Safarkii Hagardaamada + Sagootintii madaxweyne siilaanyo ee Haybta Bari + Hankii Dhicisoobay ee Wasiir Xirsi + Huruufkii beelaha sanaag iyo saraar + iyo hal‏

0
August 04, 2015 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii Hagardaamada + Sagootintii madaxweyne siilaanyo ee Haybta Bari + Hankii Dhicisoobay ee Wasiir Xirsi + Huruufkii beelaha sanaag iyo saraar + iyo hal‏

    Safarkii Hagardaamada + Sagootintii madaxweyne siilaanyo ee Haybta Bari + Hankii Dhicisoobay ee Wasiir Xirsi + Huruufkii beelaha sanaag iyo saraar + iyo hal‏

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safarkii Hagardaamada + Sagootintii madaxweyne siilaanyo ee Haybta Bari + Hankii Dhicisoobay ee Wasiir Xirsi + Huruufkii beelaha sanaag iyo saraar + iyo hal‏


Safarkii Hagardaamada + Sagootintii madaxweyne siilaanyo ee Haybta Bari + Hankii Dhicisoobay ee Wasiir Xirsi + Huruufkii beelaha sanaag iyo saraar + iyo hal adaygii muuse biixi……Qalinkii calimahdi jibriil Xassan


Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland safar aan jiho lahayn uu ugu baxay gobolada bari ee Somaliland, kaas oo ujeedadiisa lagu sheegay inuu ahaa, safar madaxweyne siilaanyo xadhiga kaga soo jarayo mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay gobolada bari gaar ahaana gobolka baaxada weyn ee sanaag,.

Hase yeeshee ujeedada dhabta ah ee safarkaasi oo aan la shaacin ayaa ahayd macsalaamayntii iyo sagootintii madaxweyne siilaanyo uu ku sagootinayay deegaankii iyo dadkii soo doortay sidoo kalena waxaa jiray kulamo qorshaysan oo loogu talo galay inuu la qaato beesha guud ee uu ka soo jeedo amdaxweynuhu waxaana uu ahaa mid uu doonayay inay wax isku ogaadaan beeshiisa,

Safarkan ayaa ahaa soo gunaanadkii mudo xileedkii madaxweyne siilaanyo waxaana uu reer reer ula kulmayay beelweynta uu ka soo jeedo, si kastaba ahaatee ka hor madaxweynuhu intii aanu hargaisa ka bixin waxaa jiray kulamo goos goos ah oo uu la qaatay xildhibaanada siyaasiyiinta iyo salaadiinta ka soo jeeda beeshiisa, waxaana lagu gorfaynayay sidii uu wajihi lahaa kulamada horta leh ee uu la qaadanayay qaybaha ay ka koobantahay beeshu iyo weliba safarka iyo cida madaxweyne siilaanyo ku wehelin lahayd,

Kulamadaas oo intooda badani ay ku dhamaadeen rejo la’aan hadana waxaa jiray kulankii ugu danbeeyay ee lagu go’aan qaatay oo ka dhacay qasriga madaxtooyada ayaa ahaa mid ay ka soo qayb galeen keliya xildhibaanada iyo ganacsatada beesha maxamed abokor oo ah reerka hoose mee amdaxweyne siilaanyo, wararku waxa ay intaasi ku darayaan in beesha kale ee muuse abokor ay ka biyo diiday qaabka safarka loo wajihilahaa iyo cida raacilahayd madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee safarkaasi ayaa noqday mid si weyn ay ugu kala qaybsameen siyaasiyiintii beesha madaxweyne siilaanyo, ugu danbayna waxaa raacay madaxweynaha wasiir xirsi oo isagu ka faa’iidaysanayay safarkii ugu danbeeyay ee madaxweynuhu uu ku tago gobolada bari islamarkaasina ku jiray olole hoose oo madaxtinimo doon.

Fadeexado fara badan ayaa ka soo baxay kulamadii shirdoceedyada ahaa ee madaxweynuha iyo beeshiisa oo uu wehelinayo gudoomiyaha kulmiye muuse biixi cabdi oo ka qabsoomay magaalooyin kala duwan.

Wasiirla wasaarada madaxtooyada Somaliland, xirsi cali xaaji xasan waxa uu bilaabay inuu afduubo shirka kadib markii ay weftigu ka soo noqdeen gobolka sool iyo jiida hore, kulankii ugu horeeyay oo saacado qaatay, ayaa ahaa mid ka dhacay degmada caynahba ee gobolka saraar, waxaana uu madaxweynuhu laba beelood oo ka tirsan beeshiisa guud ay fooda is dareen isaga oo uu la docyahay wasiir xirsi iyo muuse biixi cabdi, go’aamadii halkaasi madaxweynuhu ka jeediyay ayay beelahaasi qodobo ka mida aqbaleen halka qodobo kalena ka dhaarteen,

Qodobada beelaha gobolka saraari aqbaleen ayaa waxaa ka mid ahaa, in shanta sano ee soosocota loo codeeyo loona daayo musharaxnimada madaxtinimo beesha sacad muuse ee gobolka gebilay, gaar ahaana muuse biixi hadii tolkiisu isku raaco.

Madaxweyne siilaanyo waxa uu lama taabtaan ka dhigay musharaxnimada beesha gebilay iyo hargaisa waxaana uu sheegay in iyagu xor u yihiin qofka ay soo xulanayaan balse loo baahanyahay mar walba ka beel ahaan in loo codeeyo beeshaas oo uu u sheegay inay abaal abdan ku leedahay beeshoooda.

Qodobka kale ee laysku raacay ayaa ahaa in sanadkan beeshooda la siiyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye, waxaana madaxweynuhu sheegay in siyaasiyiinta beesha isaga iyo saleebaan u bedeli doonaa ay noqon doonaan wasiir xirsi iyo xildhibaan cali mareexaan oo ku loolamaya gudoomiyenimada kulmiye, lkn waxaa arintaas markiiba diiday beelihii gobolka saraar degenaa gaar ahaana beesha cumar beesha reeryoonis iyo beesha cali bare oo meel adag iska taagay musharaxnimada wasiir xirsi waxayna madaxweynaha u sheegeen inay keliya u codayn doonaan hadii gudoomiyaha kulmiye lasiiyo wasiir maxamuud xaashi ama siyaasi xasan gaafaadhi,

Kulanka ayaa noqday mid jiq iyo jiq la isku mari waayay kedib waxaa hadalka dhex galay gudoomiyaha kulmiye muuse biixi oo u sheegay beelihii ay la shirayeen in gudoomiyuhuna uu ku iman doono cod iyo doorasho xor ah.

Intaa kedib kulanka labaad waxa uu ka dhacay degmada gar adag kulankaas ayaase socday wax ka yar saacad waxaana madaxweyne siilaanyo si adag meesha garadag uga diiday inay ka aqbalaan go’aamada uu watay waxayna hordhigeen cabshooyin tiro abdan oo uu ka mid ahaa musharaxniamda gudmoomiyaha kulmiye ee wasiir xirsi,

Kulankii ugu adkaa ayaa ka dhacay magaalada ceel afweyn ee isla gobolka sanaag kulankaasi ayaa ahaa mid ay u dhanyihiin dhamaan beelaha muuse abokor waxaana shir gudoominayay boqor buurmadow iyo madaxweyne siilaanyo,

Inkasasta oo inta badan go’aamada laysla qaatay hadana waxaa laysku fahmi waayay cida yeelanaysa gudoomiyaha kulmiye isla beesha dhexdeeda, boqor buur madow oo afka beesha ku hadlay ayaa u sheegay madaxweynaha iyo muuse biixi in siyaasiyiinta beesha hore ay u lahayd beesha maxamed abokor oo lahayd siyaasi saleebaan gaal iyo axmed siilaanyow axaana uu sheegay in iminka ay tahay markii muuse abokor, ayna ka salaadiin ahaan iyagu soo xuli doonaan gudoomiyaha kulmiye.

Waxaana lagu heshiiyay in madaxweynuha iyo beeshuba ay mar kale ku kulmaan hargaisa, sidoo kale boqor burmadow waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in lagu ixtiraamo muuse biixi msharaxnimada madaxtinimo ee kulmiye .

Kulamadu ilaa ceerigaabo waxa ay ahaayeen mid goos goos ah hase yeeshee beesha muuse abokor ee gobolka sanaag saraar togdheer iyo qaybta saaxil degtaaba waxa ay madaxweynaha u soo dhiibeen go’aan midaysan oo ahaa inaanay diyaar u ahayn inay u codeeeyaan siyaasi mar kale ka soo baxa beesha hoose ee madaxweyne siilaanyo.

Hase yeeshee kulan kaa ka duwan ayaa ka dhacay magaalada burco kaas oo dhexmaray madaxweyne siilaanyo iyo beeshiisa maxamed abokor waxayna dhamaanba la qaateen go’aamadii uu soo jeediyay madaxweynuhu marka laga reebo beesha reer daahir oo iyagu tabashooyin dhowr ah madaxweynaha soo hor dhigay.

Inkasta oo ay badi dhicisoobeen ujeedadii safarka madaxweyne siilaanyo hadana waxaan la iloobi Karin in lasyla qaatay in sanadkan kulmiye musharaxniamdiisa loo daayo beesha muuse biixi.

Madaxweyne siilaanyo ayaa la sheegay inuu u arkayay inuu safarkaas guul ka soo gaadhay halka wasiir xirsina aaminsanyahay inuu weji gabax kala soo kulmay maadaama beesha inteedii badnayd ama muuse abokor ka biyo diideen gudoomiyenimada kulmiye ee uu u hanqal taagayay wasiir xirsi taas bedelkeeda waxa uu bilaabay inuu adeegsado warbaahinta afkiisa ku hadasahay ee lagu eedeeyo inuu leeyahayw asiir xirsi, waa warbaahinta Somaliland today iyo joornaalka kale ee cusub ee codka shacabka oo iyagu ah kuwo dhawaan wasiirku furtay islamarkaasina uu ku gudbisto afkaartiisa waxaana uu bilaabay inuu weerar ku qaado wasiirka wasaarada duuulista iyo hawada maxamuud xaashi cabdi oo uu ku eedayanayay in fadeexadii uu kala soo kulmay beesha muuse bokor iyo beelsha cimraan uu isagu ku lug lahaa,

Labadaasi joornaal ayaa baahinayay warar ay ka mid yihiin inw asiir maxamuud xaashi ka hinaasay safarka wasiir xirsi madaxweynaha u raacay uuna bilaabay inuu kala qooyo beesha guud ee madaxweynaha.

Arintaas oo ay dad badani isweydiinayeen ayaa waxa jawaab u noqotay diidmadii cadayd ee la isku raacay in xirsi aanu meteli doonin beesha siilaanyo dabadii.

Wasiir xirsi cali xasan ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku mashquulsanaa sidii uu ku noqon lahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye, kaas oo uu doonayo inuu bedelo gudoomiye muuse biixi oo isagu noqonaya musharaxa xisbiga kulmiye,

Balse safarka madaxweyne siilaanyo iyo diidmada beelaha sanaag iyo saraar ayaa soo afmeeray hankii musharaxnimo ee wasiir xirsi.

Hase yeeshee tartanka loogu jiray kulmiye ayaa circa isku shareeraye ninkii rooni reerka haw hadho

Qalinkii Calimahdi Jibriil
Calimahdi1@gmail.com
00252 63 420 3752




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online