ummadda Islaamka ee adduunka ku nool oo dhan, gaar ahaan dadka Soomaalida ayaa aad u jecel.

Natiijada sawirka BENZEMA

Ciyaaryaankan ayaa rajeynaya inuu u ciyaaro una wareego kooxda Gunners-ka.



Diyaariye: Cabdirisaaq DALMAR

somalilandlive.com

xafiiska Hargeysa, Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online