War Deg Deg Ah: Badhasaabka G/Sanaag Axmed Cabdi Falay Oo Xilka Qaadistiisu Miiska Saarantahay Iyo Gaadhigii Dowlada Oo Laga Wareejiyay

0
August 04, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 2308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Badhasaabka G/Sanaag Axmed Cabdi Falay Oo Xilka Qaadistiisu Miiska Saarantahay Iyo Gaadhigii Dowlada Oo Laga Wareejiyay

    War Deg Deg Ah: Badhasaabka G/Sanaag Axmed Cabdi Falay Oo Xilka Qaadistiisu Miiska Saarantahay Iyo Gaadhigii Dowlada Oo Laga Wareejiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah: Badhasaabka G/Sanaag Axmed Cabdi Falay Oo Xilka Qaadistiisu Miiska Saarantahay Iyo Gaadhigii Dowlada Oo Laga Wareejiyay


 

Hargeysa (SLL)-Madaxweyne siilaanyo ayaa la sheegay inuu si aad uga xanaaqay haddaladii uu badhaasaabka gobolka sanaaga Axmed Cabdi Falay ka jeediyey fagaarihii lagu soo dhaweynayey Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayey oo todobaadkii ina dhaafay bookhashada ku tegay magaalada Ceerigaabo.

 

Haddaba badhaasaabka oo haddalo soo dhaweynaha ka jeedinayey fagaaraha lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha Iyo waftigiisa ayaa sidii uu u guul-wedaynayey mar qudha dar-jiidhay, waxaana ka xanaaqay haddaladiisa waftigii Siilaanyo la socday iyo xataa Madaxweyne Siilaanyo oo goobta kaga dhawaaqay haddalo kulul, kuwaas oo uu kulahaa "waar-yaa naga fadhiiso,naga fadhiiso waxba ku hadlimaysideā€¯Ayuu Yidhi Siilaanyo

 

Dhan kalena wararka  naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu amar ku siiyey badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay inuu iska wareejiyo gaadhiga Dowlada, kaas oo sida illo wareedyo Sh. Somalilandlive.com u soo waramay sheegeen in gacanta laga geliyey gaadhigii G.T-ga ahaa isu-duwaha Wasaarada tacliinta ee G/ Sanaag Mr. Aniis

 

Geesta kalena warar Qasriga Madaxtooyada Siilaanyo ka soo gaadhay Xafiiska War-qabadka Sh. Somalilandlive.com, ayaa sheegaya in la raadinayo cidii lagu badelihaa badhasaabka G/sanaag Axmed Cabdi Falay,isla markaana caawa ama habeen dambe laga qaadi doono xilka iyadoo badelkiisana la magacaabi doono.

 

Isku soo wada xooriyoo xilka qaadista  badhasaabka G/sanaag ayaa ka dhalatay, ka dib markii uu haddalo aanu u bogin Siilaanyo ka jeediyey goob fageere ah oo siilaanyo xaadir ahaa.



Somalilandlive.com

Xafiiska Hargeysa 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online