Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga Ee Ka Hawlgala Kastamadda Oo Walaac Ka Muujiyay Shaqadoodii Ay Ka Maroorsatay Wasaaradda Maaliyaddu

0
August 04, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga Ee Ka Hawlgala Kastamadda Oo Walaac Ka Muujiyay Shaqadoodii Ay Ka Maroorsatay Wasaaradda Maaliyaddu

    Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga Ee Ka Hawlgala Kastamadda Oo Walaac Ka Muujiyay Shaqadoodii Ay Ka Maroorsatay Wasaaradda Maaliyaddu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga Ee Ka Hawlgala Kastamadda Oo Walaac Ka Muujiyay Shaqadoodii Ay Ka Maroorsatay Wasaaradda Maaliyaddu Shqaalaha wasaaradda ganacsiga Somaliland ee ka hawl gala xarumaha dakhli-soo-saarka dalka ayaa la sheegay in ay shaqadoodii ka maroorsatay shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda ee ay wada joogaan goobahaasi. Waxaanay yihiin kuwo magac u yaal ah.

Wax masaariif ahna ma qaataan mudooyinkan u danbeeyay sida ay no cadeeyeen qaar ka mid ah shaqaalahaasi wasaaradda Ganacsiga ee jooga xarumaha kastmadda dalka gaar ahaana goboladda galbeedka oo aanu la sheekaysanay.

"Quraacihii iyo Baastadii aanu suuqa ka cunay ayaa na loo haystaa, oo wax aanu isaga bixino ma hayno. Xaasaskii iyo carruurihiina way na sugayaan” sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ganacsiga ee ka hawl gala kastamka magaaladda Wajaale, kaasi oo ka cudur-daartay in magaciisa la xuso.

Arrintani ku habsatay shaqaalaha wasaaradda ganacsiga oo aanu u kuur-galnay ayaa waxa noo xaqiijiyay dhibaatadda haysta shaqaalaha ka shaqeeya meelaha dakhli soo saarka ama kastmadda sida Abaarso, Kalabaydh, Wajaale, Boorama, Saylac iyo meelo kale, kuwaasi oo noo xaqiijiyay in arrintani masaariif la’aantu ay tahay mid iyaga oo qudha ku kooban.

Halka shaqaalaha ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee iyagu goobahaasi la joogaa ay qaataan lacag gaadhaysa inta u dhaxaysa 70,000 shilling ilaa 100,000 shilling, dhibaatadaasi oo ay ku sababeeyeen in ay masuul ka yihiin maamul xumo ku habsatay madaxda sare ee wasaaradda ganacsiga oo aan wax xil ah iska saarin arrinta shaqaalaha, isla markaana aan waxba kala socon arrimahaasi.

Sidoo kale waxay noo sheegeen shaqaalahan ka tirsan wasaaradda ganacsiga ee aanu la kulanay in aanay jirin xafiisyo qalabaysan oo ay ku hawl galaan, isla markaana xafiisyadoodu ay yihiin kuwo aanu oolin wax agab lagu shaqeeyo ah sida Kuraas, miisas iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah shaqadda.

Waxaanay noo xaqiijiyeen in marka ay shaqo qabanayaan in ay kuraasta iyo miisaskaba ka soo qaataan xafiisyadda wasaaradda maaliaydda ee ay isku shaqaddda yihiin kuwaasi oo iyaga xafiisyadoodu ay yihiin kuwo si fiican u qalabaysan, iyadoo waxa keliya ee xafiisyadda wasaaradda ganacsiga ee kastamadaasi waxa keliya ee yaallaa ay yihiin buugaagta ay waraaqaha ka jarayaan iyo Shaabadda oo qudha.

Waxyaabahan is-biirsaday ee jira xafiisyadda wasaaradda ganacsiga ee xarumaha dakhli soo saarka dalka ayaa loo aanaynayaa in ay sabab u tahay masuuliyiinta sare ee wasaaradda ganacsiga oo u muuqda kuwo ka gaabiyay shaqaddii ay qaranka uga masuulka ahayd, isla markaana hawsha cashuur qabashadda ay gebi ahaanba si buuxda ula wareegtay ugana maroorsatay wasaaradda maaliyaddu.

Iyadoo ay mudooyinkan danbe soo ifbaxaysay arrintani la xidhiidha in wasaaradda ganacsigu ay lumisay dhamaanba awoodihii iyo doorkii ay ku lahayd hubinta iyo qabashadda dakhliga dalka soo gelaya, isla markaana ay taa bedelkeedda ay dhamaanba hawlihii cashuur qabashada isku koobtay lana wareegtay wasaaradda maaliyadu, halka ay ahady in ay wasaaradda ganacsigu hubiso cadadka lacagta ay wasaaradda maaliyadu ka qaaday bagaashka ama maciishadda la cashuuray ee dalka dibadda ka soo gashay.

Waxaana muddooyinkan danbe si aad ah u soo baxayay cabashadda shaqaalaha wasaaradda ganacsiga ee xarumaha dakhli qabashadda dalka ka hawl gala kuwaasi oo ay soo food saartay dhibaato adag oo sababtay in ay gudan kari waayaan shaqadii ay qaranka uga masuulka ahaayeen, kuwaasi oo hadda u muuqda haddii aan arrintani si deg deg ah wax looga qaban in ay baneeyaan shaqadda ay hayaan.

Si kastaba ha ahaatee cabashooyinkan ka soo yeedhaya shaqaalaha wasaaradda ganacsiga ee xarumaha dakhli ururinta ayaa muujinaya in wasaaradda ganacsigu ay ku fashilantay shaqadeedii, isla markaana ay tahay mid dayacday hawlihii ay qaranka u qaabilsanayd. Maadaama oo ay tahli kari waayeen shaqaalaheedii kastamadu in ay ogaadaan ama la socdaan cadadka dakhliga maalin kasta soo gala wasaaradda maaliyadda.

Waxaanay u muuqataa in waxyaabahan soo baxayaa ay weji-gabax ku yihiin shaqadii ay qaban lahadyna ay wasaaradda maaliyadu kala wareegtay, una muuqata mid aan waxba ka ogayn sharuucda dalka iyo awoodaha uu u siiyay in ay si wada jir ah waraaqaha dakhli-qabashadda ee loo jarro badeecadaha lagu cashuurro kastmadda.

Axmed M.M.C.

Tell:0659118404




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online