Wafdigan ayaa waxaa magaalada Bosaso kusoo dhoweeyay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland, C/llaahi Saalax (Qoobdeero), Madaxda maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Bosaaso.

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Somaliya Peter de Clercq ayaakulamo la yeeshay mas’uuliyiinta xeryaha qaxootiga maamula, isagoo kala hadlay xaalada qaxootiga Yeman kasoo cararay iyo side dib u dejin loogu sameyn kar

Wasiirka arimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Peter ayaa kulan saacado qaatay ku yeeshay xarunta gobolka ee degmada Boosaaso, waxaana shirkan looga hadlay arimo ku aadan taakulaynta qaxootiga Yemen ka soo cararaya.

 

Peter de Clercq ayaa sidoo kale booqday dekedda magaalada Bosaaso oo bilihii la soo dhaafay ay ka soo dagayeen Qaxooti aad u badanoo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kale oo u dhashay Yemen.