Xog Culus: Madaxweyne Siilaanyo Oo Degmada Ceel-Afweyn U Magacaabaya Gobol Cusub + Magaca Gobolka Iyo Muranka Ka Dhashay.

0
August 04, 2015 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Culus: Madaxweyne Siilaanyo Oo Degmada Ceel-Afweyn U Magacaabaya Gobol Cusub + Magaca Gobolka Iyo Muranka Ka Dhashay.

    Xog Culus: Madaxweyne Siilaanyo Oo Degmada Ceel-Afweyn U Magacaabaya Gobol Cusub + Magaca Gobolka Iyo Muranka Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog Culus: Madaxweyne Siilaanyo Oo Degmada Ceel-Afweyn U Magacaabaya Gobol Cusub + Magaca Gobolka Iyo Muranka Ka Dhashay.


Hargeysa (SLL)- Madaxwayne Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo oo dhawaan safar shaqo ku tegay G/bariga dalka, isagoo soo maray degmada Ceel-Afweyn oo ka tirsan G/sanaag,isla markaan habeen u howday degmaadaasi .




Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigiisa ayaa habeenkii ay u hawdeen Degmad Ceel-afweyn shir doceed gaar ah la qaatay odayaasha beeshiisa, kaas oo ay kaga wada hadleen arimo door ah oo ay ugu mihiim sanayd in Degmada Ceel-afweyn laga dhigo Gobol gaar ah oo ka madax-bannaan G/sanaag, waxaana intii uu kulankaasi socday la isla meel dhigay magaca Gobolkan Cusub loo bixinayo iyo saamiyada aan buurnay ee laga siinayo beesha Sacad yoonis (HY) iyo beesha Dhulbahante oo Beesha Habar-jeclo la deggan Degmada Ceel-afweyn.


Dhanka kale waxa la sheegay inay labad beelood ee kale ka biyo diideen saamiyada loo qorsheeyey in laga siiyo Gobolka loo magacaabayo degmada Ceel-afweyn, taasi ay keentay in dib loo dhigo magacaabistisii miiska sarnayd markii hore.


Magac Cusub Ee Loo Qorsheeyay In Loogu Wanqalo Gobolka Cusub



Gobolkan Cusub ayaa la qorsheeyay in loogu wan-qallo magaca ( Gobolka”Karamaan”), balse nasiib daro waxa dhacay in la isku maan dhaafo, iyadoo sida ay xoguhu sheegeen marka hore la qorsheeyay intuu m.siilaanyo iyo waftigiisu jogaan inuu ku dhawaaqo , waxaan xusid mudan in la qaybiyey calamantii iyo wixii loogu dabaal degi lahaa gobolkaa cusub.


Gunaanad Madaxweyne Siilaanyo oo ku caanbaxay xigtaysi iyo qarabokiil, ayaa magacaabista gobolkan cusub wuxuu uga dan lahaa inay beeshiisu hesho gobolkii labaad ee uu magacaabo intii uu xilka hayey, isla markaana u gaar ah beesha uu ka soo jeedo isagu,waxaana la filaayaa in uu dhawaan wareegto uu ku soo saaro magacaabista gobolkan cusub.


Tafatiraha Somalilandlive.com 


Somalilandlive.com

Hargeysa Office




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online